Dad loo soo qabtay Dilka Mareeyaha.

Muqdisho(Caasimada.com)-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dad badan usoo qabtay masuuliyada dilka maareeyihiin Garoonka Aadan Cadde Ibraahim Imaan Xalane.

Maamulka degmada Xamar weyne ayaa faah faahin kabixiyay howlgal maanta iyo ilaa iyo saakay ay kawadeen Xaafadaha degmadaas  waxaana uu sheegay inay howlgalkaas ay ku soo xireen ilaa 31 qof oo dhalinyaro ubadnaa.

Taliyaha Degmada Xamar Weyne Maxamad Daahir Cabdule oo Warbaahinta lahadlay marka uu howlgalka soo dhamaaday  waxaa uu sheegay in dadkaan ay soo xireen ay ugu shaki qabaan inay kadambeeyeen dilka maareeyaha oo xalay Degmadaas lagu dilay

Waxuu sheegay masuulkaan dowladaa katirsan in dhalinayaro ay ubadanyihiin dadka ay howlgalada kusoo qabteen kaa oo kadhacay maanta xaafadaha degmada Xamar weyne.

Taliska sare ee dowlada ayaa sheegay in lasii dayn doono Cidii dambi lagu waayo kuwa lagu xaqiijiiyana dilkaan Sharciga lala tiigsan doonan.

Kooxo hubaysan ayaa xalay waxaa ay ku dileen degmada Xamar weyne oo maanta howlgalka uu kadhacay maareeyaha Garoonka Diyaaradaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: