Alex Ferguson oo Chelsea ugu mahad naqay inay iska sii deysay Didier Drogba.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson, ayaa su’aalo ka keenay habka kooxda Chelsea ay isku maareyn doonto xagaaga soo socda, ayada oo aan heysan Didier Drogba.

Isaga oo jees jeeskiisii ugu horeeyay u diraya kooxda Stamford Bridge, ayuu Ferguson qirtay inuu naxay markii uu maqlay in 34 jirka reer Ivory Coast uu ka tagay kooxda reer London kuna biiray naadiga Shanghai Shenhua ee dalka China.

Ferguson ayaa yiri “waa arrin aad inoogu wanaagsan innaga, haddii Drogba uu tagay. Drogba wuxuu ku guuleystay koobka horyaalada Yurub, markii uu goolka madaxa dhaliyay – waxa uuna aahaa kan kaliya ee uu sameyn karay, wayna ku mahadsan tahay Chelsea inay iska sii deysay”.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: