Muq: Dowladda oo lagu dibad baxay.

Muqdisho(Caasimada.com)-Dibad bax balaaran ayaa waxaa uu maanta kadhacay Degmada Xamar jajab kaas oo ay dhigeen dad barakacayaal Caraysan oo kasoo horjeestay Cunooyin iyaga loogu talagalay oo ay leex sadeen Xubno katirsan Maamulka Dowlada ee degmadaas.

Goobaha ganacsiga iyo isusocdka dadka iyo Gaadiidka ayaa maanta hakad galay inta uu socday dibada baxa Dadka Danyarta ah ay dhigayeen.

Dibad baxayaasha ayaa kacabanayay Raashin loogu talagalay oo uu leexsaday Maamulka Degmada Xamar jajab taas oo hay’adaha ka howgalo Muqdisho ay ugu tala galeen dadkaan Barakacayaasha.

Dad Da’ah Caruur iyo Haween ay ka muuqatay Dhibaato dhanka Nolasha ayaa ku cabanayay inay Baahi udhimanayaan iyaga Madaxda Dowladana  waxii dadka loogu talagalayna ay iyaga xaraysanayaan.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa kala ceyriyay dadka Rayidka ah oo jirdilna ugaystay.

Shaqsiyaad katirsan dowlada Soomaaliya ayaa usoo jeestay Falalka xatooyada waxyaabaha dadka shacabka Nafta ay ku ceshtaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4
Subscribe to Comments RSS Feed in this post

One Response

  1. Waxaa xaqiiq ah ddka ama samafalka Somali wax ugeeya cid umadhiban ee iyaka ayaa gacantooda kubixiya wixii ay kenaan marka waa layaab in laku edeeyo arimo kutura guteen ah dowlada iyo madaxda dowlada.

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: