Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka Caasimada

Warbixin: 3-da qeyb oo ay ka kooban yihiin xildhibaanada wada mooshinka Saacid iyo gacanta ka dambeysa
Xildhibaano isku Aragti ka ah Xukuumada ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka dibna waxay u gudbiyeen gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sadax qaybood oo ka tirsan baarlamaanka oo qayb kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa ku mideysan mooshinkaan, waxaana sadaxdaasi qaybood ay kala yihiin.

Xildhibaano Aragti ahaan Xukuumada ay isku fahmi waayeen maamul u Samaynta gobalada Jubooyinka oo uu ugu horeeyo xildhibaan C/rashiid Xidig sidoo kalana ay qayb ka yihiin xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalada Jubooyinka.

Xildhibaano ka soo horjeeda kaalinta dowlada ay siisay wadahadalada Maamulka Soomaaliland oo ku abtirsada Maamulka Khaatumo oo uu horkacayo xildhibaan Cali Khaliif Galay.

Iyo Xildhibaano kale oo ka soo horjeestay isbadal dowlada ay ku samaysay Jagooyinka qaar, isla markaana sheegay in la hareer maray dhidaamka 4.5 oo Soomaalidu ay wax ku qaybsato.

Sikastaba sadaxdaan qaybood oo ka tirsan Baarlamaanka oo qaybkasta ay leedahay hadaf gaar ah ayaa mar qura waxay isku aragti ka noqdeen in ay mucaaradaan xukuumada Raysal wasaare Shirdoon.

Inkastoo ay jiraan arimahaan oo dhan ayaa hadana qaar ka mid ah dadka siyaasada falanqeeya waxay aaminsanyihiin inay jirto gacan kale oo howshaan wax kawada oo ah Puntland iyo rag leh damac siyaasadeed iyo waliba dad doonaya in la cuuryaamiyo qada socota.

Dokumentiyo aan helnay ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul Wasaare saacid laga soo abaabulay Kenya.

Diblomaasi ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay jiraan kulamo ka dhacay magaaladaasi oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo lagu soo diyaariyay mooshinkaan ka soo horjeeda xukuumada.

Ma ahan wax cusub in laga hor yimaado Raysal wasaare oo Mooshin laga keeno ilaa marka danbe kursiga laga tuuro, laakiin waa caado soo jirtay laga soo bilaabo Raysal wasaarihii hore ee dowladii TNG-da Cali Khaliif Galayr.

Markii loo eego Shirdoon Raysal wasaarayaashii hore ee laga hor yimid ayaga oo shaqaynaya sida Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid iyo Maxamed Farmaajo madabno rajada laga qabo in lagu guuleesto mooshinkaan oo lagu eryo Raysal wasaare Saacid, sababtoo ah dhamaan wasiiradii koowaad ee xafiika ka tagay waxay baxeen ka dib markii ay isku dhaceen madaxda sare sida gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Dhowaan ayaa Raysal wasaaraha iyo labadiisa wasiir ee Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha waxay si kala gooni ah ay u hortageen Baarlamaanka, waxaana Raysal wasaaraha uu ka jawaabay 10-su’aal oo ay waydiiyeen xildhibaanada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa meel cad ka istaagtay arimaha ka socda gobalada Jubooyinka waxaana xukuumada ay sheegtay inaysan Aqoonsanayn Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale oo labadooda ay wada sheeganayaan in yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana jira Xildhibaano oo siyaasad ahaan taageersan doorashada Axmed Madoobe sidoo kalana ka qaybgalay Shirar lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka ayaa yiri “Waxaa jira Lacag farabadan oo loo qeybinaayo Xildhibaanadaas, 90% lacagtaasnah waxey ka timid Garoowe” Asigoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Nimanka Arintaan gadaal ka riixaya waxaa kamid ah Ina Sharmaarke, Faroole iyo rag kale”

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo horjeeda mooshinkaan waxayna ku doodayaan in xiligaan xukuumada aysan u baahnayn in la dhibaateeyo, maadaama ay ku guuleesatay in ay wax ka qabato arimo oo ay horay u balanqaaday, inkastoo aamaanka wali sidii loo baahnaa uusan ahayn.

Qilaafka iyo is qab qabsiga nuucaan oo kale ah ayaa horay u soo ragaadiyay dowladii KMG-ka ahaa ee soo maray wadanka, waxaana haatan layswydiinayaa halka uu gaari doono mooshinkaan ka dhan ah Xukuumada.

Video: Dib u dhsika ciidanka Xoogga
Taleefishinka Kalsan TV, ayaa xog wareysi muhim ah ka sameeyay qaabka dib u dhis xoogan loogu sameyn karo ciidamada xoogga dalka Somalia, si ay ugu soo noqdaan kaalintoodii hore ee libaaxyada Geeska Africa.

Barnaamijka Martida Kalsan, ayaa waxaa lagu wareystay aqoonyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Sayid Axmed Sheikh Maxamed Sheikh Axmed Mataan si fudud loogu yaqaan Sheikh Axmed Mataan, oo ahaan jiray guddoomiyiii Ahlu-Sunna ee qaaradda Yurub, , oo si wanaagsan u lafa gray dib udhiska ciidanka xoogga dalka.

Haddaba halkan hoose ka daawo barnaamijka

DHAGEYSO: Dood kulul oo loo qabtay Dhinacyada isku haya KISMAAYO
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka ee VOAa waxaa lagu eegay marxaladda cusub ee ay gashay xaaladda gobalada Jubbooyinka iyo maamulada kala duwan ee todobaadkan lagaga dhawaaqay Kismaayo.

Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya martida kala ah.

Cabdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ah ku-xgeenka maamulka uu Axmed Maxmuud Islaam Axmed Madoobe ka yahay madaxweynaha. Maxamed-Amiin Cabdullaahi Cismaan oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka, labadoodluna waxay ku sugan yihiin magaalda Kismaayo. Gurey Xaaji Faarax oo ka mid ah saraakiisha taabacsan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo jooga magaalada Seattle ee gobalka Washington ee dalkan Mareykanka. Iyo Dabjire Maxamed Cumar Cismaan safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey wadanka India iyo wadamo kale kuna nool magalada London ee dalka Ingriiska.

Barnaamijkan oo isku soo duway, soona jeedinayo Daauud Aweys halkan hoose ka dhageyso.

<object width="384" height="32" classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="src" value="http://www.voasomali.com/flash_6.12.0.30359.11/MediaPlayer.swfx?cache=" /><param name="flashvars" value="configFilePath=http%3a%2f%2fwww.voasomali.com%2fGetFlashXml.aspx%3fparam%3d284996%7cuser%7cAudio&brand=VOA" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><param name="wmode" value="opaque" /><embed width="384" height="32" type="application/x-shockwave-flash" src="http://www.voasomali.com/flash_6.12.0.30359.11/MediaPlayer.swfx?cache=" flashvars="configFilePath=http%3a%2f%2fwww.voasomali.com%2fGetFlashXml.aspx%3fparam%3d284996%7cuser%7cAudio&brand=VOA" allowfullscreen="true" wmode="opaque" /></object>

TACSI TIIRAANYO LEH
Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Qoyska Reer Macloow Abiikar gaar ahaan Reer Xasan Abiikar oo Aabahood Nabadoon Xasan Abiikar ku geeriyodey Magaalda Balcad waxaana Ilaah uga baryaynaa inu janadii faradowsa ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu kada abxayna samir iyo iimaan ka siiyo anagana sidoo kale Gadaashina Ilaah inama fidneeyo. Aamiin aamiin Aamiin.

Waxaa halkaan tacsi ka diraayo dhamaan ehelada , axsaabta iyo deriskaba.

Cabdulaahi Muuse Xuseen Duqi iyo Gud. Gobolka Bandir

Axmadey Macalin Buub Axmadey Munishibiyo

C.qaadir Nuur Cumar

Nuur Cali Gacal (Nuur gaadle)

Xaaji suudi Abukar

Macoow Xuseen Xasan Liig

Xaaji Shuuriye Mohed Cariif

Cumar Nuur Maxamuud Cadoow

Xaajiyo Faadumo Dhicisoow

Axmadey Ismaaciil

Yaasiin Maxi Macalin

Maxamed Sheekh Nuur Cali Baroow Khaliifka

Yuusuf Muuse Xuseen

Micraaj Muuse Xuseen

Xasan farax C.lle

Xasan Mohamed Xaaji Duusoos

Mohamed Xasan Fiiloow Maadeey

Abuukar Mohamed Kiriish¨

C.nuur Bashiir Cali

Mohamed Xasan jeeleey

Deeqo Cabdi Gacal

Cumar Macalin Subugoow

Xamdi Xasan Macalin faralaabte

Jamiilo Axmed Mohamed Cumar

Jamiilo Xasan Baroow

Ismaaciil Mohamuud Shire

Xaaji Xuseen Cigaal

Xaaji Cadaawe Bashiir

Col . Sheekh Cumar

Nabadoon Xaaji Cabdulle Borlänge

C.laahi Sheekh Xasan Muudey

Sahro Xasan Galabeey

C.fataax Bashiir Cali

Xasan Mohamed Bashiir

Cali Koronto

Cabdalle Baarqab

Xaaji daauud Xuseen Cali Calasoow

Mamxed Cali Dejiye.

Muuse Cali Jumcaale Gaduud

C.laahi shoobaaye C.laahi Bulsho

Canshuuro Cadaan Nuur Muudeey

Malaaq Linkköping

Cumar Sheekh Abuukar Macalin

Omar raage Taraafiko

Nuuraiin Shoobaaye xasan

Xaawo Ibraahin Cali Cambuure

Cali Foodey Xasan Cariif

Kulmiye Mohamed abuuakr suuleey

Xamdi Sheekh xasan Yare

Salaad Nuur Ibraahim.

Mohamed Deeq C.laahi Muuse Luunge

Cali Axmed Gacal Cali Mahdi

IIdoow Mohamed Cali

Cali Cade Jaqeey

Laylo Macalin Subugoow

Awees Yuusuf

Daauud Cumar Xasan

Ciise Yaaqoow Mohamed

Axmed Cali Jabaan

C.kariin Mohamud Cali Gaadle

Xaaji Abuukar Linköping

Xuseen Nuur Buubshe

Siid Cali Yuusuf Buri

Deeqo Sheekh Mohamed

Abshireey Mohamud Abshirey ganna

C.samad Axmadey Macalin Buub

Shukri Mohamud Cadde

Foos Shuuriye M. Cariif

Maryan Axmadey Macalin Buub.

Dhamaan inta aan halkaan ku qornayn waa tacsiyeynayaan .

Diyaariye.

Jaaliyadda Sweden

“Maalin aan maanta ahayn inaad ii soo baahata, Allah waxba lama aha”
QISO- BOQOR MUJRIM AHAA

Waxaa jiray boqor mujrim ahaa, oo xaqiir dulmi badan ahaa. Wuxuu lahaa qasri cad oo weyn, qasriga dhankiisa midig, waxaa ku yiillay daash yar oo ay lahayd haweeney cajuusa ah, oo aan aqrib iyo ahal midna lahayn. Boqorka waxaa qasrigiisa ku hor yiillay barxad qurux badan oo uu kula sheekeysan jiray dadka madaxda ah iyo maalqabeennada.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa u timid, haweeneydii duqda ahayd, ayadoo ka dalbanaysa inuu siiyo wax cunta ah. Balse markii ay intaasi warsatay ayaa boqorkii wuxuu dhegaha u saaray canaan kulul, iyo cay, asagoo amray inaanay mar dambe ayadoo sidan u eg aanay soo hor istaagin. Intaas kumuu ekaanine, wuxuu amray in daashkeedii yaraa ee ay degneyd la dumiyo, asagoo oranaya, wuxuu foolxuma u keenay bilicda qasrigeyga. Haweeneydii way dhaqaaqday ayadoo oranayso ”Maalin aan maanta ahayn inaad iisoo baahata, Ilaahay waxba lama dhama”.

Boqorkii ayaa qosol jees jees uu ka muuqda asagoo qah qahleynaya ayaa wuxuu yiri ”Ma adiga, oo sidan u eg? Mayee, ma dhicine taas, orod iska soco, miyaadan ogeyn, inaan qusuur iyo balliyo, iyo dahab iyo hanti iyo xoolaba aan leeyahay? Maxay tahay ta aan kaaga baahanaya adiga, soco soco”?

Duqdii way iska baxday, oo keymaha ayay iska degtay. Waxay billawday midhaha iyo caleemaha inay ku noolaato, oo ay dur durradana ka cabto.

Tiiyoo ay xaaladdu sidaasi tahay, ayaa duqdii waxay noqotay duq dhirta aqoon u yeelata oo dadka bukaanka ah ee miyiga iyo meelahaasi kusoo mara daweysa. Xaaladdu markay sidaasi maraysa, ayaa waxaa bukooday boqorkii.

Dawadiisii ayaa la waayay, dhaqtar kastaahina, wuu ka gacan taagay. Waxaa la diray afarta jira dad qaylo dhaan sida, oo oranaya, war qofii boqorka daweeya, waxaa la siin doonaa maal sidaas iyo sidaas ah.

Waxyaabahii ballanqaadyadaasi ku jiray waxaa kamid ahaa, dahab iyo daar weyn oo loo dhisi doono.

Duqdii cajuusada ahayd ayaa warkaasi maqashay, kadibna waxay usoo alaab qaadatay, dhankii boqorka. Markay u timid, ayay u sheegtay inay daweyneyso, dabeetana wuu ka ogalaaday.

Dhir ayay isku qastay, wayna amartay inuu cabbo. Maalin ama labo maalin kadib, boqorkii waa uu caafimaaday oo Ilaahay dawuu uga dhigay dawadii haweeneyda.

Markaasay ku tiri ”Sow ima xasuusatid, sowmana xasuusatid maalintii aad sidaas ilahayd”? Wuxuu yiri ”Haah!! walleey waan xasuustaa, waxaase igu ballan ah, maanta kadib inaanan dadka kala jeclaan, kooda faqiirka iyo kooda qaniga ah, kooda maskiinka iyo kooda awoodda leh, kooda iwm. Waxaa igu ballan inaan dadka oo dhan jeclaado, oo aan u caddaalad falo, caddaaladna ula dhaqmo”.

Wuxuu u dhisay, qasri weyn, wuxuuna siiyey hanti badan.

WD: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi

Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.com, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.

Sheekh caan ah oo wax lala yaabay ka sheegay Faroole & xaalka Puntland
Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka mid ah Culumada Diinta Islaamka ee ka soo jeeda Deegaanada la isku yiraahdo Puntland, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole aanuu dooneyn marna in uu Kursiga ka kaco.

Wuxuu sheegay in uu burburiyay dhaqaalihii Puntland, Dekedda Boosaaso wixii Lacag ah ee ka soo xeroodayna uu ku shubtay Bangiyo dibadaha ku yaalla, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dabkii ka kacay Suuqa Boosaaso ee baa’bi’iyay hantidii Ganacsatada in uu Cabdiraxmaan Faroole ka dambeeyay.

Ganacsatadii Puntland ayuu sheegay in ay kala yaaceen oo ay kala aadeen, Meelo kala duwan asigoo intaa ku daray in Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland oo Markii hore dhulkeedu qaali ahaa iminka qiimihu aad hoos ugu dhacay oo aanay cidna boos ka iibsanayn, taasina Maamul Xumada Cabdiraxmaan Faroole ay sabab u tahay.

Sheekh Xasan ayaa hoosta ka xariiiqay in Madaxweynayaashii hore ee Puntland sida Cabdulaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ay ahaayeen kuwo Ixtiraama Odayaasha dhaqanka laakiin taasi ay Meesha iminka ka baxday.

Wuxuu intaas ku daray in aanay Culumada iyo Diinta fara gasha jirin oo dacwadu Puntland si wanaagsan uga socotay intii Cabdiraxmaan Faroole aanuu Madaxweyne noqon.

Takar ayaa tibaaxay in Faroole uu gaaray heer uu diido in Masaajidda la dhiso Neceybka uu Diinta Islaamka u qabo aawgeed dhowr Masaajidna uu Culumo ku weeraray.

“Miyaad Maqashay Masaajid Puntland ku yaal oo la weeraray Faroole ka hor” sidaasi waxaa yiri Sheekh xasan Maxamuud Takar oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Takar oo waxyaabo badan kaga hadlay wareysiga halkan hoose ka dhageyso

Wareysiga Sheikh Xasan Takar

DAAWO VIDEO: Ma milicdeen XEEBTA KISMAAYO mana jiriricooteen
Magaalada Kismaayo waxa ay bilihii ugu dambeeyay ahayd magaalado ugu hadal heynta badan Somalia, marka laga tago Muqdisho. Waxaa halkaas laga saaray Shabaab ayada oo qabsadeen ciidamada Kenya iyo kuwa la socda ee Raaskambooni.

Dhinaca kale meel u dhow xeebta Kismaayo ayay Kenya qorsheeneysa inay shidaal ka baarato, marka ay ku guuleysato qorshaha ay maamul ayada ay raali ka tahay ay uga dhiseyso magaalada.

Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa video ku saabsan bilicda xeebta Kismaayo, oo marka aad aragto aad dareemi doonto sababta Kenya ay u dooneyso inay magaaladaas gacanta ku heyso.

Halkan Hoose ka daawo

Sawir gacmeedka Amiin Caamir iyo kulankii Feysal C Warabe & Xasan Sh
Shalay ayay Caasimada Online daabacday in siyaasiga Somaliland ee Feysal Cali Waraabe uu kullan la qaatay waftiga dowladda Somalia ee madaxweyne Xasan ee tagay magaalada London.

Haddaba farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee canka ah Amin Arts ayaa sawir gacmeed qosol leh ka sameeyay kullankaasi, sida aadka ah ka hadalkiisa u qabsaday warbaahinta ee nala arka.

Sawirro iyo Warbixin: Qarashkii ku baxay safarkii madaxweyne Xasan ee London iyo hoteelkii uu ku raaxeestay
London (Caasimada Online) - Wargeysyada England ayaa daabacay qoraallo ay kaga carreysan yihiin qarashkii ku baxay socdaalka madaxweyne Xasan Sheikh ee shirkii London iyo sida uu ugu raaxeestay London.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in madaxweyne Xasan uu ku raaxeestay mid ka mid ah hoteelada ugu qaalisan London – Ayada oo la isticmaalayo waxa uu ugu yeeray “lacagta canshuur bixiyayaasha Britain”

Madaxweynaha ayaa degay hotelka Dorchester, ayada oo ay wehliyaan shan wasiir iyo 14 kaliyeyaal ah, intii uu ka qeyb galay shirkii deeqaha loogu ururiyay Somalia ee London.

Sida ay ku warrantay The Sun, madaxweyne Xasan oo 57 jir ah ayaa afar cisho ku negaaday qeebta Park Lane. Xittaa haddii ay degi lahaayeen qolka ugu qiimaha jaban, waxaa ku kici lahaa 25,440 gani, ayay tiri The Sun.

Shaqsiyaadkii horey ugu raaxeystay hotel-kaas waxaa ka mid ahaa Marlene Dietrich,t aajirka caanka ah ee Mareykanka ee Walt Disney oo ah ninka leh shirkadda Disney iyo Taleefishinada ESPN iyo ABC, jilaaga caanka ah ee Clint Estwood, Charlton Heston iyo Judy Garland.

Qiimaha ku baxay duulimaadka waftiga madaxweyne Xasan oo raacay qeybta First Class, ayaa ahaa sidoo kale 24,158 oo gani.

Qofkiiba waxa uu maalinkii wadanayay baabuur lagu kireeyay 400 oo Gani, taasi oo qiimaha guud ee ku kacay safarka ka dhigeysa 50,000 oo gani.

Natiijadii socdaalkaas ka dhalatay, ayaa noqotay in Britain ay Somalia ugu deeqday sidoo kale 50 milyan oo gani.

Sawirrada hotelka

Caasimada Online

Xafiiska London, UK

FEDERAAL IYO FIKRADO ISDIIDAN
Federaal waa heshiis bulsho waxaase sida uu ku imaan karo loo kala qaadaa labo siyaabood.

