Walaacyo sii kordhaya oo laga qabo halista argagixisada Africa ayaa sare u qaaday maal gelinta Milatari ee dowladda Mareykanka siiso dalal dhowr ah oo African ah.
Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa 7-dii bil ee ugu horeysay sanadkan waxa ay 82 milyan oo dollar ku qarash gareysay ka hortagga argagixisada dalka Somalia.
Lacagtaasi waxaa la siiyay dalalka Uganda oo inta badan lacagta heshay, Kenya, Burundi iyo Djibouti oo dhammaantood ay ciidamo ka joogaan Somalia, halkaasi oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabab.
Warbixin kasoo baxday Waaxda Arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadaalada Mareykanka ee Somalia looga baa bi’inayo argagixisada ay u muuqdaan iminka inay miro dhalayaan, hase yeeshee meelaha kale ee qaarada Africa ay sare u kacday argagixisanimada, gaar ahaan dalka Nigeria.
Warbixinta ayaa soo baxday ayada oo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillay Clinton ay booqaneyso gobolka si ay ay u dhiiri geliso la dagaalanka aragixisada Geeska Africa.













You must log in to post a comment.