Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM.
Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u warramayay BBC ayaa sheegay in AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliyeed taasina ay ka mahadcelinayaan, laakiinse waxa uu meesha ka saaray in aanay weligood joogeyn Soomaaliya, oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka.
Dhinaca kale Danjiraha waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ay u taal.
“Dowladaha gobolka, waa ay nagu gacan siin karaan inaan ku guuleysano arrimo badan oo ay maamul u sameynta gobollada ku jirto, hase yeeshee mas’uuliyadda waxaa leh Dowladda Somalia iyo dadka deegaanka”
Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.
Dhawaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in door rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.
Use Facebook to Comment on this Post













11/01/2012 at 5:42 AM
Akhiyaareey waa idin salaamay waa sidaad u sheegteene lagama yaabo soomaali in wadani ka dhamaado daba dhilif iyo dad tabar yari awgeed qabiil dabada u gashtayna soomaali iyo naftoodaba uma daneynaayaan waxaa u roonaan laheyd in eey walaalahood dhinac ka raacaan dowlad somaliyeed oo xoog leh ayaa qof walba oo soomaali ah sharaf ku leeyahay ee waxaan leey6ahay ninka isku sheegay AVVO CATTO DAAROODOW daaroodna wax uguma taalide rag fiican oo waddaniyad leh waa ku badanyahaye reer ha dhaamin wax ma tareyohow
11/01/2012 at 3:39 AM
Cali America. Ha hadlo AMA ha ooyo wax uu ka qaban karo maamulka jubaland state ma jirto ,Horta bal hawiyuhu xamar ha u soo celiyaan guryihii dadka ee aad bililoqaysateen.
Viva jubaland state
Viva puntland state
Viva qowmiyada xadaarada Somalia ee daarood.
Inta kale meeshay rabto ha aado ileen awalba daarood baad ka xorowdeene
11/01/2012 at 2:09 AM
Maxamed Cali amerika run ahaantii waa ay dhab ka tahay shaqada qaranka soomaaliyeed waxaanan dhihi wuxuu ka mid waxaa xqiiq ah hadalka safiirka ka soo yeeray inuu qalbi jab ku yahay dadka Danaha gar ahaaneed ka leh arimaha soomaliya waxaa kale oo la oran karaa soomli heroes steel a live amaba geesiyashi soomaaliyed wali waa nolyihiin
11/01/2012 at 1:07 AM
Ambassador Cali Ameeriko, waa muwaadin dhab jecelna in soomaalya doowlad noqoto, wanaagbadana uqabtay umada soomaaliyeed ee kudhaqan kenya.
Qofkasto oo fikir wanaagsan kujiro dad baa kasoo horjeesto, laakiin xaqiiqda ayaa ah in Kenya iyo Itoobiya derisnimo bis nagala dhaxeeso laakiin maamul dhisida eey utaalo Doowlada soomaaliya iyo dadka deegaanka..
Dadbaa waxee kudoodayaan DASTUURKA waa federal, taas eey rabaan inee u isticmaalaan hadba sida dantooda kujirto, federal micnaheeda maahan in doolad deris kula ah maamul kuudhisto, doowlada dalka kajirtana aad kula doodid federal baan ahay.
maamul aan doowlada SOOMAALIYA dhisin ama mart gelinin kama shaqeenaayo dalka.
hadii kale warkiina cadeeya oo dhaha dalka doowlad malahan.
qofkasto waa wdani ah waa inuu taageero waxii soomaaliya isku keenikaro, kana soo wada horjeestaan cadawgooda,
dhibaato iyo duruufo jiro ayaa nagu kaliftay in askarbadan oo madoow ah dalkeena joogaan dhibaato badanna ugeestaan dad aan waxba galabsan.
Insha alaah waan gaari doonaa isku filnaan,