Warbixin: Shirkii maamul u sameynta Jubbooyinka oo mar kale fashilmay

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in uu dib u dhacay shirka maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka oo berri lagu waday in uu kafurmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa daboolka ka qaaday in shirka uu dib u dhacay.

Guddoomiyaha guddiga Macallin Maxamed Ibraahim oo saxaafadda la hadlay ayaa shegeya in uu shirka dib u dhacay kaddib markii wafdi dowladda ka socda oo lagu casuumay shirka ay diiddeen in ay ka soo qaybgalaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Fedaraalka ku casuumeen shirka, laakin wax jawaab ah ka waayeen maadama shirka uu berri furmi lahaa.

Ma sheegin wax kaloo oo faahfaahin  isla markaana ma uusan sheegin waqtiga la qaban doono shirka, balse ka dhawaajiyay  in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Si kastaba, magaalada Kismaayo waxaa maalmahan ku qulqulaayay wafuud caalami ah iyo kuwa Soomaaliya, kuwaasoo doonaya in ay ka qaybgalaan maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka walow la saluugsan yahay qorsha maamulka loogu sameenaayo gobaladaas oo qaar badan ay gacanta ugu jiraan Al-Shabaab.

Dhawaan ayaa guddiga farsamada wuxuu sheegay in shirka uu yahay mid maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, looguna talagay in ay ka soo qeybgalaan  500 oo qof oo ergooyin ah, oo isugu jira dowladda federaalka, urur goboleedka IGAD iyo dadka deegaanka.

Waxa kaloo lagu waday shirka in uu furmo 23-ka bishan oo berri ku beegan, ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana meel kasta la dhigay ciidamo badan gaar ahaan goobta uu shirka ka dhacayo oo ah Jaamacadda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4
Tags: 

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: