Alessandro Del Piero ayaa ka hadlay xiisaha uu u qabo inuu mar uun ciyaaro isagoo xiran maaliyada Sydney FC ka dib markii uu xagaagan A-League uga soo biiray kooxda Juventus.
37 jirkaan ayuu ka dhacay qandaraaskiisii Kooxda heysata Horyaalka Italy, waxaana ka dib lala xiriirinaayey kooxo dhowr ah, weeraryahankii hore ee xulka Italy ayaana go’aan saday inuu ku biiro kooxda lagu niinaaso Sky Blues, Alex ayaase sheegay ineysan had iyo jeer saameyn doonin jaceylka uu u qabo Bianconeri.
“Aad ayaan ugu farax sanahay, maba sugi karo inta aan kooxdaan u ciyaarayo,” ayuu u sheegau saxaafda.
“Waxaan dareemayaa qiiro weyn. Waxaan doonayaa inaan halkaan ka bilaabo hadeer.
“Juventus? Waa wado la mid ah hadda waan macsalaameeyey. Mar walba xiriir fiican ayaa igala dhexeeya taageerayaasha Juventus, waana wax aanan weligeey iga go’eyn, waqtigaanse waxaan iri nabadeey.”
Del Piero, ayaa u safan doona kooxdiisa cusub, marka ay u safarto Wellington Phoenix 6da bisha October.













You must log in to post a comment.