Dhacdo qabsatay 100 sano ka hor Soomaali deganeyd Berlin!!

Sida uu boggiisa hore ku daabacay  29-kii August ee sanaddii 1910-kii wargeyska ” De Eemlander “oo ahaa wargeys ka soo bixi jiray magaalada Amersfoort ee waddanka Holland 12 dhallinyaro Soomaaliya una dhexaysay da’doodu 17 ilaa 20 jiryaal ayaa halis ku ah quluubta iyo wadnaha gabdhaha Jarmalka.

Wargaysku waxa uu intaa raaciyey in dhallinyada madowga ahi xadiiqadii ama jardiinadii ay joogeen mar qura uga soo dhaqaaqeen dhinaca 12 walaalaheena caddaanka ahaa( Blanke zusters) kuwaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed farriimo jeceyl ah horay ugu soo qoray waa sida ay jariiradadu u dhigtaye.

Boolisku uma arkin wax fiican in Soomaalidu wax ka badan 2 ama 3 ay isula socdaan, si buuqa loo yareeyo, baaritaana loo sameeyo , waxaana hal maalin ay boolisku xireen xaafaddii Soomaalidu ka degeneed magaalada Berlin.

Haddaba xogta wargeyska in kastoo aan lagu dhaliili karin qaabka cunsuriyedeed oo ka muuqata ama laga dheehan karo hab qoraalka iyo erayada uu adeegsaday sida (Neegar) oo ula jeedeen madow Soomaalida ah, iyo in halis laga dhigo shukaansiga iyo xodxodashada dhexmartay ama dhexmari rabtayba hablaha Jarmalka iyo wiilasha Soomaliyeed,waayoo xilligaas oo aynu haatan ka joogno hal-qarni dunidu ma haysan neecawda xorriyadeed oo aynu maanta harsanayno,laakiin waxa aynu ka qaadan karnaa :

In magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka Soomali fara badan ay ku noolaayeen 100 sano ka hor, oo xittaa xaafad dhan ay ka deganaayeen sida ku cad qoraalka wargayska.

In kastoo wargaysku xusin muddada ay ku noolaayeen dadkaasi Soomaliyeed waddanka jarmalka haddana waxa nooga muuqata qoraalka wargayska in ay muddo joogeen, waayo waxa ay ahaayeen dhallinyaro 17-20 jiryaal ah oo wax ku shukaansada luqadda Jarmrkalka, waxa ayna u muuqataa in ay meesha ku dhasheen oo waalidiintoodii uga soo horreeyeen.

Su’aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay qaabkii ku soo galeen Soomaalidu halkaa ma xiriir ganacsi ayaa keenay illayn Soomaalidu waxa ay ahaayeen sida ku xusan taariikhda dad firfircoon oo xiriiro ganacsi oo qoto dheer la lahaa waddamo badan oo bariga fog iyo dunida yurub intaba lehe?

Ma xiriirkii ka dhexeyay boqortooyadii cusmaaniyiinta iyo Soomaalida ayaa sabab u ahaa in ay ku soo gaaraan halkaan qaab ciidan illayn adduunyada waxa ay xilligaas foolanaysay oo caloosha ku jiray dagaalkii 1aad ee dunide?.Ma qaab addoonsi ayay Soomaalidu ku soo galeen illayn xilli aan la isu nixin oo la is iibsado ayaa la soo maraye ? ilaah ayaa ku cilmi leh.Imisa Soomaali ah ayaa ku nooleed xilligaas Berlin iyo guud ahaan waddanka Jarmlka? Weydiimahaas iyo kuwa kalaba waxa aan u daynayaa taariikhyahanada iyo culimada u dhuun duleesha arrimahaas iyo weliba Soomaalida ku nool jarmalka si ay xog intaa dhaafsiisan noogu soo gudbiyaan. Aniga laftaydu kama jiifan doono.waa inoo aroos Soomaaliyeed oo ka dhacay isla Berlin 1928 iyo todabaadka danbe in shaa allah.C/llahi Khadar, Political History
Amersfoort, Nederland