Muqdisho (Caasimada.com) - Wasaarada Kaluumaysiga iyo Qayraadka Badda Xukuumada Soomaaliya ayaa dabaalka kaqaaday heshiisyo ay lasoo galeen Dowlada Britain oo mudooyinkaan danaynaysa Arimaha Soomaaliya.
C/raxmaan Sheikh Ibraahim oo Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga ayaa Warbaahinta Muqdisho ugu Warbixiyay Waxyaabii ay isla Meel dhigeen Xukuumada Britain.
Wasiirka ayaa sheegay in Kulanka ay diirada ku sareen Dagaalka kadhanka Kooxaha Burcad badeeeda oo Afduubka kuhaya maraakiibta ku gooshaysa Xeebaha Soomaaliya.
Intaa kadib ayuu sheegay C/raxmaan Sheikh Ibraahim oo Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga inay kala saxiixdeen Dowlada Ingiriiska Sidii Tababar loogu samayn lahaa kudhawaada 400 oo Askari kuwaas oo kahortagaya Kooxa Burcad badeeda.
Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale inay soo badbaadiyeen Afar markab oo laheyd dowladii Soomaliya kuwaasi oo lagu heystay Dalka Yemen.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.