Dastuurka Cusub oo la ansixiyay.

Muqdisho(Caasimada.com)-Wararka aynu kahelayno Howlka uu kasoconayo Shirka Ansixinta Dastuurka ayaa waxaa ay sheegayaan in la ansixiyay Dastuurka Cusub ee Soomaaliya yeelanayso kaas oo dhib badan laga maray.

Sida ay inoo soo sheegayaan Wariyaasheeno oo ku sugan Shirka ayaa sheegay in Goordhow Afti laqaaday Dastuurka Waxaana aftida la uruuriyay ay muujinaysaa inay aad u bateen Ergada Dastuurka taageersan.

Shirka ayaa waxaa kaqaybgalaya Ilaa 825 Xubnood  waxaa lagu soo Warinayaa in 815 kamid ah ay Ogalaadeen amaba ay ucodeeyeen Dastuurka Cusub  halka 10 katirsan Ergada ay kasoo horjeesteen.

Sidaa Daraadeed waxaa badnaaday Ergada Taageersan Dastuurka waxaana maalinta beri ayaa lasoo gaba gabaynayaa Shirka.

Saacadaha Soo socda ayaa si rasmi loogu dhawaaqi doonaa Dastuurka Cusub ee Soomaaliya Ansixintiisa lakiin hadaba waa la dhameeyay oo cod badan ayuu helay Dastuurka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: