Nairobi (Caasimada Online) Waxa faahfaafin ay ka soo baxaysa qaraxii xaley ka dhacay masjidka Alhidaaya ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka iyo bilayska qarixa waxa ku dhintay inta lahub illaa hadda seddax ruux halka 15-kalena ay ku dhaawacmen.
Dadka ku dhaawacmay waxa ku jiray xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto degmada Kamukunji oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay, laakin taliyaha bilayska Nairobi Moses Ombati ma xaqiijin warkaas.
Dhinaca kale, hay’adda laan-qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa war ay soo galisay bogga ay ku leedahay Twitter-ka waxay ku sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, 15-kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxii xaley waxa ka horreeyay mid kale oo Arbacadii toddobaadkii hore ka dhacay xarun ciidamada millatariga Kenya ku lee yihiin xaafadda Islii isla markaana siddeed qof ayaa ku dhaawacmay.
Kenya tan iyo markii ciidankeeda u soo direen Soomaaliya dabayaaqadii sannadkii hore 2011-ka Al-Shabaab waxa ay ku goodisay in ay weerrari doonto Kenya, dhowr jeer ayeena qaraxyo dilal ka dhacayn wadankaas.
Ma jirto koox sheegatay qarixii xaley ka dhacay Nairobi.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Use Facebook to Comment on this Post














You must log in to post a comment.