Caasimada Online | Isha Wararka Sugan
DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun QM leedahay, Muqdisho
Warar goordhaweyd naga soo gaaray wadada aada Airportka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay mid ismiidaamin ah.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay illinka hore ee xarunta Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobe u qaabilsan horumarinta oo xafiiskeeda uu saaran yahay wadada laamiga ah ee aada garoonka Muqdisho.
Qof ku sugan nawaaxiga UNDP oo aan goordhaweyd la hadalnay ayaa sheegay in rag hubaysan ay ka dagteen gaari nooca Runeydka loo yaqaan, kadibna mid kamid ah ragaasi illinka hore uu isku qarxiyay.
Goob joogo kale ayaa isna sheegay in qaar ka mid ah ragga hubeysnaa ay gudaha u galeen xarunta UNDP, halkaasna iminka ay ka socoto is-rasaaseen xoogan oo u dhaxeysa ayaga iyo ciidanka ilaalada goobta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay ahaayeen illaa saddex, inkasta oo aan weli la xaqiijin.
Goobta oo noqotay meel qiiq iyo uuro kali ah ayaa hada waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Amisom,kuwaasi oo dhankooda rasaasta ka ridaya.
Waxaa la rumeysan yahay inuu jiraan dhimasho iyo dhaawac intaba, balse weli tirada rasmiga ah sooma aysan bixin.
Xaalada goobta ayaa kacsan,waxaana ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dhooban yihiin hareeraha wadada aada KM4 ee Magaalada Muqdisho,iyadoo rasaastana ay dhaceyso.
Warkan oo faah faahsan naga filo goor  dhow insha allah
Use Facebook to Comment on this Post
Full List: Isku aadka EPL ee xilli ciyaaredka cusub oo la shaaciyey
Use Facebook to Comment on this Post
Maamulka Axmed Madoobe maxay ka yiraahdeen dhaawacii Col. Raadeer?
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe General C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” oo ka hadlay xaalada Yaasiin Nuur Gaas “Raadeer” gudoomiye ku xigeenka maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo oo shalay lagu dhaawacay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan sidii loo buunbuuniyana aysan aheyn waa sida uu yiri.
General C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” ayaa tilmaamay in xaalada Yaasiin Raadeer imika ay tahay mid wanaagsan, isagoona xusay in dhaawiciisa lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe oo ka warbixiyay qaabka uu ku dhaawacmay Yaasiin Raadeer ayaa sheegay in uu doonayay in uu qaado isbaaro ay dhigteen maleeshiyo ay isku haybyihiin agagaarka Dekeda magaalada Kismaayo, waxa uuna xusay in mid kamid ah maleeshiyaadkii ku sugnaa isbaarada uu xabad ku dhuftay Yaasiin dhaawacana sidaa kusoo gaaray.
General Fartaag ayaa sidoo kale sheegay in kooxo qas wadayaal ah ay buunbuuniyeen dhaawaca Yaasiin Raadeer, isagoona tilmaaamay in xaalada Raadeer sida loo dhigay aysan aheyn oo uu imika wanaagsan yahay sida uu yiri.
Yaasiin Nuur Gaas “Raadeer”  gudoomiye ku xigeenka maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo oo shalay lagu dhaawacay magaalada ayaa imika la sheegayaa xaaladiisa in ay yara wanaagsan tahay, isagoona lagu daweynayo Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
VIDEO-gan waxa uu beddeli doonaa noloshaada (Fadlan daawo)
Waxaa xaqiiq ah inuusan jirin qof dood ka qaba inay maalin ay ahaataba uu dhiman doono, hase yeeshee cidina ma oga waqtiga ay dhiman doonto. Waxaa macquul ah in daqiiqadda aad qoraalkan aqrineyso ay tahay tii kuugu dambeysay, ama in 100 sano ay kuu harsan tahay.
Si kastaba, waxaa hubanti ah in tani ay tahay nolol kooban, blase nolosha dhabta ah ee aan weligeed dhammaan doonin ay tahay tan beri, ama midda ka dambeysa geerida.
Su’aal: Maxaad u diyaarsan tahay noloshaada dambe?. Video-gan hoosta ka muuqda oo ah filim gaaban oo Islaami ah, kana kooban 5 daqiiqo waxa uu ku tusi doonaa sida noloshaada isku beddeli karto il-biriqsi gudaheed, hadhowna aysan shalay wax tari doonin.
Video-gan, waxa uu sidoo kale koobi doonaa dhacdooyinka noloshaada iyo sida ay isu-beddelaan. Video-gan wuu kaa ilmeysiin doonaa, alle ayuu ku xusuusin doonaa, waxaana uu beddeli doonaa noloshaada….Insha Allah…ee nala daawo haddaan nahay bahda Caasimada Online.
Use Facebook to Comment on this Post
GEEDI “Kismaayo waa Hilib kooxi kor u heysato sidee loo qeybin karayaa?”
Naadiga La Socodka Arrimaha  Soomaliya, wuxuu codkiisa ku biirinaayaa dhammaan intii  horey u  canbeereysay dagaalkii doqonimada ahay ee  dhowaan ka dhacay magaala-madaxda Jubbooyinka ee Kismaayo, dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan,  NLSAS wuxuu Ilahay uga baryayaa in uu  Intii dhimatay  u naxariisto, isla markaasna qaraabadoodii iyo qaranka Soomaaliyeed  ka siiyo samir iyo iiman, intii ku dhaawa-cantayna  uu Alle   dhaqso   u bogsiiyo.
Dagaalkaas waxaa horey u canbaareeyey madaxda dalka ugu sarreysa, inta badan bulshada qeybaheeda kala duwan gudaha iyo dibadba  iyo beesha caalamka , waxayna dhammaantood  si isku mid ah   hoosta uga wada xarriiqeen inay  wax weyn ka qaldan yihiin ciddii 22-sano ka dib, u caaboon  abaabulid dagaal beeleedyo shaati qafiif ah   loo gelinaayo iyo xukun xoog ku raadin, iyadoo la wada xusuusto waxa laga dhaxley dagaaladii hore iyo xoog xukun ku raadin.
Naadiga La Socodka Arrimaha Soomaliya iyo cid kasta oo macquul ah, lana socotay wixii ka dhacaayay Somaaliya laga soo billaabo 1991-dii, dalka intiisa badan  waxaa ka soconaayay  dagaalo  soo noq-noqonaayay oo hadba wejiyo cusub yeelanaayay, dagaaladaas oo Soomaaliya dhaxalsiiyay  karaamo-darro iyo kala qaxitaan guud, iyadoo kumayaal qof ay haraad iyo baahi ugu dhinteen dalka gudihiisa, kumayaal ayna kala galeen xarooyin qaxootiyeedyo, gaar ahaan wadamada Kenya iyo Yemen, qaar badda ku le’day, qaar ku xir xiran xabsiyada adduunka, gaar ahaan wadanka Liibiya, qaar qowleysata Carbeed  ay ka qab qab sadeen  Saxaraha carbeed ee sidii xoolahii lugaha sil-sillooyin looga xirtey ee si siman rag iyo dumarba loo fara xumeeyo iyo qaar dhagax nafta looga qaaday sida dhowaan ka dhacday South Africa, qaar ciil aawadiis sarooyin dheedhaar iska soo tuuray, sida dhowaan ka dhacday wadanka  Talyaaniga iwm, waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaay dagaaladii sokeeye iyo dowlad dhexe la’aantii jiri jirtay.
Haddii lagu baajin karaayo dagaalo sokeeye oo dib uga soo cusboonaada Jubbooyinka, wuxuu Naadiga La Socodka Arrimaha  Soomaaliya aad u soo dhoweynayaa, baaqa dowlada dhexe ee federaalku ay ugu baaqday dadyowga wada dega jubbooyinka inay   shir  ugu qabaneyso  caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay  sheegtay dowladu, shirkaas  waxaa lagu wada casumi doonaa dhammaan beelaha, amba dadka  wada dega jubbooyinka, ayaga ayaana uga tashan doona danaha deegaanadooda, iyadoo  doorka dowlada uu ahaan doono inta uu Dastuurka dalku tilmaamaayo oo  kaliya.
Ha yeeshee, wuxuu Naadigu aad ugu shakisan yahay ( skeptical),  beel ka mid ah beelaha wada dega Jubbooyinka ayaa  si weyn u hubeysan, meesha beelaha kale aysan  hubeyneyn, sidaas awgeed, su’aasha taagan waxay tahay, beeshaan hubeysan ma u hoggaansami doontaa go’aanka  ka soo bixi doona shirka Muqdisho ay  ku yeelan doonaan beelaha wada dega Jubbooyinka, dowlada dhexe ay goob-joog ka ahaan doonto?,  iyadoo lawada ogsoon yahay inuu siyaasi ka soo jeeda beeshan hubeysan uu muddooyinkan danbeeyey si aan  leex leex lahayn uu qalabka warbaahinta uga sheegaayey in uu jiro qorshe soo socday illaa sideed bilood ( eight months process), loona baahan yahay markasta ee laga hadlaayo arrimaha  Jubbooyinka  in lagu saleeyo ( process-kas), meesha beelaha kale ee aanan hubeyneyn ku dacwoonaayaan inaanan process-kaas la sheegaayo haba yaraatee aanan laga tala gelin, sidaas awgeed process-kaas la sheegaayo uu yahay process beel kaliya wadato.
Siyaasi ka soo jeeda beelaha aanan hubeyneyn ee Jubbooyinka, ayaa ku tilmaamay siyaasigaan ay beeshiisu hubeysan tahay, ee ku dhegan waxaa jira qorshe soo socda 8 billood ( 8 months old processing) in uu hadalkiisu la mid yahay,  odey-dhaqmeedkii heer Muqdisho ee guri uu muddo dheer sharci-darro ku deganay, lagu yiri odey guriga ka bax dowlad ayaa dalka ka dhalataye ee yiri ” sidee uga baxaa gurigaan  Gebadhii iigu dhalatay  ayaa ilmo ku dhashee” ( Ridiculos).
Runtii kala aragti duwanaashaha beelaha wada dega Jubbooyinku, kuma dhiirigelineyso, waana su’aal taagan siday ugu wada hoggaansami doonaan, wixii ka soo baxa shirka ay  dhowaan  dowlada dhexe muqdisho ugu qaban doonto beelaha wada dega jubbooyinka,  sidaas daraadeed, waxaa la habboon NLAS, ka hor inta  aanan la qaban shirka  heer Jubbaland, in la sameeyo tilaabooyinka soo socda:-
1)  In guud ahaan amaanka  magaalada Kismayo iyo deegaanada ku teedsan, lagu wareejiyo  ciidamo AMISOM oo aanan lagu tuhun saneyn inay u jen jeeraan beel ka mid ah beelaha isku haysta hoggaanka jubbooyink.
2) In hub ka dhigis lagu sameeyo dhammaan Maleeshiya beelyada wada dega Jubbooyinka ( clans militian disarmament of Jubbaland), amaanka deegaanadaasna la wareegaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
3) In la sameeyo Ergooyin heer  Jubbbaland ah oo ku saleysan 5-ta beelood ee muddooyinkaan danbeey Soomaalidu ku qeyb-saneysay awooda dalka, Ergadaanu waa inay soo doortaan  madaxdii hoggaamin lahayd heer Jubbaland.
4)  Madaxdii ku guuleysata doorashada  insha’alllahi Muqdisho ka dhici doonta, amaankooda waa inay la wareegtaa AMISOM-ta  u xil-saaran goballada Jubbooyinka.
Naadiga La Socodka Arrima Soomaaliya, wuxuu aminsan yahay haddii aanan la sameyn sharuudaha kor ku xusan in arrint u ekaan doonto, hilbihii dadka badan ka dhexeeyey ee intuu nin kor u qaatay, yiri hilibka noo qeybiyay , markaasaa lagu yiri horta hilibka dhulka dhig hala qeybiyee.
Gabagabadii  iyo Gunnaanadkii, hilib kooxu kor u haysato sideebaa loo qeybin karaayaa?.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga La Socodka Arrimaha Soomaliya.
Dubai.UAE.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Mahadsanid
Use Facebook to Comment on this Post
Shir amniga dalka looga hadli doono oo qaban qaabadiisu socoto
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa shaaca ka qaaday in ay qaban qaabineyso shir arimaha amaanka dalka looga hadli doono, kaasi oo ay ka qeyb galayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wasaaradiisa ay abaabuleyso shir looga hadli doono amaanka dalka, waxa uu tilmaamay wasiirka in shirka lagu lafa guri doono sida ugu haboon ee dalka amaan buuxa loogu soo dabaali karo, isagoona xusay in shirka ay ka qeyb geli doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirka ahmiyad lagu siin doono qeybaha kala duwan ee bulshada si buu yiri amniga dalka xal buuxa looga gaaro, isagoona xusay in shirka ay qeyb ka noqon doonaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka.
Wasiirka wasaarada  arimaha gudaha iyo amniga qaranka  Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka ujeedkiisa uu yahay in meel looga soo wada jeesto dadka carqalada ku ah amaanka dalka, sida uu yiri, isagoona xusay in meel looga soo jeesan doono dad uu sheegay wasiirka in qabiil iyo qori caaradiisa ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed dalka amnigiisana khalkhal gelinaya.
Soomaaliya oo wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya lugaha la gashay fowdo iyo kala dambeyn la’aan ayaa imika waxaa laga dareemayaan ifafaalo nabadeed, inkastoo uusan amniga aheyn 100% hadana waxaa la tilmaamayaa in uu ka yara wanaagsan yahay sidii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
Muqdisho maxaa saaka ka cusub…?
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowlda  gaar ahaan Nabad Sugida iyo Booliska ayaa saakay waxa ay howlgalo ka sameynayaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.
Howlgalka oo imika ka socda degmada ayaa ciidamada oo koox koox u socda waxa ay galayaan guryaha ayagoona amar ku bixinaya in guryaha laga soo saaro dhalinyarada.
Ciidamada howlgalka wada qaarkood ayaa waxa ay  taagan yihiin wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa degmada,  ayagoona wadada ka celinaya gawaarida yar yarka ah ama kuwa raaxada iyo gawaarida dadweynaha.
Waxaa la sheegayaa in howlgalka lagu soo qabtay dad fara badan oo dhalinyaro u badan, ayadoona ciidamada ay meel isugu geynayaan dadka ay soo qabtaan oo badankood dhalinyaro ay yihiin.
Howlgalkani saakay ka socda degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah howlgalo mudooyinkii dambe ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka sameynayeen xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu micneeyay sugida amaanka magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
Soomaaliya oo kaalinta labaad ka gashay qoxootiga adduunka 2012-ka
Geneva (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay Arbacada maanta ah Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qoxootiga Soomaalida ay ugu horeeyaan qoxootiga waddamada ka carara.
Hey’adda qoxootiga UNHCR oo warbixintan soo saartay ayaa sheegtay in qoxootiga Soomaalida ay noqdeen kuwa labaad ee adduunyada ugu horreeya kuwa waddamaooda ka cararay sannadkii horre ee 2012-kii.
Soomaaliya ayaa ku jirrta shan waddan oo adduunka ugu horreeya qoxootiga ka carara waddankooda. waxaana ka mid ah Soomaaliya, Syria, Sudan, Ciraaq iyo Afghanistan.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay waddamadooda ka carareen dad kor u dhaafaya ilaa 8-Milyan oo qof, waxaana dadkaas 1.1 Milyan oo qof ay ka carareen waddanka Soomaliya.
Waa tiiradii ugu badnayd ee qoxooti ah oo lagu qasbo in waddamooda ay ka cararaan muddo ka badan 17-sanno, markaas oo ay ahayd xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sidaas waxaa sheegtay UNHCR oo warbixintan soo saartay.
Sidoo kale waxaa jirra Hal Milyan oo qof oo ku barakacay gudaha dalka, iyadoo dhawaan waddamada Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha gobalka waqooyi-bari Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Use Facebook to Comment on this Post
Daawo: Sheikh Umal oo kashifay koox diimeed cusub oo soo gashay Somalia
Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah, Sheikh Maxamed Cabdi Umal, ayaa si aad ah u dhaliilay kooxo diimeedyada dalka Somalia, oo uu sheegay inay dhaawaceen diinta Islaamka iyo sharafteeda.
Sheekh Umal ayaa sidoo dhaliilay kooxo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Suufiyada ama sida kale loo yaqaan Ahlu-Sunna Waljamaaca.
Waxa uu xusay in labadaas koox ay Somalia keeneen Shiico, iminkana ay Shiicadu ka shaqeeneyso Somalia, waxaana uu si aad ah u weeraray kooxaha shiicada.
Halkan ka daawo Sheikh Umal
Use Facebook to Comment on this Post
Sucuudiga oo qaatay go’aan layaab leh oo la xiriira Xajka Sanadkan
Riyadh – (Caasimada Online) - Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa  16-kii Bishan June, 2-13, waxa eey ku dhawaaqday iney dhimayso tirada xujaayda gudanayso waajibaadka xajka sannadkaan 2013-ka, waayo xaramka ayaa waxaa ka socdo dhismo lagu balaarinaayo, sidaasne waxa warbaahinta u sheegay wasiirka xajka ee dalka boqortooyada Sacuudiga Bandar Maxamed Xajar.
“Boqortooyada Sacuudiga waxa eey go’aansatay ineey dhinto kala bar tiradii xujaayda ka xajin jirtay gudaha boqortooyada halka boqolkiiba labaatan la dhimay xujaayda ka imaanayso dibadda boqortooyada” sidaas waxaa yiri wasiirka xajka Bandar Maxamed Xajar.
Sannadkii inaga tegay ee 2012-ka waxaa dibadda boqortooyada ka soo xajiyey xujaay dhan 3.1 milyan.
Wasiirka Xajka ayaa sheegay in masaajidka ku yaalo xaramka la balaarinaayo laguna kordhinaayo dhul dhan ( 400,000 ) Mitir oo isku wareeg ah,waxayna taas kor u qaadaysaa tirada dadka ku dukan kara mar qura oo noqon doonto 2.2 Milyan.
Dhinaca kalane afhayeenka wasaarada caafimaadka ee boqortooyada sacuudiga Khaalid Marqalaani ayaa sheegay in fayruska” Koroon” uu ku dhacay dad gaaraayo ilaa iyo 49-ruux tan iyo bishii sebtember-2012-ka,waxaane fayruskaas u geeriyootay 39-ruux gudaha dalka boqortooyada sacuudiga,fayruuskaan ayaa ah mid ku dhaca hab dhiska neesashada bani’aadanka.
Caasimada Online
Xafiiska Riyadh, Sacuudiga
Use Facebook to Comment on this Post