Muran ka taagan habka soo xulista Baarlamanka Cusub. (Aqri sababta)

Muqdisho (Caasimada.com) - Muran badan iyo tuhuno ayaa durbo kasoo ifbaxaya Ergada Ansixinta Dastuurka ee qaybgalaya Shirka Ansixinta Dastuur ee kasoconaya magaalada Muqdisho.

Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa dood ka keenay qaabka loo soo xulayo  Barlamanka Cusub ee badalaya kan hada jira kana mid noqon doona Xukuumada Cusub.

Aqoonyahan C/raxmaan Cabdulaahi Daqare oo kamid ah Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa  Cadaalo daro kutilmaamay qaabka Soo xuilda Barlamanka Cusub oo u sheegay inay tahay Sida Soo xulistii Imbagaati.

Sidoo kale waxaa uu kasoo horjeestay Aqoonyahanka Soo xulista Barlamanka ee Shirka Kenya oo uu sheegay in beelo badan ay boos kaheli doonin inay kamid noqdaan Barlamaanka Cusub ee ladhisayo.

Isqab qabsigaan ayaa waxaa uu imanaayaa Xili hada ay bilowdeen Dhamaysta Foomka Xildhibanada Cusub ee lasoo dooranayo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: