Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka hore la hadlin dhakhtarkaaga.
Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:
- Walac (Morning Sickness)
- Daal (Fatigue)
- Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)
- Cirib dhiigid (Bleeding Gums)
- San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)
- Danqasho naaska ah (Tender Breast)
- Laabjeex (Hearburn)
- Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)
- Kaadi badni (Polyurea)
- Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)
- Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)
- Dhabar-xanuun (Back pain)
- Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)
- Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)
- Dheecaan siilka ah (Vaginal Discharge)
- Madax-xanuun (Headache)
- Hergab/Ifilo (Cold/Flu)
- Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)
- Dawakhmid (Dizziness)
- Xiriirka galmada (Sexual relations)
- Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)
- Jamasho cunto (Food Cravings)
- Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails)
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.