DEGDEG: Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Jowhar.

Jowhar (Caasimada.com) War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMisom ay saakay ku dhaqaaqeen Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Ciidamada Huwanta ayaa ku sii siqaya Saakay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jowhar waxaana hada War ay heshay shabakada Caasimada uu sheegayaa In Ciidamada Dowlada marayaan meel Todobo KM ujirta Deegaanka Kongo oo Waxyar yar ujira Jowhar.

Afhayeenka Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ee hogaaminaya Ciidamada Dowlada ee Shabeelaha Dhexe  Da’uud Xaaji Ciiro ayaa Shabakada Caasimada usheegay in Ciidmada Dowlada ay saakay u dhaqaaqeen Jowhar hadana ay marayaan Kongo oo ah deegaanka ay laga Ilaaliyo marka Dagaalada oo hadii laqabsado ay  kadhigayso Jowhar in lala wareegay.

Cabsi Weyn ayaa  katagaan Jowhar waxaana dadka magalada ay inoo sheegeen in Ciidamo fara kutiris ah ay joogaan magaalada Halka kuwii kale ee joogay Duleedka sida Garaash iyo Konga ay baneeyeen fariisimahoodii.

Al-shabaab ayaa tala ahaan usiinayay shacabka maalmahan hadii Jowhar laga saaro inaysan soo dhawayn Karin Ciidamda Dowlada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: