Baladxaawo(Caasimada.com)-Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab ayaa waxaaa uu ka dhacay maanta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay gacanta dowlada ay ku jirto.
Sida wararka ay sheegayaan Dagaalka ayaa waxaa uy yimid kadib markii Ciidamada Al-shabaab ay wadada ay ugaleen Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Dowlada oo ku siijeeday Degmada Baladxaawo waxaana halkaas ka dhacay dagaal mudo kooban socday.
Goobjogayaal ayaa shabakada Caasimada usheegay in dagaalka uu kadhacay deegaanka Caro-Ciid oo magaalada Baladxaawo hoostaga waxaana ay sheegeen inuu jiro qaasaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Si rasmi ah looma xaqiijin qasaaraha Dagaalka lakiin inta laga warhayo hal ruux ayaa ku dhintay mid kalana waa uu ku dhaawacmay waxaana dagaalkaas guula ka sheegtay Ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowlada ayaa waxaa uu gurmad ugu yimaaday Degmada baladxaawo kadibna Ciidamada Al-shabaab ayaa kabaxsaday meelihii ay weerarka kasoo qaadeen.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.