Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Wararka

Dagaal culus oo maanta ka dhacya gobolka Sh/hoose iyo guulo laga sheegtay
Muqdisho {Caasimada Online} Wararka naga soo gaaraya magaalada Jinaale ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in afaafka hore ee laga galo magaaladaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday magaalada.

Sida warku sheegayo dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu socday muddo ku dhow halsaac sida uu sheegay Guddoomiyaha magaalada Janaale ee dowladda Soomaaliya Maxamed Idiris Cumar oo ka warbixiyey dagaalka ay la galeen Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen sida uu yiri.

Guddoomiyaha magaalada Janaale ee dowladda Soomaaliya Maxamed Idiris Cumar waxaa kale oo uu sheegay in dagaal kedis ah oo aysan fileynin ay ku soo qaadeen ciidamada Al-shabaab ayna iska difaaceen, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadii Al-shabaab ee soo weeraray magaalada ay dib ugu celiyeen halkii ay ka soo duulaantageen sida uu yiri, isagoo sheegay inay ka dileen askar uusan tiradoodu sheegin inta ay gaarsiisantahay.

Dhinaca sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo isna ka hadlay dagaalka ay ku qaadeen degmada Janaale ayaa sheegay in dagaalka ay ka gaareen guulo, wuxuuna intaasi ku daray in kontaroolka laga galo magaalada ay la wareegeen muddo kooban, markii dantii ay lahaayeen ay ka gaareenna ay ka laabteen sida uu yiri, mana jirto warar ka madaxbanaan labada dhinac oo si cad u sheegaya khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Caasimada Online isha wararka sugan

Xafiiska magaalada Muqdisho

Qarax ay ku halaagsameen xamaaliley murugmaalato ah oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho {Caasimada Online} Qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad murugmaalato ah ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho xilli ay ku guda jireen sida la sheegay dejinta gaarin raashiin waday oo ka soo sharaacday dekadda magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 3-ruux ayaa ku dhimatay inta la xaqiijiyey, tiro ka badan 7-ruux oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxa ay wax ku noqdeen xamaalileydaasi, waxaana la sheegay in qaraxa aan la ogeyn sababta ka dambeysay, inkastoo loo maleynayo in baabuurka uu saarnaa.

Mid ka mid ah xamaalileydii ka badbaaday qaraxaasi ayaa sheegay in mar qur ah ay ka warheleen dhawaaqa, wuxuuna intaasi ku daray in 6-ruux dad ka badan ay ku dhaawacmeen, halka dhimashaduna uu ku sheegay 2-ruux, isagoo xusay inaysan garankarin halka uu qaraxaasi uga yimid balse ay ku qiyaasayaan inuu gaariga saarnaa sida uu yiri.

Caasimada Online isha wararka sugan

Xafiiska magaalada Muqdisho

Musharixiinta madaxtinimada maamulka Ximan iyo xeeb oo sii kordheysa
Prof Cabdulaahi Xersi  Diirshe (Daacad) oo Mudo dheer ku soo jirey Siyaasada Wadanka Soomaaliya islamarkaana horey u Sameeyey Xisbiyo fara badan gaar ahaan Xiliyadii Dagaalada Sokeeye ayaa haatan waxaa uu ku soo Biirey Siyaasiyiinta u Taagan Xilka Madaxweynimada Maamulka Ximan iyo Xeeb , waxaana wax ka weydiiney Sababta uu Xiligaan ugu soo biirey Siyaasiyiinta u Taagan Xilkaa Maamulkaas waxaana uu sheegey in uu doonayo Shacabka Ximan Xeeb uga faaiideeyo aqoonta iyo Waaya-aragnimada uu u leeyahay Siyaassadda , Hogaan Wanaaga iyo Xiriirka Wanaagsan ee aan la leeyahay Deriska iyo Dunida inteeda kala, islamarkaasna in aan ka gudbiyo Bulshada Ximan iyo Xeeba Marxalada Xasaasiga ay ku sugan yihiin waxaa uu intaas ku darey.

“ Soomaaliya waxay  ay u baahan tahay Nidaam Gunta ka soo Tola Deegaanada, si loogu Gudbo Hanashada Qaranimada Soomaaliyeed ee Daalaa Dhaceysa ama Saanqaadka ah , maadaama aan marnaba Bulshadu kala maarmi kareyn meel kasta oo ay joogto , heer kasta oo ay mareyso taasoo ay ka mid tahay Ujeedooyinka dib u Yegleelida Nimdaam iyo kala Dambeyn lagu soo celiyo Geyiga Soomaaliyeed.

Prof Cabdulaahi Xersi  Diirshe (Daacad) waxaa uu sheegey in Deegaanka Ximan iyio Xeeb uu yahay Dhul Balaaran lehna Khayraad Dabiici oo kala duwan sida XoolAha , Beeraha , Macdanta iyo Kaluumeysiga islamrkaana waxaa uu sheegey in Deegaankaas ay ku hareereysan yihiin Deegaano kala Duwan  Dhacdooyinka ku saleysan Daaq ay ka dhacaan sidaa dareteed waxay u baahan yihiin in si wadajir looga wada shaqeeyo Xal u helida Khilaafaadkaas yar yar iyadoo la isticmaalayo Xigamada Waxgaradka ee Dhinacyada kala duwan taasina aad bay u fududadahy waxaana uu sheegey in uu  aaminsan yahay in  Khilaafaadkaas uu ku bixin Doono dadaal Dheeraada si Nabad loogu Wada Noolaado.

Prof Cabdulaahi Xersi  Diirshe (Daacad) mar uu ka hadlayey Dhinaca Bucad badeeda waxaa uu yiri” Dadkaas waxay ahaayeen Ganacsato Kaluumeyusato ah iyo Shaqaalahooda oo iyaga ku howlanaa in muda ah Wax soo saarka Khayraadka Badda hase yeeshee waxaa dhibaateeyey, Joojiyey Ganacsigooda Sharafta badan Kaluumeysato Shisheeye kuwaasoo adeegsanayey Maraakiib waa waaweyn iyo Qalab Xaalufinta Badda islamarkaana baabi’iey Qalabkoodii Kaluumeysiga sida Doonyihii Shabaagadihii taasi waxay abuurtey in ay is Difaacaan ilaa ay soo gaartey  in lagu kala adkaado loolankaas oo aan Xaqa loo wada lahayn,taasina waxay dhashey in  Muwaadiniinti lagu Tilmaamo Burcad maadaama ayan lahayn Nidaam  Qaran oo awood u leh in uu difaaco Xaquuqdaas oo ah Naftooda iyo Maalkooda hase eyeshee Nasiib wanaag maanta waxay  taagan yihiin Ganacsatadaas,Ganacsigeenna waa joojineynaa iyo wixii ka dhashey ha la helo Qaran Difaaca Khayraadka Badda Soomaaliyeed , iyagoo Xiligan Diyaar  u ah in ay ka dambeeyaan Maamulkooda halkaas baan ka sii wadi doonaan anigoo leh Xirfad ku duwida Dhalinyarada Nolosha Caadiga ah.

Caasimada Online isha wararka sugan

Xafiiska magaalada Muqdisho

Warar lagu farxo oo laga soo sheegay KISMAAYO, kadib maalmo cabsi ah
War goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegay in magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose laga saaray ciidamadii militariga ahaa iyo kuwa Raaskambooni ee gacanta ku hayay, dad badan oo degan magaaladanna ay ku farxeen.

Arrintan ayaa yareysay cabsidii dad badan ay ka qabeen in isku horimaad uu ka dhaco magaalada, taasi oo ah war lagu farxo.