Mida koowaad dad, isku af, diin iyo dhaqan ah oo aan heshiis ku aheyn awoodii Maamul iyo kuwa ah qoomiyado kala duwan oo si ay u noqdaan Qaran sameysta nidaam federal oo ay heshiis ku yihiin.Nidaamkaani waxaa ku dhisan dalal badan oo xasiloon sida Mareykanka iyo Ethiopia balse kuwaasi Soomaaliya waxa ay uga duwan yihiin dadka ku nool oo ah qoomiyado kala duwan.Soomaaliya burburkii ka hor waxa ay ahayd Jamhuuriyad Qaran oo mid ah balse hada waxa ay wajaheysaa dowlada ku dhisan Federaal, tani dad baa u arka inay xal tahay marka loo eego wadciga hada jira kuwa kalana sidaa uma arkaan.“Eeg calankaan buluuga oo ay xidigta cad dhexda uga taallo miyaa taqaan waxa uu ka turjumayo waa shantii Soomaaliya waa astaan midnimo isaga oo aan midowno ayaa ka fiican Federaal hadii aan heleyno ayuu igu yiri nin waayo joog u ahaa marxaladihii dalka.

Si kastaba dowladda oo aan KMG aheyn oo ah dowlad federal ah waxa ay wadaa qorsho ay dalka ugu sameeneyso Maamul goboleedyo dadaalkaasi oo ay horyaalaan caqabado culayskooda leh.

Iyadoo uu jiro dastuur KMG ah oo qeexaya habka loo marayo federaalkakaas oo ay ku qoran tahay in dastuurkaani iyo midka Maamulada kale ay waajib tahay in la is waafajiyo ayaa waxaa muuqata inaanu is waafaqsaneen.

Arrinta ugu weyn oo uu khilaafka ka dhalan karo ayaa waxa ay tahay xuduudaha Maamulada.

Puntland dastuurkeeda waxa uu dhigayaa in deegaanadeed ay ka kooban yihiin gobollada Bari, Nugaal, Sool, Koofurta Togdheer Buuhoodle, Mudug oo laga reebay Hobyo iyo Xarardheere iyo qeyb ka mid ah Sanaag.

Lakiin Dastuurka KMG ayaa dhigayaya in tirada Maamulada iyo xuduudaha uu go’aaminayo Baarlamaanka Soomaaliya oo howl u taala Maamulada aysan aheyn, tani waxa ay muujineysaa in labada dastuur ay is qilaafsan yihiin.

Dastuurka Puntland ka sakoow dowladda waxa uu taabanayaa Maamulada dariska la ah ee Somaliland iyo Galmudug kuwaasi oo deegaanada ku cad dastuurkeeda qeyb weyn ka maamula.

Maamulka gooni isku taaga ee Somaliland ayaa horay u sheegay in lama taabtaan ay yihiin gobolada Somaliland oo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag sida ku cad xeerkeeda.

Dhinaca kale maamulka uu maranka ka taagan yahay sharci ahaantiisa ee Jubaland waxa uu samaystay dhawaan dastuur cusub oo intiisa la sheegay in laga soo minguuriyay midka Puntland, iyadoo wali barlamanka uusan kasoo baxin sharci ogalaanayo in dhismaha Maamulada.

Caqabad kale oo muuqata ayaa waxa ay tahay in uu socdo qorshe 6 gobol oo ka mid ah Koofurta dalka Soomaaliya loogu sameynayo Maamul goboleed oo ka socda magaalada Baydhaba, goboladaasi oo ay ka mid yihiin kuwa hada loo sameynayo Jubaland ee Jubada, mida dhexe iyo gedo taas oo cadeeneysa kala qeybsaneyta aragtida ku wajahan sameynta Maamul goboleedyada.

Xukuumada oo aan raali ka aheyn dhismaha Maamulada aan dastuurka waafaqsaneen ayaa si ay u hakiso qorshayaasha waxa ay Maamul KMG ah u magacaawday gobolada Gedo iyo Bay kuwaasi oo cuuryaamin kara Jubaland iyo Shirka Baydhaba.

Hirgalinta nidaamka Federaalka ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya aysan awoodeeda gaarsiisaneen guud ahaan dalka sidoo kalana ay xurguf dhex taalo qabaa’ilka Soomaaliya waxaase Qubarada ku xeel dheer federaalka ay sheegayaan in hirgalintiisa uu imaankaro, iyadoo uu jiro heshiis bulsho iyo dowlad gaarsiisan dalka oo dhan.

Howsha ma sahlana, dadaalka ma yara, waqtigana wuu is gurayaa.

W/D Maxamed Cali Axmed Rooraaye

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online