Maxaa Gaalkacyo ku kala qabsdaay Ciidanka Puntland & burcad badeeda

Gaalkacyo (Caasimada.com) - Dagaal qaasaaro gaystay ayaa waxaa uu ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Burcad badeeda waxaa uu ku dhexmaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamuulka Puntland uu katiliyo.

Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada maamulka Puntland waxaa ay howlgalo Amaanka lagu xaqiijinayo ee kadhan ah kooxaha Burcad badeeda kawadeen magaalada Gaalkacyo.

Xili howgalka uu soconayaya ayaa waxaa iskuy dhac uu dhexmaray kooxaha burcad badeeda iyo Ciidamada howlgalka waday ee magaalada kusugan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey oo shabakada Caasimada ay wax kawaydisay Sida ay wax udhaceen ayaa sheegay inay wadaan dagaalo kadhan ah burcad badeeda kuna weerarayaan fariismiha ay kuleeyihiin Gaalkacyo.

Iskahor Imaad dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ay waxyeelo ay kasoo gaartay dhinacyada dagaalay iyo dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: