Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta maamulka waqooyiga Somalia ka dhisan ee Somaliland isku magacaabay ayaa jawaab ka bixiyay hadal Faroole kasoo yeeray laba maalmood ka hor.
Faroole, ayaa shaaca ka qaaday in iminka uu wada hadalo u socdo maamulka Somaliland iyo kan Puntland, islamarkaana uu meel fiican uu maraayo, isaga intaas ku daray inay fulin doonaan wixii kasoo baxa wada hadalkaas, hadii ay noqoto in ay isla goostaan ama ay dowladanimada Somalia ka wada mid noqdaan. Halkan ka aqri warkaas
Hase yeeshee Feysal Cali Waraabe oo arrintaas kaga jawaabayay weriye Cabdi Weli Garyare oo ah Tifaftiraha shabakadda Kismaayo24.com oo wareystay, ayaa ceebeestay Faroole, oo yiri “Waxba annaga yuusan na isku kaaya nabin ee hadduu go’ayo ha go’o ama ha kasii mid ahaado Somalia.”
Bal nala daawo video-ga hadalka Feysal Cali Waraabe oo Intaas ka dheer.













You must log in to post a comment.