Waxaan maqaalkan gaaban kaga hadli doonaa xaalka dowladda Soomaliya meesha uu marayo shan bil ka dib markii la doortay Hogaan cusub iyo Baarlamaan cusub iyadoo waliba la sheegay in ay dowladda ka baxday Ku-meelgaarkii oo ay tahay dowlad rasmi ah laakin aan anigu wali shaki ka qabo in ku-meelgaarkii laga baxay marka la fiiriyo waxyaabaha dhacayo,waxaana isu dayi doonaa inaan dhinacyo badan wax ka eego si waxa jira aan banaanka u soo dhigo.
Walaalayaal sida aan ka warqabno dowladdii KM ee tan hadda jirta ka horeeysay waxa ay ahayd dowlad magac uyaal ah marka aad fiiriso habka ay u shaqeyneysay iyo awoodda dowladnimo ee ay lahayd,waxa ayna ahayd dowlad ay halakeeyeen isqabqabsi dhexdeeda iyo maamulxumo waxaana usii dheeraa musuqmaasuq baahay,dhinaca kalena ma jirin maamul toos ah oo hoos imaanayey marka laga reebo Muqdisho iyo nawaaxigeeda inkasta oo ay jireen Maamulo iyo ciidamo ay gacanta ku hayeen dowladaha Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo la sheego in ay dowladda Soomaliya hoos yimaadaan laakin runtii ay ahaayeen Maamulo hoos tago Kenya iyo Itoobiya,waxaana tusaala cad u ahaa waftigii ka socday dowladda ee laga soo cayriyey Magaalda Kismaayo.
Markii la doortay Hogaanka cusub ee dowladda hadda jirta sida Madaxweynaha,Re-isulwasaarah iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa ay dadka Soomaliyeed rajo badan ka qabeen in wax badan ay is badali doonaan oo dowladdan noqon doonto mid wax badan ka badalan dowladihii hore haday ahaan lahayd dhinacayada Amaanka,Siyaasadda iyo Dhaqaalahaba,Madaxda iyo Maamulada ka jira wadankuna u shaqeyndoonaan sidii lagu yaqiinay dowladd iyagoo waliba hoostagayo dowladda dhexe mar hadii laga baxay Ku-meelgaarkii laakin tasi ma dhicin.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo runtii ka duwan Madaxweynayaashii soo maray wadanka intii lagu guda jiray ku-meelgaarkii kana jaanis fiicnaa raggii isaga ka horeeyey ayaa isagoo ka faa’iideysanayo fursadaha uu haysto waxa uu isku dayey in uu wax badan ka badalo dowladda si uu uga gado Shacabka Soomaliyeed iyo Caalamkaba,waxa uuna qaaday talaabooyin dhowr ah waxaana ka mid ah isagoo magacaabay Re-isulwasaare khibrad leh Re-sulwaaruhuna soo dhisay Xukuumad ka kooban toban Wasiir taasoo lagu soo dhisay nidaam ka duwan nidaamkii 4.5 ee lagu soo dhisi jiray dowladdihii hore,Waxa uu Madaweyne Xasan sidoo kale isku dayey in wax badan laga qabto dhaqan xumada ciidamad dowladda iyo isbaarooyinkii warnaa Magaalada Muqdisho dhexdeeda.
Markii uu Madaxweynaha wax badan ka qabtay xaaladda gudaha ayuu waxa uu safar muhiim ay ku soo kala bixiyey wadamo badan oo ku kala yaalo Africa, Yurub iyo Amarica si uu u soo dhiso xiriir cusub iyo iskaashi dhexmaro wadamadaasi iyo Somaaliya mar hadii laga baxay ku-meelkaarkii baas,waxa uuna sidoo kale Madaxweynaha arkay Jaaliyadaha Soomalida ee ku nool wadamadiii uu booqday si uu warbixin uga siiyo halka uu Wadanku marayo sidoo kalena ka codsaday Jaaliyadaha in ay gacan ka geystaan dib u dhiska Wadankooda.
