Wararka naga soo gaaraya gobbolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan ay maanta gaareen deegaano u dhow degmada Baardheere ee gobbolka Gedo halkaasoo ay wali ka arrimiyaan kooxda Shabaab.
Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen nawaaxiga Baardheere waxaa ay halkaasi ka sameysteen difaacyo, ayadoo ay jirto xiisad dagaal oo xooggan.
Saraakaal la hadlay warbaahinta oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay Shabaab maamulaan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan in Shabaab ay guud ahaan kala wareegaan gobbolada ay maamulaan.
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.