Kooxda fulisa afduubyada website-yada ee Anonymous ayaa ku dhowaaqday dagaal ka dhan Argagixisada, ayada oo jabsatay sanduuqyada Banki ee Database-ka Bankiga Dahabshiil.
Kooxda ayaa kusii hanjabtay inay Bur burin doonto dhammaan xogta Internet (database-ka) ee Dahabshiil, haddii shirkaddaasi aysan qiran inay maal geliso kooxaha argagixsada.
Kooxdaas ayaa 3 maalmood ka hor daabacday kumanaan sanduuqyada, nambarada iyo magacyada dad isticmaala Bankiga Xawaalada Dahabshiil, waxayna ku hanjabtay inay bur burin doonta dhammaan habka koronto ee shirkadda Dahabshiil, haddii aysan qiran inay xiriir la leedahay Al-Qaeda iyo Al-Shabab.
“Waxaan si rasmi ah dagaal ugu qaadnay argagixisada” ayay tiri kooxda Anonymous.
“Tani waa baaq ku saabsan u kuur galka iyo burburinta shrikada iyo hay’ada la shaqeysa argagixsada ee Dahabshiil” ayay sii raacisay.
Kooxdaas ayaa ku dooday in Wikilaeaks ay shaaca ka qaaday in Dahabshiil ay xiriir la leedahay Al-Qacida iyo urur kale oo la yiraah Al-Wafa oo isna argagixiso ah, waxaana ay siisay Dhabashiil muddo laba bil ah oo ay ku qirato arrintaas, haddii kale la bur burin doono hakeeda Internet-ka.
Dahabshiil ayaa sheegtay in baaritaan ay sameysay oo hor dhac ah ay ku ogaatay in Anonymous aysan ka dambeyn weerarkii lagu qaaday xawaaladdaasi ee lagu jabsaday website-keedii iyo xogtii ay ka heysay macaamiisheeda.
Si kastaba tani waxay walaac badan ku abuurtay qaar ka mid ah macaamiisha Dahabshiil, oo billaabay inay is weydiiyaan waxa dhacay iyo sida ay wax u jiraan.













You must log in to post a comment.