Warka ayaa intaasi ku daraya in magaalada lagu daadiyo ciidamo boliis ah kuwaasoo la sheegay in ay sugi doonaan amaanka guud ee magaalada xilli ay ku soo bateen shaqsiyaad sheeganaya in mid kasto uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo ayaa ku waramaya in xaalada magaalada in ay tahay mid dagan imink

Wariyaha waxa uu intaasi ku darayaa in wafdigii shalay soo gaaray Kismaayo ay kulamo kala kidisan ay la qaateen shaqsiyaadka ku dhawaaqay in ay madaxweyne ka yihiin gobolada Jubooyinka, isku day lagu doonayo in arinta lagu dhameeyo si xasilooni ah.

Wafdiga ayaa goor sii horeysay waxa uu la kulmay madaxweynaha la doortay ee Jubaland Axmed Madoobe iyo ergadii doortay kuwaasoo la yeeshay xog wareysi.

Wafidga IGAD ayaa shalay gilinkii dambe ka amaba baxay magaalada si ay ururka ugu gudibiyaan xog ay soo uruuriyeen Kismaayo shar dhawaan ka dhici doona Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

KENYA oo sheegtay inay aqoonsan tahay doorashadii Axmed Madoobe
Muqdisho {Caasimada Online} Dowladda Kenya oo markii ugu horeysay ka hadashay doorashooyinkii madaxtinimada maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay si weyn u soo dhaweynayso doorashooyinkii Madaxweynenimada maamulka Jubbaland ee lagu doortay Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe}, kaas oo ahaa hogaamiyihii Jabhadda Raaskambooni.

Afayeenka ciidamada Kenya Cyrust Oguna ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay hogaanka cusub ee loo doortay Jubbaland ee Sheekh Axmed Madoobe, waxa uuna intaasi ku daray inay tahay wax lagu farxo in dadka ay doortaan hogaan ay iyaga ku qanacsanyihiin, tusaalana u tahay in mashruucii siyaasiga ahaa uu miro dhalayo.

Waa hadalkii ugu horeeyey ee kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aadan Jubbaland, waxaana  Oguna uu ku dooday in dhismaha Jubbaland uu ahaa wax dadka deegaanadaasi ay leeyihiin oo aanan kor looga keenin.

Dhinaca kale Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo doraad ku laabtay magaalada Kismaayo ayaa ogolaaday doorashadii 15-kii bishan ka dhaxday magaalada Kismaayo ee Madaxweynenimada loogu doortey Sheekh Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna ka qeybgalay kulan ay wafdigii IGAD la yeelanayeen qaar ka mid ah shirkii lagu doortay Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo doorashada Axmed Madoobe.

Caasimada Online isha wararka sugan

Xafiiska magaalada Muqdisho

Tuulo ku taalla magaalada Jowhar oo wax aad looga naxo ay ka dhaceen
Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaley dab la qabad siiyay tuulo ku taalla duleedka magaalada Jowhar.

Dadka deeganka ayaa sheegaya in tuulada inta badan ay gubtay, waxaana lagu magacaabaa tuuladan Mayuungale waxaana ay ku taalla duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe.

Wararkii u dambeeyay ee saaka naga soo gaaray tuuladan waxa ay sheegayaan in sidoo kale hal qof  uu ku dhaawacmay deegankan oo ay ku dagaalameen kooxo beeraleey iyo xoolo dhaqato isugu jirta.

Waxaa lagu sheegay sababta loogubay tuuladan in la xiriirto aanooyin qabiil sida ay lee yihiin dadka degan, waxaa kaloo la sheegayaa in dadkii ku dhaqnaa tuulada dabka la qabadsiiyay in ay halkaas ka gureen.

Xaaladda tuulada Mayuungale ayaa saaka oo Isniin ah deggan, waxaana la sheegayaa in halkaas ay gareen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda kuwaasoo ka amababaxay magaalada Jowhar.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub gayiga Soomaalida, oo waayo waxaa inta badan la arkaa kooxo xoolo dhaqato ama beeraleey ah oo isku heesta dhul daaqsiin taasoo marka dambe isku badasha  in ay dad ay kala dilaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Muqdisho: Hoobiyeyaal xaley raaxada looga qaaday magaalada
Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xaley saqdii dhexe qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho laga maqlay daryanka madaafiic hoobiyaal.

