Dhadhaab(Caasimada.com)-Wararka Dalka Kenya laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dab qasaaro gaystay uu ka kacay Xerada Dhagaxleey oo katirsan Xerooyinka dadka Qaxootiga ay kunoolyihin ee Dhadhaab kuyaala.
Dabka ayaa waxaa lasoo Warinayaa inuu cagta mariyay ama uu baabi’iyay Mehrada ganacsi oo kuyaala oo waxii ku jiray oo agab ahaa ay ku bas beeleen inta uu dabka socday.
Sidoo kale waxaa dabka uu qabsaday Masaajid iyo guryo kuyaalay Suuqa Dhagaxley,
Tafaasiil ay kaheshay shabakada Caasimada Qaabka dabka uu ukacay ayaa waxaa aynu ogaanay inuu dabka kadhashay Koronto qabsatay bartamaha Suuqa mehrado ganacsi kuyaalay kuna faafay magaalada inteeda kale.
Dadka reer dhagaxleey ayaa Arintaan si aad ah ugu wal walsan gaar ahaan dadkii hantida ay kagubatay.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.