Nairobi (Caasimada Online) War hadda naga soo gaaray xeryaha qoxootiga dalka Kenya wuxuu sheegayaa in caawa halkaas uu ka kacay dab xooggan oo baabi’yay guryo badan.
Dabka ayaa sidoo kale wuxu qabsaday bartamaha suuqa Xagardheer halkaasoo ay ku yaallan xarumo ganci oo waaweyn.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada u sheegay in dabka uu qabsaday dukaamo badan oo ku yaalla xerada, dabka ayaa illaa hadda socda, waxaana uu kaabahay dhul ballaaran.
Lama qiyaasi karo wax yeelada uu dabka geestay oo dhowr saacadood socda, waxaa goobta uu dabka ka kacay ku soo aruuray dad badan oo ah kuwo goobo ganacsi ku lahaa Xagardheer, kuwaasoo ka walwalsan dabka caawa qabsaday xerada.
Ma cadda wax yaabaha sababay dabka caawa qabsaday xerafa Xagardheer oo ka mid ah seddax xero oo ku yaalla gobalka waqooyi bari Kenya.
Waxaa la soo sheegayaa inay socdaan deddaalo ay samaynayaan dadka degaan kuwaasi oo isku dayaya in ay dabka damiyaan ama hantidooda ay kala baxaan goobaha uu dabka ka socdo.
Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada.com













You must log in to post a comment.