Muqdisho(Caasimada.com)War aan goordhow kahalnay Shirka Odayaasha dhaqanka ugu soconaya Muqdisho ayaa waxaa isaga baxay Xubno kamid ah Odayaasha dhaqanka oo ka shalaynayay kaqayb galka shirkaan Markii hore.
Xubnaha Odayaasha dhaqanka ee Goordhow kabaxay shirka waxaa kamid ah Maxamada Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho kaas oo sheegay in Shir uusan ka socon meesha ee sheeka Xariir ay kajirto.
Xaad ayaa kadhawaajiyay in Shirka Muda 80 cisha ah uu ufadhiyay Wax natiijo u ah Umada Soomaaliyeedna halkaas ugama jiraan ,Sida Dastuur oo uu sheegay in Waxbadan oo qalad ah ay ku jiraan.
Waxuu sheegay in Shirka Dulqaad ay ku fadhiyeen Odayaasha dhaqanka kuna sabreen wax wabadan ayaa hadana waxaa uu yiri waxaana nalagu yiri idinku wax Go’aan ah malihidiin ee waxaad leedihiin soo xulida Ergada Ansixinta Dastuurka.
Maxamad Xasan Xaad ayaa sheegay in isaga iyo Odayaal dhaqameedyo kale ay kabaxeen Shirka Odayaasha dhaqanka.
“Adeer waxa aan rabnay in aan wax badan ka badalno dastuurka oo qalad ay ka buuxeen maadama uu yahay masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, laakin arrintaas ma dhicin, oo waxa nala dhahay waxa idinka ku ekaataan soo xulida ergada, waxa aan u fahanay odayaasha in laga doonayo uun masawir maadama aysan lahayn awood kale iyo in ay wax badallaan, marka anniga waa ay ila muuqan weysay in aan meesha iska sii joogo oo ka sii mid ahaado”
Go’aanka Maxamad Xasan Xaad ayaa waxaa uu imanayaa Xili Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kulan laqaadanayo maanta Odayaasha dhaqanka kalana hadli doono dib udhaca kuyimid maanta Shirkii Ansixinta dastuurka.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.