Sidaan soo sheegnay Madaxweynaha oo u qaatay in laga baxay ku-meelgaarkii oo uu yahay Madaxweyne rasmi ah xukumana dowladd rasmi ah ayaa isku dayey dhowr arimood balse ku fashilmay waxaana ka mid ah inuu hor istaago maamulo ay dowladaha Itoobiya iyo Kenya ka wadeen gobolada Jubooyinka iyo Gedo balse ku fashilmay, waxaana dharbaaxadii ugu xumeyd ee soo gaarto Madaxweynaha iyo dowladdisa ahayad wafdigii uu u diray Kismaayo ee la so cayrshay,waxaana igu maqaalo ah in Xasan Sheekh uu dhowr jeer kala hadlay Itoobiya iyo Kenya in ay faraha kala baxaan arimaha gudaha ee Soomaliya mar haddii laga baxay ku-meelgaarkii laakin waxaa muuqato in labadan dowladood aysan dhag jalaq u siin hadalka Xasan Sheekh ee ay wali ku adkaysanayaan in ay Soomaliya dhimatay raqdeedana ay iyaga iska leeyihiin ku-meelgaarbaa laga baxayna ay tahay wax Soomalida lagu qaldayo ee aysa jirin wax laga baxay.
Gaba gabadii waxaa muuqato in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa ay wali hortaagan yihiin caqabado badan oo hortaagnaa dowladihii ka horeeyey dowladdan waxaana caqabadahaasi ka mid ah faragelinta ay ku hayaan labadan dowladood ee aan dariska nahay iyo kuwa ay isku diinta yihiin ee Beesha Caalamka horbooda,sidoo kale waxaa caqabadaha jira ka mid ah Maamulo iyo Ciidamo aan ka amar qaadan dowladda, hadii la yiraahdo hala badalo Maamuladaasi waxaa ka dhalanayo dhibaatooyin badan hadii la dhaafana waa balaayo meel kuu fadhido oo mustaqbalka ku sugeyso, marka la isku geeyo waxyaabaha dhacayo ee leh faragelinta,tamar xumada iyo maamul xumada ka dhex jirta dowladda dhexdeeda waxaad moodaa in dib loogu noqday ku-meelgaarkii hadaba maxaa hal?.
Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha dhowr qodob.
1-Madaxweyne waxaa tahay Madaxweynaha Soomaliya ee sida sharciga ah loo doortay tageero badan bayna kuu hayaan shacabka Soomaliyeed waa inaad isticmaashaa awoodda madaxweynanimo ee aad leedahay go’aan adagna ka qaadataa arimaha qaar sida kuwa masiiriga ah ee taabanayo qaranimada.
2-waa in aad si cad uga hadashaa faragelinta ay ku hayaan wadanka labadan dowladood ee aan dariska nahay una sheegtaa iney ciidamadooda la baxaan maadaama ay dano gaar ah ka leeyihiin wadanka .
3-waa in aad fariin cad u dirta dhamaan maamulada ka jira wadanka, cidii aan si toos ah uga amar qaadaneynin dowladda dhexe waan in loo aqoonsadaa kooxo ka soo horjeedo dowadda oo mucaarad ah.
4-Maadaama aad tahay shaqsiga ugu sareeyo wadanka waa in aad Baarlamaanka ku boorisaa in waxii ka horimaanyo maslaxada Umadda Soomaliyeed iyo wada jirkeeda laga saaraa dastuurkan nalagu qasbay khaasatan kuwa ka horimaanayo diinta
5-waa in wax laga qabtaa madaxdan iska daba hadlayso, oo wax kasta la soo baaraa intaan warbaahinta laga hadal si looga hortago fadeexaddii ka dhalatay qaraxii Madaxtooyada oo madaxdii ka hadashayba midba meel ku dhuftay ,mid yiraahdo ninkii na qarxiyey waxa uu ka tirsanaa CID-da iyo mid yiraahdo ninku xeradii uu ku jiray ayuu ka soo baxsaday iyo mid yiraahdo ninku maamahanba waa nagu wareegeysanayey.
W/Q: Maxamed ibraahim
Afeef: Aragtidan waxa at ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan













You must log in to post a comment.