Sida Wararka ay nagu soo gaarayaan ayaa waxaa laga soo sheegayaa in haatan uu Qarax Nuuca Bambaanada ah uu ka dhacay Xaafada Soomaalida ee Islii Gaar ahaan Goob Baabuurta la dhigto oo ku taalo Afka hore ee Masjidka Alhidaaya ee Xaafada Soomaalida ee Islii.
Qaraxaan ayaa waxuu geestay Qasaaro Dhaawac xoogan oo ka soo gaaray 8 Ruux oo ka soo baxay Salaadii Cishaha ee Masjidka Alhidaaya taas oo ay ku soo guteeyn Salaada Cishaha oo markaasi ay soo dukadeeyn.

Dhanka kale Inta uusan Dhicin Qaraxaasi waxaa Salaadii Maqribka kadib Gudaha Masjidka Qudbo Dheer ka Jeediyay Xildhibaanka Soomaaliga ah Yuusuf Hassan ee laga soo doortay Dagmada Kaamakuuji oo Soomaali badan ay dagan yihiin waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in Xildhibaanku uu dhaawac ka soo gaaray.
Isku soo wada duub ilaa haatan waxaa la xaqiijiyay 8 ruux oo salaada Cishaha ka soo baxay ay ku dhaawacmeeyn Weerarkani Bambaanada ee qaraxa xoogan sameeyay ee bur bur xoogan dhanka wajiga hore ee Masjidka ee Alhidaaya waxaana haatan halkaasi howl galo ka sameeynaya Ciidamada Kenya oo baaraya Qaraxa.
Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe…













12/08/2012 at 4:27 AM
somaalida dadka dhibaatada u keenaya waa ineey iska qabtaan hadii kale dhibaatada aygeey gaarey saa
12/07/2012 at 11:24 PM
weligood ayagoo gaalo dilaaya yaa arkay muslim uun bey dilaan hadana jihaad ku sheegaan
12/07/2012 at 10:33 PM
waxay ilatahay arintan in ay kadambeyeen shar wada yaashii layaqaanay oo islaamka gumaadi jirtay umadada ilaahey hakaqabto ixwaanii shayaadiintan