Wajeer (Caasimada Online) Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xaley ka dhacay degmada Wajeer ee gobalka waqooyi bari Kenya.
Labada qof ee dhintay waxaa ku jira ninkii watay qaraxa, waxana qaraxa lala rabay in lagu weerraro ciidamada ammaanka booliska ee magaalada.
Markii uu qaraxa dhacay ayaa la sheegay in dadka ay kala carareen, waxana la sheegayaa in ninka watay qaraxa uu ahaa nin madow ah oo Kenyan.
Waxa kaloo ku dhaawacmay dad ay ku jireen askarta ammaanka magaalada, waxana loola cararay isbitaalka halkaas oo lagu daweynayo.
Waxa goobta soo gaaray ciidamo badan oo baaritaan sameeyay, laakin lama ogga in ay jiraan cid lagu qabtay howgalkaas.
Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in uu dhowr yahay saldhiga booliska magaalada Wajeer, xaallada ayaa saaka deggan magaalada Wajeer.
Ma ahan markii ugu horreysay ee qarax uu ka dhaco magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Kenya tan iyo markii ciidamado u dirtay Soomaaliya bishii October sannadkii 2011-ka waxa ka dhacayay dalkeeda qaraxyo iyo weerrao xiriir ah, waxana ay ku eedeeyay Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi













You must log in to post a comment.