Madaafiicda oo is-dabjoog ahaa ayaa dad badan ka salaliyay hurdada, waxaana ay ku abuureen cabsi sidaas waxaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online wariye degan degmada Wardhiigleey oo ka mid degmooyinka xaley madaafiicda ay ku dhaceen.

“Kol aan ku qiyaasay 12-kii saqdii dhexe ayaan maqalnay anniga iyo dhallinyaro kale oo aan isku qol jiifnay daryanka madaafiicda malaha ilaa 10-waa ay gaaryayeen, waxa ay nagu dhaliyeen cabsi, waxaana ay ku soo dhaceen degmada aan joogo ee Warta Nabadda iyo qaybo kale oo la ii sheegay in ay ku dhaceen Degmada Boondheere” ayuu yiri wariyahaas oo magaciisa diidday in la soo xigto.

Si kastaba, ma cadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda xaley laga maqlay xaafadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, mana jirto saraakiil ka hadashay.

Waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo dhowr cisho ka hor sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay idaacadda Al-Shabaab uu sheegay in Al-Shabaab weli ay galaangal ku lee dahay Muqdisho oo wax ka joogto.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay wali gacanta ku hayaan Degmooyinka Deyniile, qaybo ka mid ah Hiliwaa sida Suuqa Xoolaha iyo Yaaqshid.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda gacanta ku heysaa iyo degaanno kale dowladda, haddana sidaas oo ay tahay Al-Shabaab weeraro iyo dilal ayey ka geestaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warbixin: 3-da qeyb oo ay ka kooban yihiin xildhibaanada wada mooshinka Saacid iyo gacanta ka dambeysa
Xildhibaano isku Aragti ka ah Xukuumada ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka dibna waxay u gudbiyeen gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sadax qaybood oo ka tirsan baarlamaanka oo qayb kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa ku mideysan mooshinkaan, waxaana sadaxdaasi qaybood ay kala yihiin.

Xildhibaano Aragti ahaan Xukuumada ay isku fahmi waayeen maamul u Samaynta gobalada Jubooyinka oo uu ugu horeeyo xildhibaan C/rashiid Xidig sidoo kalana ay qayb ka yihiin xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalada Jubooyinka.

Xildhibaano ka soo horjeeda kaalinta dowlada ay siisay wadahadalada Maamulka Soomaaliland oo ku abtirsada Maamulka Khaatumo oo uu horkacayo xildhibaan Cali Khaliif Galay.

Iyo Xildhibaano kale oo ka soo horjeestay isbadal dowlada ay ku samaysay Jagooyinka qaar, isla markaana sheegay in la hareer maray dhidaamka 4.5 oo Soomaalidu ay wax ku qaybsato.

Sikastaba sadaxdaan qaybood oo ka tirsan Baarlamaanka oo qaybkasta ay leedahay hadaf gaar ah ayaa mar qura waxay isku aragti ka noqdeen in ay mucaaradaan xukuumada Raysal wasaare Shirdoon.

Inkastoo ay jiraan arimahaan oo dhan ayaa hadana qaar ka mid ah dadka siyaasada falanqeeya waxay aaminsanyihiin inay jirto gacan kale oo howshaan wax kawada oo ah Puntland iyo rag leh damac siyaasadeed iyo waliba dad doonaya in la cuuryaamiyo qada socota.

Dokumentiyo aan helnay ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul Wasaare saacid laga soo abaabulay Kenya.

Diblomaasi ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay jiraan kulamo ka dhacay magaaladaasi oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo lagu soo diyaariyay mooshinkaan ka soo horjeeda xukuumada.

Ma ahan wax cusub in laga hor yimaado Raysal wasaare oo Mooshin laga keeno ilaa marka danbe kursiga laga tuuro, laakiin waa caado soo jirtay laga soo bilaabo Raysal wasaarihii hore ee dowladii TNG-da Cali Khaliif Galayr.

Markii loo eego Shirdoon Raysal wasaarayaashii hore ee laga hor yimid ayaga oo shaqaynaya sida Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid iyo Maxamed Farmaajo madabno rajada laga qabo in lagu guuleesto mooshinkaan oo lagu eryo Raysal wasaare Saacid, sababtoo ah dhamaan wasiiradii koowaad ee xafiika ka tagay waxay baxeen ka dib markii ay isku dhaceen madaxda sare sida gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Dhowaan ayaa Raysal wasaaraha iyo labadiisa wasiir ee Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha waxay si kala gooni ah ay u hortageen Baarlamaanka, waxaana Raysal wasaaraha uu ka jawaabay 10-su’aal oo ay waydiiyeen xildhibaanada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa meel cad ka istaagtay arimaha ka socda gobalada Jubooyinka waxaana xukuumada ay sheegtay inaysan Aqoonsanayn Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale oo labadooda ay wada sheeganayaan in yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana jira Xildhibaano oo siyaasad ahaan taageersan doorashada Axmed Madoobe sidoo kalana ka qaybgalay Shirar lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka ayaa yiri “Waxaa jira Lacag farabadan oo loo qeybinaayo Xildhibaanadaas, 90% lacagtaasnah waxey ka timid Garoowe” Asigoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Nimanka Arintaan gadaal ka riixaya waxaa kamid ah Ina Sharmaarke, Faroole iyo rag kale”

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo horjeeda mooshinkaan waxayna ku doodayaan in xiligaan xukuumada aysan u baahnayn in la dhibaateeyo, maadaama ay ku guuleesatay in ay wax ka qabato arimo oo ay horay u balanqaaday, inkastoo aamaanka wali sidii loo baahnaa uusan ahayn.

Qilaafka iyo is qab qabsiga nuucaan oo kale ah ayaa horay u soo ragaadiyay dowladii KMG-ka ahaa ee soo maray wadanka, waxaana haatan layswydiinayaa halka uu gaari doono mooshinkaan ka dhan ah Xukuumada.

DAAWO: Gabar SOMALi ah arrin aad looga naxo ka hadleysa ‘Subxanallah’
Caasimada Online: Muuqaalka maanta waa mid aad looga naxo waa arin qof walba oo maqla ama daawada uu ka naxayo waa Gabar Soomaaliyeed oo ka sheekeyneysa fal inta badan dhaca oo ay Soomaalida u taqaano Ilma yar oo adeerkood fara xumeeyay taas oo la macna ah in Adeerka hooyadeed qabay uu fal joogta ah oo fara xumeyn ah uu kula kacaya.

Hadaba Gabar Soomaaliyeed ayaa ka sheekeyneysa sida ay wax u dhaceyn iyo qaabka uu u sameyn jiray fara xumeynta adeerkeed waxeeyna arinkani uga warantay Tv-ga Universal oo uu ka baxay ee nala daawada.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

Video: Dib u dhsika ciidanka Xoogga
Taleefishinka Kalsan TV, ayaa xog wareysi muhim ah ka sameeyay qaabka dib u dhis xoogan loogu sameyn karo ciidamada xoogga dalka Somalia, si ay ugu soo noqdaan kaalintoodii hore ee libaaxyada Geeska Africa.

Barnaamijka Martida Kalsan, ayaa waxaa lagu wareystay aqoonyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Sayid Axmed Sheikh Maxamed Sheikh Axmed Mataan si fudud loogu yaqaan Sheikh Axmed Mataan, oo ahaan jiray guddoomiyiii Ahlu-Sunna ee qaaradda Yurub, , oo si wanaagsan u lafa gray dib udhiska ciidanka xoogga dalka.

Haddaba halkan hoose ka daawo barnaamijka