War ay Heshay Caasimada Online ayaa sheegay in qarax kale uu abaare 9:30-kii habeenimo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.
Wariye ka tirsan Caasimada Online ayaa soo sheegay in qof aan la aqoonsan uu bom gacmeed ku tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ee Somalia oo fadhigeedu yahay isgoyska dabka ee waddada Maka Al-Mukarama.
Qaraxa ayaa dhaliyay khasaare soo gaaray dad rayid ah, sida uu inoo xaqiijiyay taliyaha nabad galyada gobolka Banadir Dhame Maxamed Cismaan.
Dhame ayaa sheegay in dadka khasaaraha gaaray ay ahaayeen dad ku ganacsanayay goobta oo iibiya sambuuska iyo waxyaabaha kale ee afur ahaanta loo cuno, hase yeeshee waxa uu sheegay inaanu weli hubin tirada.
Waxaa goobta laga maqlayay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada Dowladda KMG ah oo kadib goobta dhan xiray.
Qofkii weerarka qaaday ayaa ka baxsaday goobta oo lama qaban.
Waa qaraxii labaad ee xalay ka dhacay Muqdisho, ayada oo goor sii horeysay miino dhulka lagu aasay ay la qaraxday gaari ay saarnaayeen ciidanka Dowladda oo marayay waddada Maka Al-Mukarama.













You must log in to post a comment.