Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Ra’yiga

MADAXWEYNE: MAANDEEQ MAALIN LAGUMA MAALO! (Faallo xasaas iah)
MAANDEEQ Soomaalidu waxay ula baxdaa Dumarka, Xoolaha  iyo wax walba oo ay aad ujecel yihiin, agtoodana qaali ah, oo uu ugu horreeyo Geelu. Eragu wuxuu iska saaran yahay labada eray ee: “MAAN” iyo “DEEQ” oo ka dhigan wax qofka maankiisa deeqay, maadaama maanku yahay xubinta ugu muhimsan ee Aadanaha hagta.

Waxyaabihii MAANDEEQ kaloo loo aqoonsaday waxaa ka mid ahaa XORRIYADDA. Haddaan Tusaale u soo qaaddano waagii Gobonnimo doonka ee lagu raadinayey dowladnimo, maamul iyo nidaam Soomaali hoggaanka u hayso ayaa Maandeeq loogu yeeri jiray XORRIYADDA ee wuxuu yiri. Waa halkuu Abwaan Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde “AUN” ka yiri:

Gumaysigu HASHUU naga dhacay, Een gurayey raadkeeda

Gaashaandhiggeedii HASHUU, Galowgu eedaamay

Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, Noogumay garane

Garre iyo Guntane maalintay, Gees isugu boodey

Allaa noo gargaaree xornimo, Noogumay garane

Haddaba, weydiintaydu waa: maxaa DAWLADDA loogu mgacaabay MAANDEEQ? Illeen Soomaalidu DAWLAD ma jeclaane? Kama muhimsane, horta yaaba ku taliyey in magacan DAWLAD loo baxsho? Laga yaabee, inaad i tiara; waxaa looga jeeday in dawladdu wax wanaagsan tahay, haddana, waa hubaal inaan wanaaggeed la arag, iska daa in la xaqijiyo inay wanaasgan tehee.

Maanta MAANDEEQ waxaa madaxeeda ku magacaaban mudane Xasan Sheekh, taa awgeed, ayey ila dhaafi waysay inaan eraydan ku wajho isaga, kolleey iga waaya aragsan, haddana, af nooli hadal dhaafi waa.

KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre ayaa BARQO CAD la diray isagoo madax u ahaa ciidankii ugu awoodda badnaa Geeska Afrika. Inta ku hortaal eeg, wixii Dawlado ku meel gaar la soo dhisay, Dawladdii Carta, C/Qaasim iyo Prof Galayr buuqii laga dhalshay, waa lagu caana maalay, oo waxaa kursigii loo dhiibay Xasan Abshir Faarax, oo ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna ku xigsaday, ka dib markii xilka laga qaaday Xasan Abshir.

Shirkii Kenya wuxuu dhalay Jabhadka ugu cimriga dheer Geeska Afrika, waan filaa inaad Xamar joogtay wixii dhacay kaaga sheekayn maayo. Waxaa xigay dalwaddii Shariif, mabda’ la’aan ka sokow, waxaa la degay musuq sayaasadeed iyo maalba. Ina Sharmarke heshiis dhagareedkii Gaalkacyo ka sokow markuu xilka ka dagayey laba Malyan oo Dollar ayuu hore u sii qaatay, malaha waa midda uu hadda Jubbooyinka ku qasayo.

Formaajo markii la magacaabay, in kasto oo uusan qudhiisa aragti la ammaano horey u qabin, maadaama uu buug uu qoray beelo Soomaaliyeed iyo madaxdii dalka soo martay ku aflagaaddeeyey, haddana, in xilka laga qaado, waxaa ku tookhay Mudane Faroole, isna waxaa xigsaday Gaas, kii horaba ka dar! Maxaa yeelay dadkaba wuxuu ka yaqannay Reer Bari, waa ninkii is hortagay aqoonsiga Maamulka Khaatumo State, waxaanse la yaabaa, marka aa arko Prof Galayr oo sidii Qawsaar Geeljire ah u dhaqmaya. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiara:  “Hal diidaysaa geeday ku xoqoto ma waydo!”.

Maanta marxalad cusub ayaa la galay, dawlad walba caqabad ayey yeelatay oo ama ridday ama raadkeeda tirtirtay. Taada waxay eersan doontaa laba arrimood, oo mid ay la wadaagto kuwii hore midna u gaar ah, oo kala ah:

FEDERALKA [BEELEYSIGA]

DASTUUR DADBAN [DABRAN]

Kan hore waa kan Jubbooyinka ka socda, oo ay ku yeelatay dhawr madaxweyne wax ka yar 48 saacadood. Way iska caddayd inay sidaa wax ku dhammanayeen, waxaa sabab u ah faraglinta shisheeye ee ay ugu horreeyaan Kenya iyo Norway Itoobiyana ha moogaan.

Madaxweyne Wiilkii AANAS yare eed London ku aragtay wuxuu ku yiri:  “MADAXWEYNE LAGU WADA AMMAANI MAAYEE, YAAN LAGU WADA CAAYIN!”.

Qaylada maanta baxaysa ee ku aaddan Dastuurka, Federalka iyo Maamul Goboleedyada, waxay badeshay eragii ahaa: “LOOMA DHAMMA!” oo mar walba ay ku hoos jiraan arrimaha kala ah:

DANO SHISHEEYE

DANO QOFEED

DANO BEELEED

Isu gayn waxay isugu imaanayaan FASHILIN ka dhalay FASHAL ama FADHIIDNIMO jira! Waxaan uga jeedaa, markii hore way kuu ekayd inaad Axmed Madoobe Wasiir ka dhigto, adaaba albaabkii isku soo xiray, ee toban Wasiir ayaadba dhaafi waysay, adoo waliba ka tagay Wasaarado muhim ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashashada. Marka aad ka gudubto caqabaddiisa aad bannaanka dhigto, ayey ahayd mase dhicin, dib u fiiri, dawladdii C/laahi Yuusuf, ama tii Shariif, waxaa sal u ahaa QABQABLE iyo WADAAD, muddo ka dibna waa la wada xaaqay.

Hadda tallaabada ugu muhim waa; in ama uu IS CASILO ama aad adigu XILKA KA QAADDO Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka c/kariim Xuseen Guuleed. Maxaa yeelay isaga ayey ahayd inaw kala furufuro hawlahann, iyana ma dhicin, wali waa taagan tehee, isaga ka billow tallaabada ugu horraysa.

Kaa kaliya ma ahan, waxaa aad lagaaga yaabay marka  aad wali baalka ugu haysato Mudane Tarzan. Xilka uu hayo in la kala qaado oo laba qof loo dhiibo waa muhim xaaladda lagu jiro awgeed. Midda lala sii yaabay baa ah waxa aad la sugtay Shariif Shuukhunaa Maye  oo gurigiisa laga helay hub Sharci darro ah, hadduu qabqable ahaa waaba la garan karay, balse, wuxuu ahaa Taliyihii Booliska Soomaaliyeed. Waxay ka dhigantahay Halkay Soomaalidu ka dhihi jirtey: “Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo!”.

Mooshin ku sheegga Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey kuwa geeyey waa gayru masuuliine, waxaa MUQADDAS ah in magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan la sheego, maxaa yeelay Beel ayey matalaane shacab iyo umad ma matalaan! Haddii ay noqoto inay beel gaar ah u bataan, waa in beesha odayaashooda loo gudbiyaa cabasho ka dhan, hadday iyagu tabanayaanna waa inay soo gudbiyaan, ee ma ahan inay mooshin ku dhuuntaan. Waxaa la yiri: “Doqoni xin mooyee xisaab ma taqaan!”. Xildhibaannada Mooshinka wadaana waa qaabkaas. Haddaad hungurooto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo. Inta hungurigu wado waxay kala yihiin:

XIL SUGAYAAL; Damaaci ah inay xilal ka helaan hadii xukuumaddani dhacdo, tan dambee la soo dhisayo.

XASARADLEEY; U taagan dharaar iyo habeen in colaaddo aysan damin, dhiiggooda ayaa ku shaqeeya, haddii kale WADNAHA ayaa istaagaya!

LAALUUSHLEEY; Doonayo inay soo nooleeyaan hannaankii MOOSHINKA MAALKA!

MURANLEEY; iska jecel in is qabqabsi iyo is afgarad la’aani jirto mar walba.

Waxaa LIX BILOOD la sugay si uu u soo ifbaxo KHILAAF adiga iyo Saacid, ama Saacid IYO Jawaari, am adiga iyo Jawarim markii la arkay in aysan soo socon khilaaf oo aad tihiin [KOOX QURA] ONE-TEAM, ayey dani bidday inay BANNAANKA is keenaan, iyagoo ku soo  daba gabbanaya cabanashooyin beelo kale qabaan, iskuna soo dhex qariyeen.

Laakiin umadda Soomaaliyeed markaan tooshka ayay ku wada haysaa, waana la fahansan yahay arrinta Jubbaland waxa qasaya oo dabada ka riixaya. U fiirso: CUMAR CABDIRASHIID, FAROOLE, CABDI  WELI GAAS CADDE MUUSE iyo qaar kaloo badan oo Malaa’ig iska dhigaya! Ayna ugu horrayso SAHAL iyo TV-yada saacadaha ka soo gala Magaalooyinka Minnneapolis, iyo San Paolo, ee Gobolka Minnesota, balse ku hadla had iyo jeer afkaarta reer qura.

Mudane Madaxweyne hana u joojin dadka danaystayaasha ah ee ay ku fogaatay qabyaaladda iyo qabiilku, ee gabbaadna ka dhigta FEDERAALKA.

Ma tihid Malag danbi la’aan ah, balse cabashada maanta yeeraysa ma aha mid SHARCI ah. Waxaa ka marag kacay Xildhibaan Xoosh, oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka, oo yiri:  “Waxa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ma Waafaqsana Dastuurka!”.

Maahmaah ayaa leh: “Nin Xaaskaada u jeeda Gabadhaada kuma qanco!” oo la mid ah Faroole iyo inta la fekerka ah inay xil helaan ma ahan si kale kuma qancaan!  xitaa ma gartaan inay afartaan sano sugtaan, inta ay wayn lahaayeen waxay ka xigaan in Soomaali IS LAYSO! La kala Aamin BAXO! La kala GUURO!

MOOSHINADDA socdaa waa KU MEEL GAARKII dib loogu LAABTO!  Waxayse halmaameen in KU MEEL GAARKII looga baxay: Sabarka SHARIIF ee JILJILEECU la socday + DALLAALNIMADII SHARIIF SAKIIN + ISKA FIIRSIGII SOOMAALIDA KALE + DAALKII DUNIDA IYO CAALAMKA oo ay ka ahayd bal hal mar na mootiya, oo KU MEEL GAARKA dhammeeya. Hubaal Soomaaliya inaysan wayn doonin waddani dhab ah oo gadaal ka saxa qaladaadkan iyo damaca foosha xun ee jira!

Mudane Madaxweyne, haddii aadan la imaan KARTI, DULQAAD badan, DABACSANAAN Wallee inaadan geeddiga MAANDEEQ meel dheer gaarsiinayn! Taa macnaheedu ma ahan, inaad Rikaatto walba u nuglaato, ee waa in ninkii cabasho xaq ah wata aad dhagaysatid waxna ka qabatid.

Maanka ku hay, Maamul waxaa dhaama ama halleeya waa inta hoos ka shaqaysa, intiinna sare wax aadnaan ogayn ama ka warqabin ayaa hoostiinna laga laaqayaa, u badi inay xumaan iyo xasarad abuur kaliya tahay. Marka waa inaad lahaataan dareenno dheeraad ah oo aad ku ogaataan inta qaska wadda.

Ka muhimsane, Mudane Madaxweyne dawladdaada dalwad ka awood badan burburkii ka dib lama dhihin. Haddaba, waa inaad awooddaa ku adeegataa, adoon cidna ku gardarroonayn kuna xadgudbayn. Waana inaad ka billowdaa in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa ood ku summaddaan QASWADAYAAL, illeen haddaan taladiinu  meelmarin meesha maxaad ku haysaan?!

Taa adigu eed kuma lihid,  oo hortaa baa la jideeyey, marka waa uun SUNNO jirtay oo aad dabbaqday. Waxaa iila yaab badan kuwa maanta ka mudaharaadaya deegaanka Bari jacayl ay u qabaan Jubbooyinka ma ahane, dantooda ayey ka dhex arkeen, markuu Faroole lahaa Soomaali Galbeed Soomaali ma ahan, ee uu Itoobiya u gacan galinayey qofna kama hadal, waaba ku taageersanaayeen, dadka gacan galinta mudnaa lahaa Axmed Madoobe ayaa ka mid ah, balse, maanta waa lagu Awr kacsanayaa, Allaw doqoni damiinsanaa!

Suuragal ma ahan mana la qaadan karo in maalin walba WAFDI DAWLADDA ka socda iyo MASUULIIYIN laga celsho Garoonka Magaalada Kismaayo. Iska daa Mudane xil hayee Muwaadin Soomaaliyeed ee aan Dambiile ahayn in laga celshaa qalad ah, idinkuna waad ku fiirsateen. Kaaga darane, ninka waxaa samaynayaa wuxuu ka soo boqooleey Soomaali Galbeed.

Axmed Madoobe wuxuu ka mid ahaa WADAADADII WAALLIDA WADAY! Waxaan sidaa u leeyahay wuxuu ku jiray firxadkii Maxkamadaha, ka dib ayaa isagoo dhaawac ah Xabashidu qabteen, inta la soo daweeyey ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka.

Maanta waxay taagan yihiin Maamulkaa wuxuu xarun u noqon karaa Mucaaradka Itoobiya, sidaa awgeed waa in laga hortagaa. Tani waxay keenaysaa in laga faa’iidaysto ka biya diidka Itoobiya, illeen waxa halkaa ka soo socdaa waa hubaal inaysan dan Soomaali ku jirine.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

WARBIXIN: Soogalootiga oo Muqdisho u rogay Jaamacadda Napoli
Kooxo hubaysan oo ku labbisan dharka ciidammada dowladda ayaa maalintii 15.5.2013, weeraar ku qaaday xarunta shirkadda xawaaladda Dahabshiil ee ku taalo suuqa Bakaaraha ee Muqdisho si ay halkaasi dhac uga gaystaan. Kooxahan hubaysan oo soo weeraray Shirkaddaasi oo sida muuqato doonaayay inay boob iyo dhac u gaystaan, waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ilaaladii nabadgelyada ee shirkadda (Security guard).

Labada dhinac ee iska horyimid, waxaa dhaxmartay israsaaseen in muddo ah socotay. Waxaana halkaasi ku geeriyooday nin horroradii soo duulay ka mid ahaa, waxaana ku dhaawacmay 3 ruux oo ka tirsan dadkii suuqa u yimid inay ka dukaamaystaan. Israsaasaynta kaddib, waxaa goobta falka ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka oo kalkaasi ka sameeyay hawlo ammaanka lagu sugaayo.

Dadweynaha deggan magaalada Muqdisho lama yaabano dhiirida iyo hornimada kooxaha hubaysan oo dharaar cad (daylight) isku dayaayo inay boobaan shirkad leh ilaalo hubaysan, kuna dhax taalo suuqii magaalada ugu weynaa oo ciidammada dowladda saldhig boolis ku dhax leeyahiin, laga yaabo in dharcad ay dhax joogto. Waayo, dadku wuxuu muddo 23 sanno ah arkaayay boob iyo dhac maaro loo waayay oo aad moodid inay wax caadi ah noqdeen.

Waxaa laga fara batay dadkii reer Muqdisho oo reer magaalka ahaa, lahaana dhaqan suubban, ayadoo Xamar ay ku soo qulquleen soogalootiga gobolada ka yimid, una roogeen bohol tuugo (thives den). Waana tan uu tilmaamay Signor Bagani oo ahaa gaal Talyaani ah ee uu dhacay nin Degmada Boondheere khamri ku gadi jiray, kana soo jeeday Gobolka Mudug.

Signor Bagani oo aan aakhirkii siddeetanaadkii kula kulmay xaruntii qareennada Soomaaliyeed oo aan ka shaqayn jiray, nooguna yimid dacwad la xiriirta dhaca loo gaystay, wuxuu la yaabay inuu xarunta ku arko 4 Talyaani ah ee uu soo khiyaaneeyay khamrigadaha, 5 shisheeye ah ka soo caqli badiyay, isuguna keenay magaalada Muqdisho ee uu ku tilmaamay Jaamacaddii Naboli (Napoli), asagoo leh:” Mogadiscio e la universita di Napoli”.

Napoli waa magaalo xeebeedda ku taalo koofurta dalka Talyaaniga, kuna badan yihiin shaqo la,aanta iyo saboolnimada, dadkeedana reer waqooyiga ku tilmaamaan tuugo, hagarqabayaal iyo gacan ku dhiiglayaal.

Khamrigadahii 5ta Talyaaniga ah soo dhacay ma ahaynin reer Muqdisho, kuwa horrada haatan dilka iyo dhaca ka wadana ma aha, magaalada ay magac tireenna ma aha tii aan naqiinay oo aan ku soo barbaarnay. Waayo, Waxaan soo gaaray dukaannada dharka suuqa Boondheere oo marka salaadda duhur la galaayo albaabada loo soo celiyo, birta bannaanka laga geliyo oo aan la qufulin si qofkii yimaado uusan uga tagin, una sugo. Waalidiintayda oo aan wax ka weyddiiyayna waxay ii sheegeen in markii hore albaabada oo furan laga tagi jiray, rukunkuna ay gudaha ku sii sugi jireen inta gadahu uu salaadda ku maqan yahay.

Bartamahii sannadkii 1991gii, waxaa guriga noogu yimid AUN Sheekh Cumargaab, kana soo jeeda Buur Hakabo, oo noo sheegay: ïnuu Xamar Weyne shaxaad u doontay, kana soo helay 2 suus oo diir ah. Hase yeeshee markuu dib ula soo noqday, soona gaaray taalada daljirka dahsoon laga dhigtay diirtii, lagana furtay macawistii, asagoo Saylaani ee degmada Shibis motante ku tagay, halkaasoo nin Baliile lagu naanaysi jiray uu mawacis ku soo tuuray, wuxuuna intaa noo raaciyay “Waxaan soo gaaray dadka Muqdisho oo lacag dhulka taalo aan la qadanaynin, ayagoo leh “Lacagta wixi looga tagay qabtaa” Sheekh Cumargaab wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanaday “Balaayo hadday balad noo soo gashay”.

Dadka qaska ka wado Xamar kama imaan hal gobol bal qaarkood waxay ka soo tallaabeen xuduudaha ayadoo uusan jirin nidaam xakameeynaayo.

Waxaa intaa ka sii daran in soo galootiga ay dhaawac u gaysteen dhaqan wanaaggii lagu yiqiin reer Muqdisho, ayagoo duufsaday kuwoodii caqliga liitay oo ku daday mooryaanta maalin taajirdoonka ah.

Magaalo ay ku soo qulqulaan soogalooti fara badan oo aan shaqo iyo hooy toona loo haynin waa wax la filan karo inay ciddii wax haysato dhacaan, wayna adkaan doontaa sidii wax looga qaban lahaa.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

MUQDISHO XAGEE U SOCATAA ??
Waxaa xaqiiq ah in caasimada Somalia ee Muqdisho xiligaani aay u baahan tahay in laga hadlo halka aay u socoto iyo meesha aay ka timid 22 sanno ka dib,Muqdisho oo ah gobol ka mid ah gobolada Somaliyeed balse ilaah ka dhigay caasimadii umada Somalia ayaa noqotay mida ugu badeeyda xaga xasuuqa dadka Somali iyo burburaka xaga dhismaha markaad u fiiriso gobolada dalka intooda kale.waxaan jeclahay in aan qormadaan ku soo qaato xagee u socotaa Muqdisho 22 Sanno kadib ??

Waxaa aay ila tahay in aanan loo baahneeyn in laga sheekeeyo waxa Muqdisho ka dhacay xaga barakaca iyo burburkii ku yimid waxii ka danbeeyay 1991 balse waxaan jeclahay in aan ku soo koobo kuwii hormuudka ka ahaa burburkaa iyo barakacaa Muqdisho ku dhacay in maanta aay leeyihiin dowlad goboleed qabiil ku dhisan,inkastoo dalka xiligaan dastuurka qabyo qoraalka lagu heshiiyay uu sheegayo in laga guuray ka maamulida dalka hal meel ( centralize ) loona guuray habka federaalka oo aanan weli si cad u qeexneen habka federaalka ee loo gudbaayo ayaa weli waxaa mugi ku jira mustaqbalka siyaasada G.Banaadir.

Waxaa dhab ah in Muqdisho aay u baahan tahay siyaasad salkeeda adag tahay sida manta muuqataana Muqdisho waxaa eey u baahan yahay hogaan xalaal ah oo umada ku hogaamiya cadaalad is-kaashi wada jir iyo in eey u dhaq-dhaqaaqaan maslaxada cida ay hogaaminaayaan una wadaan dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor istaagta Sharta iyo xumaha. (good leader) sabbabta oo ah hogaankii hore ee Muqdisho soo maray shacabka uma horseedin nabad iyo wadanoolaansho dhab ah ,sabbabta oo ah midna ma uusan odorisin siyaasad saldhigeeda yahay nabad & wadanoolaansho xaq ah balse colaada socotay ayeey qeeyb ka ahaayeen dhamaan sabbata oo ah dhaxal ama raad wanaagsan uguma eeyan tagain shacabkii eey ka dhasheen ee G.Banaadir balse gumaad iyo foolxumo.

Gudoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” waxaa la magaacay July 2010 walow uu ahaa nin qurba joog ah hadana weli waxaa shacabka G.Banaadir aay sugayaan hogaan aay soo doortaan ayaga oo xor ah ,waxaad moodaa in mudane Tarzan aayan maskaxdiisa ku jirin in shacabka G.Banaadir uu gaarsiiyo in aanan loo doorin gudoomiye danbe balse aay xaq tahay in ay soo doortaan shacabka degen gobolka Banaadir.

Tarzan waxaa laga sugaayaa ?????

• Tirakoobka shacabka degmooyinka G.Banaadir

• Sameeynta ID ( identification ) aqoonsi .

• Shcabka ama dhalinyarada G.Banaadir waa in aay ka mid noqdaan soo celinta nabada dhamaan degmooyinka G.Banaadir,maaha in ciidamada ka yimid gobolo kale aay ilaaliyaan degmo aayan u dhalan sabbabta oo aqoon uma laha degaanka uu shaqada ka hayo.

• Abaabulka degmooyinka in aay la yimaadaan shaqsiyaad matali kara oo ka mid noqda golaha deegaanka G.Banaadir,golahaas oo leh awooda sharcidejinta.

Haddii aanan la helin xaqa G.Banaadir shacabka degani aay ku leeyihiin dowlada dhexe ilama aha in nabada iyo wada-noolaansho dhab ah aay ka sii jiri doonto Muqdisho,waxaa hada socda oo uu shacabka G.Banaadir u dulqaatay in daqliga Madaarka & Dekeda ka soo galaa Gobolka Banaadir ay maamusho dowlada dhexe laguna marsuufo xildhibaano iyo wasiiro aanan u dhalan G.Banaadir ,waxaan leeyahay waxaa aad raadineeysaan 22 sanno ee aheeyd in dowlada walbaa Muqdisho lagu soo ururiyo xaqa Muqdisho la duudsiyo balse lagu marsuufo kuwa aanan raali ka aheeyn nabada & wadanoolaansha Somali waa xaqdaro,waxaa la joogaa xiligii shacabka G.Banaadir aqoon yahan,indheergarad,iyo ururda bulshada ee G.Banaadir aay cadeeyaan in la soo gaaray xiligii doorashada iyo ku dhaqanka siyaasada golaha G.Banaadir la fulin lahaa,dalka sidii uu ahaa maaha balse waa federaalka nin la soo magacaabay ha ugu danbeeyo Tarzan ninka xiliga waa in shacabka G.Banaadir uu soo doortaa uuna noqdaa nin aragti dheer leh og waxa la soo maray iyomeesha loo socdo,maaha in dowlada dhexe oo kaliya la dhageeystaa balse golaha G.Banaadir waa in la maqlaa codkooda, akhristow haddii kale G,Banaadir waxaa xeerer u sameeyn doona xildhibaano aanan u dhalan Muqdisho kuwaas oo leh hadaf ka duwan midka golaha G.Banaadir.

Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan

Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan

W/Q: Dr.Ali.A.HIrabe

Hirabe_a@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Yuusuf Garaad oo faallo cajiib ah ka qoray xaalka murugsan ee Kismaayo
Ma ahan in dhiig dambe ku daato Kismaayo!

Inqaasta Yusuf-Garaad

Qoraalada Yusuf kala soco http://yusuf-garaad.blogspot.com/

Shalay ayaa la shaaciyay in shirkii ka socday Kismaayo uu xilka Madaxwynaha Jubbaland u doortay Axmed Maxamed Islaan. Cid la tartantay ma jirin. Murashixintii xilkaas u taagnaa qaarkood muran ayay geliyeen sida ay doorashadu u dhacday.

In yar ka dib waxaa soo baxay war ah in Barre Hiraale, oo hadda ka hor Wasiir Difaac ahaan jiray, uu isaguna sheegay in loo doortay isla jagadaas.

Dowladda Soomaaliya oo hore ugu tilmaantay shirka Kismaayo in uu sharci darro ku yahay Dastuurka ayaa iyaduna isla shalay Kismaayo u dirtay wafdi ka kooban xildhibaanno iyo Wasiir ku xigeen. Xukuumaddu tallaabadan ayay qaadday inkatsa oo ay baarlamaanka taallo dacwad la doonayo in iyada lagu kala diro.

Sidii in Kismaayo aan intaasi dhib ugu filneyn, ayaa waxaa iyaguna Muqdisho ka hadlay odayaal ku hadlay magac qabiil. Hadda ka hor odayaashu wey hajnabeen, laakiin markan Kenya ayay ku eedeeyeen khatarta ka imaan karta Kismaayo. Puntland iyaduna waxay ka soo saartay dhowr hadal oo ku wajahan xaaladda oo mid ka mid ahi u hambalyeeyay doorashada Axmed Maxamed Islaan.

Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo dowlad iyo shacab Soomaaliyeed midkoodna Kismaayo daafici Karin. Ciidammada dalka deriska ah ee Kenya ayaa berriga Kismaayo Soomaalida is khilaafsan dusha uga ilaaliya. Baddana Soomaalidu kamaba warqabto.

Muqdisho saaka waxaa ka degaya wafdi ka socda IGAD oo xaqiiqo raadis ah. Wuxuu daba joogaa go’aankii Hoggaamiyayaasha dalalka IGAD ay ku gaareen Ethiopia.

Kismaayo waxaa hore loogu daadiyay dhiig badan oo Soomaaliyeed. Waxaan is weydiiyay – Maxaa laga bartay? Dadka naftooda ma waxaa ka qiimo badan dhulka iyo qabka qabiilka iyo qofka?

Maanta oo kale xikmaddu kuma jirto hanjabaad iyo qir iyo qir. Kuma jirto is magacaabid. Kuma jirto in reernimo in la isu bahaysto ee reeraha kale hawada loo mariyo hanjabaad. Kuma jirto in la is moodsiiyo in dad la duudsin karo.

Waxaa ila habboon dadka colaadda hurinaya xagga idaacadaha, websiteyada iyo gaar ahaan Facebook in ay ka dhowrsadaan colaad dad maanta nool laga yaabo in ay ku dhintaan.

Sidoo kale inta aan Kismaayo joogin waxaa habboon in aanay arrinta uga sii darin. Waxaa habboon in, haddii ay karaan, ay gacan ku siiyaan in marka hore dadka gudaha Kismaayo ku sugan ay is qanciyaan.

Waxgaradka faraha badan ee Kismaayo ku sugan oo uu ugu weyn yahay Ra’iisal Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan marka hore in aan Kismaayo gudaheeda lagu daadin dhiig dambe oo Soomaaliyeed. Kismaayo laba shir kama socon ee hal shir ayaa ka socday.

Dowladda Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka ah Somalia Somaaliya oo dhan waa in ay xal deg deg ah u heshaa si aan ammaanku gacanta uga bixin. Taas kuma filna wafdi xildhibaanno ah. Berrina jawaab noqon meyso in la is eedeeyo. Dowladda ayada oo la kaashaneysa cid kasta oo gacan ka geysan karta waa in ay xaqiijisaa in aan la is dilin. Mas’uuliyaddaasi iyada ayay saran tahay.

Ma aha in indhaha laga qarsado in IGAD oo ay ugu horreyso Kenya, oo ciidankeedu gacanta ku hayo Kismaayo, madaxda halkaa joogtana ay qaarkood xulufo la yihiin, aan looga maarmeyn in ay gacan ka geysato sidii xal looga gaari lahaa xiisadda aloosan. Hawl aan ku huri doonin horaa loo qabtaa.

Geesi waxaan maanta u aqaan qofkii xiisadda qaboojiya. Qofkii tanaasula. Qofkii xal keena.

Geesi waa Qofkii dadkeenna kala badbaadiya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

15 MAY WAA DHAXAL AWOOWE!!
Halgan kasta oo gumeysi diid ah rag baa u geeriyooda, dumar badan baa asaay  u qaada, carruur badan baana u ogaamowda, , ugu danbeystase waa la gaaraa himilada yoolka xorriyadeed ee uu halgan kaasi higsanayay, xumaan iyo samaan wixii uu la yimaadana  waa dhaxal taariikheed oo jiilba jiilkiisa u soo gudubta, sida S:Y.L, taasoo iminka aynu ka joogno seddex fac oo kala ah:-

1.      Fac awoowe-abkow ( 1935 – 1950)

2.      Fac aabbe.                 ( 1960 - 1990 )

3.      Faca wiilka.                ( 1990 – 2013)

Abkow ama awoowe Dabqaad, oo ka mid ahaa asaasayaashii soo abaabulay kacdoonkii heerya iska tuurka gumeysiga ee (S.Y.L) wuxuu soo dagaal galay isaga oo daacadnimo iyo kalsooni waddaniyadeed huwan qalbigiisuna ay qabyaaladi ka meyran tahay, isla markaana ay ka go’neyd inuu gaalka ku soo duulay dalkiisa ka xoreeyo.

Awoowayaashu gobol kasta iyo degmo kasta oo ay ka soo jeedaanba, waxey ahaayeen kuwo is wada jecel oo ku hubeysnaa qalab dagaal ka koobnaa, waran iyo gaashaan, gammuun ama fallaar iyo qaanso,  faas iyo seef, billaawe golxob iyo toorrey, budh garruun iyo dhagxaan farqaha lagu sitay, taasoo gumeystihii baas quus gelisay har cadna isaga oo hunduda dalka ka huleelisay, taasoo xorriyaddii ka dhalatay yar iyo weynba lagu wada naallooday!.

Fac aabbe.

Dhiiggii awoowayaasha ayaa lagu gaaray xorriyad buuxda oo bulshadii oo dhan farxad iyo yididiilo cusub ku wada beertay. Aabbe  wuxuu la kowsaday xorriyad diyaarsan oo dhaxal awoowe ah. Sagaalkii sano ee ugu horreysay, wuxuu kacaa kufaba, wuxuu ka badin waayay tabari halkii ay dhigtay dimuqraadiyad buuse abuuray.

Aabbe haddana wuu diga rogtay, kacaan buu curiyay, hantiwadaag baa lagu balweeyay, ololayaal baa wax lagu dhisay, taallooyin ay ( S.Y.L ) ka mid tahay baa magaalada la suray toban sanadood baa sawaxan iyo gucla orad lagu jiray goob kasta oo leysugu yimaadana magaca S.Y.L ka ma  maqneyn, dowladnimaa jirtay calanka soomaaliyeed dunida dacalladeeda ayuu ka wada surnaa, shacabkuna sharaf iyo maamuus bey dibadaha ku lahaayeen, nasiib darro nimcadii xorriyadda iyo dowlad ahaanshihiiba qab qab dhaafay baa laga calfan waayay dagaal baa xal la mooday halgankii S.Y.L-na sidaas baa lagu khasaariyay!.

Faca wiilka.

Wiilku waxba ka ma helin dhaxalkii awoowe ee neecaawda xorriyadda, wuxuuse aabbe kala wareegay hugunka rasaasta iyo nuucyadeeda kala duwan, wuxuu aad u kala bartay yeermada ama dhawaaqa ay xabbaduhu leeyihiin, abtirsiinada qaabaa’illada, dhaca, dilka, booka, kufsiga iyo isbaarada, wuxuuna u qaatay dowladnimaduba iney sidaa tahay maxaa yeelay wuu ku faraxsan yahay dhibaatana ma dareensana!.

Wiilku waxaa iskaga dhex qasmay oo uu ku jaha wareeray siduu u kala saaran lahaa siyaasadda, qabyaaladda iyo diinta, wuxuuse midba u adeegsadaa oo kaliya marba midda uu dantiisa ka dhex arkayo, taasoo marin habow ku noqotay jihada anshaxa iyo wanaagga, laakin wiilka waxaa la gudboon inuu dib u milcsado taariikhdii awoowe ee S.Y.L. iyo dhiiggii waddaniyadeed ee xillgaa ku beernaa.

Waqtiga haatan la joogo waxaad moodda in ay neecaaw iyo yididiilo horumar leh geyiga Soomaaliyeed ka soo dhex muuqato, taaso u baahan in lagu qaabilo qalbi wanaag iyo niyad saafi ah oo bulshada oo dhan wada walaaleysa, waxaana loo baahan yahay in aynaan noqon “ tukihii caanaha helay ee calaf uu ku cabbo waayay”.

Ugu danbeystii wiilka wiilkiisa muxuu sameyn doonaa, xalku muxuu noqon doonaa, samaan iyo xumaan oddoraska aayuhu muxuu ahaan doonaa, S.Y.L wax dhaama ma la heli doonaa?, akhristow jawaabaha adaan kuu daayay!”.

Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

AMNI SUGID MISE UMMAD SILCIN!!??
Dhoorkii sitimaan ee ugu danbeeyay magaallada Muqdisho waxa ay ku sugneyd xaallad aan hore loogu baran oo ka duwan tii caadiga aheyd ee ay ummadda isku dhex socon jireen, xaallada cusub waxaa ka mid ah in gabi ahaanba Shacabka caadiga ah laga xiro waddooyinka oo ay si dhib ah ku maraan.

Saameynta ugu balaaran arintan ayaa waxa ay ku yeellatay Ardayda,Shaqaallaha rayidka,Dadka garab raratadda ah, IWM, cabasho aad u badan oo ay shacabka ka muujiyeen arintan ayaa waxaa dhacday in uu amar kasoo baxay Madaxweynaha Somalia mudane Hassan Sheikh lagu furay wadooyinka.

Jawiga ayaa caadi kusoo laabtay isku socodkii Shacabka ayaa tar tartiib u bilowday iyagoo si aad ah ugu faraxsan inloo furo waddooyinka, balse maalintii la furay maalintii xigtay 5/5/2013 maalin Axad ah ayaa waxaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo soo buuxiyay lala beegsaday gaari uu lahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane C/kariin Xuseen Guled oo marayay agagaarka KM4 dhanka danbe ee shineemo EKWATOORE laakiin uusan isaga saarneeyn oo wafdi ka socday sida la sheegay Dowladda QATAR ay saarnaayeen gaarigiisi iyagana aysan wax ku noqon laakiin Qaraxa uu baabi’iyay dad shacab ah & kuwo ganacsi yar yar ku lahaa meesha qaraxa ka dhacay aga gaarkeed oo u badan haween, tirada dhimashada la xaqiijiyana waxa ay aheyd 13 (sadex iyo toban) in kabad 22 (laba iyo laabatan) dhaawac oo dhamaantood wada rayid ahaa.

Intasi ka dib dowladdii ayaa afka furay oo sheegtay intaas iyo in ka badan ay maalmahihi wadooyinka la xiray ay iyada cel celinaysay oo wadooyinka xernaashadooda ay tahay Muhiim oo amniga lagu sugi karo.

Maalintaas wixii ka danbeeyay amar culus ayaa soo baxay iyadoo uu shir Jaraaid saxaafadda isugu yeeray taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Taraafikada Mudane Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) kaasoo uu ku sheegay in B/buurta Blka iyo kuwa yar yare ee raaxada aysan isku jid mari kari tasoo uu ugu dan lahaa bad baadinta shacabka oo wax yeeladda si ay u yaraato, meeelaha laga mamnuucay marista Gawarida Blka ah waxaa ka mid wadada MAKA AL MUKARAMA ee ah Wadada dheer ee aada madax tooyada, Sayidka, Hooyooyinka, Xamar Weyne, wadadaasi ayaa aheyd wadada ugu isticmaalka badan B/baaburta Blka taasoo ay si aad ah shacabka u isticmaali jireen maalinkasta iyo xili kastaba waayo faras magaallaha waxaana ka furan goobo ganacsi oo aad u tiro badan.

Run ahaantii waa waajib ka saran dowlada in ay sugto Amniga Shacabka ayna yareeso dhibaatadda soo gaareysa shacabka ama ayba hakiso hadii ay awooddo, balse anigu qaab kan umma arkoamni sugid ee waa UMMAD SILCIN, sababta aan u leeyahayna waxa ay tahay anigoon la ii arag mucaarad dowllada qoraal ku karbaashaya dhibka haatan haysta shacab oo si aad ah isu sii taraya maalinkasta waayo wadooyinka la xir xiray badankood oo shacabka laga mamnuucay maristeedii ayaa ah kuwa aysan ka maarmin maxaa yeellay dadku dhamaantii Gaari qaas ah ma haystaan oo wadooyinkaasina maristoda lagama maarmo sababtoo ah dad ayaa qaraab u doonto ama sida kale hadaan u iraahdo ganacsi waaweyn ayaa ku yaallo oo dad badan ka xamaashto.

Siyaabo badan ayaa amaanka loo sugi karaa runtii isma lihi wadada xiraanshaheedda ayaa lagu sugi karaa kaliya amni caallamka waa ka dhacaa falal shil ah waana laga hortagaa Amnina waa la sugaa balse ummadda wadooyinka lagama xiro.

Waxaana jirta maalmahan sida aan anigaba soo xaqiijiyay in ay yaraadeen ganacsiyaddii goobahasi waayo isu socodka shacabka ayaa ku yaraaday waana sidaasi oo sababta keentay in ganacsiga xayirmo waxaa arkaysaa goobihii ganacsi ee aga gaarkaasi ku yaallay oo dadkii gadayay banaanka iska fadhiyaan oo iska Hamaansanaya( HALAAQONAYA), teeedda kale Maqaayaddihi waaweynaa oo Cuntooyinka laga cuni jiray maalmahan xaafadaha ayey u qaadaan raashiinka waayo wax soo gallo oo cunteeyo maleh 1 iyo 2 maayaane oo gari ku socda.

Waxaan tusaalle ahaan kuu siin karaa aqristoo ninka degan Degmadda wadajir Xafada b/xuubey haduu kasoo baxo xaafadiisa isagoo rayid ah, ama arday haduu damco inuu aado sayidka ama aga gaarka Hotel Weheliye waa ku dhib waayo gaari shacab BL oo si toos ah halkaasi uma mari karo ma jiro.

Mida ugu sii daran waxa ay tahay oo aan la yaabay hadii aad wadada socoto oo aad aragto gaari yar oo aad gacanta u taagto kuuma istaagayo arday ahoow ama qof caadi ahooow waayo waa uu kaa shakinayaa, xitaa adiga ma damceyso inaad gacanta u taagato gaari cad qof kaliya wato waayo adigaba waad garan kartaa sabata!!! ……..

Ummadiiyoo dhan kala fiig ayaa ku dhacay oo waxaa arkaysaa check poin-iyo waaweyn oo magallada laga sameeyay kuwaasoo hadba gaarigii socda istaajita oo waydiiya ID CARD ama aqoonsi dowladeed hadii aad u yeerto adigoon wadanin oo aad tirahdo Mudane Ciyaalka xaafda ayaan ahay oo aad u dhoola cadeeso waa iska gudbeysaa hadii aad waji macbuus iska dhigtana waad iska laabanaysaa.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan ka rajeynaynaa Dowladda in ay furto Wadooyiinka si dadweynaha sixur ah u maraan waddooyinka ganacsiyadiina dib ugu soo laabtaan.

W/D Asad Abukar Cali (Asad Dhayow)

Mogadishu – Somalia

Please send your comment and your info @ e-mail asaddhayow@gmail.com

+252615507981

+252695981000

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftirka Caasimada Online

Bannaan bax, Baraare bax mise Baas Abuur? (Beel caadifad qabiil waashay)
Dadka Calooshi la ciyaar iyo ciil kama koraa ugu daran, ee ah maangaab aan war u hayn wixii la soo maray [SOOYAAL], waxa jooga [SAAKA] iyo iman doona [SIIYAALKA]. Tan dambe, waa hubaal inaan la garan karin ama la wada garin karin, haddana, murti baa leh: “Nimaan waxa soo socda garan, waxa joogana ma garto!” waxaa kaloo la yiraa: “Habartii dusheedii, degelkay ku noolayd, daruuruhu ku hooreen, daad wararac bay tiri, dadba wada hel bay tiri! Maba oga in wali Diraacdii damabyso, oo ay jiraan goobo badan oo aan wali gugucu gaarin, iska daa roobe.

Qalalaasihii Siyaasadeed ee dalka ka dhacay ka dib, waxaa hoggaanka qabtay qawlaysato qabiillo ku daaban. Dad iyo duunyo aan dan ka lahayn. Sidii loo kala irdhoobay, waxaa baahay BEELAYSI baaxad weyn. Mar ahaa ISKAASHI, mar ahaa DUULLAAN, mar kale ahaa DIIMAYSI, marna ahaa MAAMUL wadaag.

Inta laqdabada iyo luggooyada loo heellanaa marka dhan la iska dhigo, midda dhaxalgalka noqotay waa midda; iskaashiga iyo maamul wadaagga lagu saleeyey, oo noqotay furaha nolosha, deegaanno dhawr ahna lagu helay naruuro yar oo nabad iyo nagaadi ah, yeysanba buurnaane, illeen wax la’aan ayey dhaantaaye.

Dhanka kale, qofka [NINKA/NAAGTA] ka hayaamay ama ka qaxay dalkii sababta sare awgeed, ee gaaray DHUL GALBEED, oo sidaa aayan ugu yeeshay inuu helo nolol deggan, si nabad ku xamaasha, iyadoon LEEJO iyo BAAD midna la qaadayn! Ilmihiisuna fursad u heleen inay dhigtaan Dugsiyo lacag la’aan ah, ilaa heerka aasaasiga ah, intaa oo uusan haysan qofka  dalkii ku sugan ama inta haysataahi ay aad u kooban tahay.

Madaxweyne Xasan ayaa safarro uu ku kala tagay Waddammada Maraykanka iyo Ingiriiska waxaa lagala hor tagay Mudaharaadyo iyo bannaan bax. Isu soo baxyadan ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan ayaa ka kala dhacay Magaalooyinka Minnesota iyo London.

Ayaan darrada ayaa ahaa, in saddaxdaa bannaan bax ay horkacayeen HAL BEEL. Taa oo ka dhigan QABYAALAD gaamurtay iyo beelaysi aan baal la qabto lahayn. Tan kale haba lagu mudaharaadeene, muxuu ku galabsaday Madaxweyne Xasan? Weydiintaa ma filayo inay iyaba ka jawaabi karaan, aan ka ahayn in sheeko khiyaali ah loo soo meershay, ayna iska qaateen.

Anigu midda aan ku qanacsanahay aan kuu sheego, si aadanba meel dheer iiga raadin, anigu FEDERAL waxaan u aqan BEELAYSI, hadduu xal keenayana ku dhaqankiisa ayaaba lagu socdaa, ee meesha uu na gaarsiiyo aan aragno. Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carrabey:

Haddaad ficil hinnaasiday asaad, hiilin kari weyday

Ma afkaad ku hawl bixin cidlaad, ka hanjabaysaaye!

Dadkan bannaan baxayey ee Cayrta iyo camal la’aantu ka badatay ayaa ku doodayey in Madaxweyne Xasan uu ka leexday hannaanka FEDERALka [BEELAYSIGA] iyo Dastuurka. Waxaan se doonayaa inaan u caddeeyo in Madaxweyne Xasan aan lagu soo dooran FEDERAL, ee lagu soo dortay AFAR iyo BAR, taa yaa igu diidi kara?.

Si kale haddaan u dhigo, Madaxweyne Xasan waa MADAXWEYNAHA SIYAASADDA BEELAHA SOOMAALIYEED Maxaa yeelay dad badan ayaa ku qaldama oo dhaha; waxaa lagu soo doortay FEDERAL iyo Dastuur. Ma ahan saa, ee hannaanka Dawladnimo ee Soomaaliya, ayaa la isla qaatay inuu noqdo FEDERAL ee ma ahan in Madaxweynaha FEDERAL lagu soo doortay.

Haddana, saa oy tahay, beel gaara inay Madaxweyne Xasan ku mudaharaaddo xaq ayey u leedahay, oo waliba u gudbiso wixii ay ka cabanayso, ee uu ka gaabshay. Balse, midda aan is qabanayn baa ah, haddii cabashooyin jiraan runna ay tahay, maxay u dhici waysay in Madaxweyne Xasan mudaharaad loogala hor tago markii uu Garoowe la joogay Mudane Faroole? Ma dhicine, horta ma dhici doontaa?.

Dhanka kale, mudane Faroole oo sharci darro xukunka ku  haysta ayaa madaxda Dawladdu booqdeen, aan si kale u dhehee, isagoo xaruurug ah ayey nafta ku soo celiyeen, adba ka garo erayadii uu ku billaabay hadalkiisa markuu Madaxweyne Xasan la kulmay “in badan baan idin sugaynnay” waa su’aale, haddii Faroole mudan yahay taa, saw kama dhigna inaan la tixgalin rabitaanka dadka Gobolladaa dega? Kaba muhimsane, saw meel loogama dhicin axdiga Federaalka “Beelaysiga” illeen beelihii ninkaa markii hore soo doortay, maanta waxay taagan yihiin, NA DHAAF iyo NAGA HOR LEEXO!  Haddaba muxuu ka duwan yahay hoggaamiye kooxeedyadii shalayto Koofurta iyo Bartamaha jujuubka ku haystay? Illeen iyaba rabitaan dad iyo Rabbi ka cabsi midna kuma joogine.

Sidoo kale, kuwan Madaxweyne Xasan ku bannaan baxay, saw ma oga inuu beesha u joogo nin la yiraa Faroole, oo dad bannaan baxay iska daaye, DAMEERRADII xirxiray, ka gadaal markii gibilka looga buufiyey magiisa, illeen isagaa xilka xaqdarro iyo xilkasnimo ugu darsaday sanade, saw ma mudnayn inay kaa mudaharaadaan? Mise isaga waa laga baqayaa? “Nimaan nixin waa loo naxaa!”

Ha moogaan dadkii ku mudahaaraday Madaxweyne Xasan waxaa ka mid ahaa dad ka soo jeeda deegaanka Waqooyi Bari ee uu horjoogaha ka yahay mudane Faroole. Sidoo kale, dad ka soo jeedo Gobollada Jubbooyinka, oo maxaa u diiday inay ku mudaharaadaan Wafdiyadii isaga daba maray Gobolka ee Dawladda ka socday, ayna ugu muhimsanaayeen Mudane Saacid R. Wasaaraha iyo Guuleed Wasiirka Arriimaha Gudaha? Iyana ma dhicin.

Qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu cabbiro aragtidiisa, si nabad galyo ah, haddana, ayaandarrada baa ah, marka ay aragtidaadu dhafi wayso JUFO iyo JILIB ka tirsan BEEL! Maxaa yeelay waxay muujinaysaa inaan wali loo bislayn DAWLADNIMO iyo DANWADAAG, ee uun wali dabada la hayo Qabyaaladdii dalkan burburisay, ee sabab u noqtay rididdii KALI TALIYE Maxamed Siyaad barre, dalkana soo galaan Jabhado ku daaban Xabashi, iyo inuu dillaaco dagaalkii sokeeye, ee ay dartii dalka uga soo carareen kuwan maanta bannaannada ku mudaharaadaya.

Intii aan fiirada ku hayey dadka Mudaharaadaya, ayaan waxaan dhawr kol is dultagay qoraallo sheegaya in qoloba maalin mudaharaadayso, iyagoo doonaya inay naga dhaadhiciyaan inay la mid yihiin mudaharaadyadii looga soo horjeeday Xabashdida iyo C/laah Yuusuf ee dhacay sanadihii 2007/2008. Waana midda igu dhalisay inaan qormadan qoro, illeen waxaa ii soo baxay in wax badan la is dhex galinayee.

Ugu horrayn, anoon ahayn afhayeenka iyo warcelliayaha Xasan Sheekh ama dawladdiisa, ayaan doonayaa inaan xoogaa Sooyaalka la dhaamayo aan ka dhawro, dhawr qodobna aan qeexo, si aan la isugu maldihin kala duwanaashaha labada bannaan bax, waxay ku kala gaddisan yihiin:

-          Bannaan bixii 2007/2008 Soomaali baa u dhammayd, marka laga reebo in yar oo Madaxweyne C/laahi Yuusuf ku hayb ahayd ama dhuuni iyo hunguri u geeyey. Halka mudaharaadyadan ay yihiin beel qura. Odoyaal, Culmo Aw Diin, Waxgarad, Aqoon yahanno, Haween Dhallinyaraba IQB. Bal adba xasuuso magacyadan: Ilama Samatar [Axmed iyo Cabdi], Prof Cali Khaliif Galayr, Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, Maxamed Cismaan, Maxamuud Axmed Nuur Tartan. ee beel walba leh, hal ujeedna lahaa.

-          Labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo C/laahi Yuusuf, aad ayey kula fog yihiin. Midi dagaal ooge ayuu ahaa, isagaaba qirtay ee ma ahan wax aan anigu u dhahayo, wixii naf iyo maal baxay 2007/2008  isaga ayaa eeddeeda iska leh. Halka Xasan Sheekh uusan dagaal sokeeya ka qaybqaadan inta la og yahay, wixii qorsoon sooyaalka ayaa soo bandhigi doona. Sidoo kale, wuxuu u taagnaa dhisidda xarumo Waxbaarsho.

-          Bannaan baxa 2007/2008 wuxuu ku wajahnaa Xigaalada Xabashida ee uu matalayeen; C/laahi Yuusuf, Geeddi, Salad Cali Jeelle, Maxamed Dheere, Gacma Dheere, Yuusuf Azhari, Xuub Sireed IWM. Halka kani aan la garanayn qofka iyo waxa uu lidka ku yahay marka laga reebo ku halqabsiga Xasan Sheekh, maadaama uu madaxweye yahay.

-          Waxaad xasuusataan C/laahi Yuusf intii Jawhar iyo Baydhabo uu martiga ku ahaa, ee uusan Xabashida keensan inaan qofna ku mudaharaadin. Maxaa yeelay dadka qaba ama leh bannaan baxa wuxuu salka ku hayey QABIIL, waa beenaalayaal aan bayd ka jirin warkoodu, hadday saa taahy maxaa loogu bannaan bixi waayey sanadihii 2004/2005/2006 oo uu Madaxweynaha ahaa?

-          Intii bannaan baxa ka dhigtay Qaaradda Yurub oo dhan, Maraykanka, Aasiya, Australia iyo Afrika ma waxaad na leedihiin qabyaalad ayaa dabada ka riixaysay sida kuwan oo kale? Idin kama siisan, maxaa yeelay waxaad dhaawacaysan quluubta inta Soomaalinimadu ku jirto, ee bannaanka qabowga badan ama qoraxda kululi ka jirto u taagnayd qaddiyad Soomaalinimo iyo dhulkooda oo lagu soo xadgudbay. Way ku jiri karaan kuwa qabyaaladi wadday, balse, fadlan ha caam yeelina adoo raalli ah, waxna iskula hara.

-          C/laahi Yuusuf meesha uu taariikhda uga jira qof walba ayey u muuqataa, laga soo billaabo 1976 ilaa siyaasadda isagoo taagan Hool Garoon diyaaradeed xilka tiri lagu yiri, wanaag ma samayn Soomaalina isuu sii kala fogeeyo ma ahane isuma soo dhaweyn, kaba garo wixii uu falay 2007/2008 ee sababay mudaharaadyada maanta la haraysanayo iyo inuu yahay ninkii Xabashi Xamar keenay.

-          Maalintii kale ee Xabashi dalka soo gashay, ee laga wada aamusay, waxaan qoray labadan qormo ee kala ah: “Xadgudubkii Xabashida Shalay iyo manta” iyo “Tarzan: Tallaabadii shalay iyo Taagsiga maanta” haddii laga aamusay anigu kama gaabsan, ee bannaanka ayaan mar kale soo dhigay.

Haddaba, kuwa Cayrta ku dibbiray, ee Caajiska iyo camal la’aanta daaraha ku hayso, ee ujeedkoodu ahaa, inay soo luga baxsadaaan, jimicsigoodu yuusan noqon inay colaad huriyaan, maxaa yelay Waalidka jooga Garoowe iyo Kismaayo ee shan carruurihi biil ka sugayso tabar iyo xoog uma hayo inuu bannaanada ka qaylqaliyo dan la’aan.

Kaba muhimsane, Waalidka uu wiil ama gabari Jaamacad u dhigato, ee waddankii jooga, waqtiga uma hayo inuu bannaan cidla ah naxli iyo naanuus isla taago, illeen wuxuu ku xisaabtamayaa waa daqiiqade iska daa saacade, sii uu u helo dhaqaale uu ilmihiisa Jaamacadda uga baxsho.

Marka waxaan dhihi lahaa kalka dambe, marka aad isu soo baxaysaan, ujeedka runta ah caddaysta, dadkana ha u been guurina, illeen dad badan uu ku sirma kara ayaa jiree. Haddii aad adigu caawa wax aad cunto haysato, oo aad awooddo inaad bannaanada taagtaagnaato, waxaa jira kumannaan uu dabka ka dansanaa cawooyin, ee kuwaa qaylo iyo or wax u qaban maysee, bal wax iskula hara. Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carrabeey:

Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, halaca aad oogin

Halla kuma gureyside dadkaad, ku hawiraysaaye

Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi, halaci Naareede

Bannaan baxa Muqaddaska ahaa, ee la qariyey wuxuu ahaa, kii ka dhanka ahaa Mudane Geelle Madaxweynaha Jabuuti, ee doorasho walba ku guulaysta, sidii inuusan lahayn Mucaarad. Kaba darane, waxaa u xiran Siyaasiyiin, Culumu Aw Diin, Aqoon yahanno iyo Wax garad ka dhiidhiyey xukunka uu ka dagi la’ yahay.

Ugu dambayn, xasaraddu inay dhammaato danta koowaad waxay ugu jirtaa idinkan bannaanada qablaayada la taagan. Maxaa yeelay idinka ayaa DHUL GAALA jooga, ilmihiinana faraha ayey ka sii baxayaan. Marka laba mid kala doorta; inaad idinku colaadda sii hurisaan, haddana aad tiraahdaan dhulkaan Gaalo ilmihii ayaa nooga hallaabay, ama inaad nabadda iyo wada noolaashada ka qaybqaadataan, si aad dhawaan ugu laabataan dhulkiinnii hooyo.

Labadaa kala doorta.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftirka Caasimada Online

Dawladnimo yaa geya, caddaaladna fali kara, ma M/weyne Xasan mise….?
Shir ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan bulshaweynta Soomaaliyeed ee deggen magaalada London dulucdiisuna aheyd soo dhaweynta G/Sare Cali Shiikh Siciid Mire (Jacjac) iyo siduu xog uga siin lahaa Soomaalida xaaladda wadanka meesha uu maraayo, maadaama uu goor dhow ka soo laabtay, waqti badana uu arrimaha Soomaaliya ka shaqeynaayay, ayaa waxaa lagu falanqeeyay sababta wadanki maamul ahaan isu raaci la’yahay, meesha isfaham xumida ka jirto iyo ma shacabkaan arkin ama aan kala saari karin shaqsiga waxqabad muuqda qabtay iyo kaan qaban mise xanuunka ninka kula heybta ah kuu geysto waxaa ka xanuun badan wanaga kan kaa heybta duwan kula doono?

Wuxuu matal u soo qaatay Madaxweynaha Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, kuna tilmaamay inuu yahay shaqsi hadaladiisa iyo habdhaqnkiisu aan marnaba israacin, carabkiisa waxaa ka soo dhaca waa macaan wadaniyad iyo jaceyl Soomaalinimo huwan, igamana aha xumo gaar ah aan shaqsiyan ugu dan leeyahay, waayo wareysi idaacadaha hore aan u siiyay ayaan ku sheegay in la toosiyo qaladka ka jira maamul u sameynta Jubbooyinka oo aniga aan ka soo jeedo, sidaadarteed,qofki qaladkaaga kuu sheego waa shaqsi jecel wanaagaaga, waxaan Ilaah hortii la tegi doonaa inaan marna ka leexan toosinta iyo ilaalinta danta guud, reer ama shaqsi Soomaaliyeedna aan xaqooda la duudsiyin ileyn waxey noqon dhib qofkastaa mardambe gurigiisa ugu soo gasho, waana sababta weli aan la burbursanahay, garana la’anahay badbaadinta danaha guud iney ku jirto tan gaarahaaneed.

G/Sare Cali Shiikh wuxuu yiri, Ingriiska wuxuu yiraahdaa,”Charity begins at home” marka, Madaxweynaha Xasan Shiikh hadalada uu ku soo celceliyo waxey tahay, Dhibka Soomaaliya jiraa inuu sal u yahay cadaalad darro, haddaan la xalin arrinkaana aan xal waara laga gaari karin wada noolaaanshaha guud ee shacabka soomaaliyeed, isagooo matal u soo qaatay, dadka shabaab raacay waxa ku qasbay ay tahay godob tirsi ama ciilis la ciilay, rabaana iney ka gutaaan qaar ay dakano ka tirsanyeen una awood sheegtay ayna dareensan yihiin iney xaqoodi duudsiyeen. Madaama Madaxweynaha indhihiisu xaqa saa u arkeen, maxaa diiday inuu ka bilaabo rugta uu fadhiyo xaqduudsiga ka jira, inta uusan shacabka intiisakale xaq u raadin ileyn haddii meesha kuu fadhiga ah aad qaldkeeda sixi weydo ma garan karo meesha ay cadaalad ka bilaaabato, bal dhowr dhacdo aan hadalkeyga ku kaabo ayuu yiri sarkaalka, Dadka Xamar asal ahaan ka soo jeedo waxaa loo diiday in lagu qadariyo mas’uuliyadda Caasimadda, markaas ayaa la dulsaaray nin Hiiraan ka yimid, haddii madaxdi garanweyday, kii la siiyay garasho waa tusiweyday inuu yiraahdo maya walaalkey baa iga leh, balse wuxuuba ilaaway sababta kursiga loo siiyay.

Gobolka Shabeelada Dhexe iyadana Shaqsi aan mudnaanta laheyn ayaa la dul dhigay dadkii mudnaanta lahaa, weliba Madaxweynaha ku garab siiyay inuu weeraro Degmada Balcad Gudoomiyaheeda oo hore xaqa dadkiisa Xamar lagu duudsiyay, waxaa boob lagu hayaa dhulki xeebaha ahaa oo Lido u horeyso, waxa la qeybiyo kabiinooyinki goonida loo lahaa iyo kuwi dawladda laheydba, lana siiyay dad gaar ah iyo hay’ado maslaxado gaar ah ku xiran, Dhulki keydka ahaa ee caasimadda laheyd ayaa boob lala galay, waxaana lug xoog badan ku leh Shirkad uu Madaxweynaha laftiisa uu qeyb ka yahay lana yiraahdo (KULMIYE), Shabeelada Hoose dadkooda weli waa dhibtoonyihiin, dhul beereedki iyo guryihi magaalada lakala heystay waxba lagama qaban, farasmagaalki Caasimadda oo isdhexdaadsan ayaa boosas bixin cusub socotaa, Xamarweyne guryihi ku yaalay iyo meelahi banaanaa ayaa dad la siinaayaa, dadki deegaankana maalin kasta ay ka banaan baxayaan.

Haddaba Mdaxweyne Xasan Shiikh siduu ugu sheegi karaa Soomaalida kale inuu yahay nin raba in Soomaali uu Cadaalad ka simo, Hogaanimada maaha in ajnabiga ku yiraahdaan waad fiicantahay, shacabkaad magacooda huwaneydna cadaalad darro kaa tirsadaan, waxaa kale oo yaab leh ayuu yiri, in reerka uu ka soo jeedo u diiday iney ka mid noqdaan xukuumadda, una sheegay in mansabkiisu ku filanyahay, saasna ay tahay cadaalad fahamkiisa, wuxuu weydiiyay dadki shirka ka soo qeybgalay in xaqooda ay wadanka ku leeyihiin qof dhihi karo ka oomanaada anaa idiin wada hayee, waa caqli noocee ah?, Digil iyo Mirifle meeshuu kala dhacay waa lawada ogyahay, xitaa waqtiga xasaasiga ah wuu garan waayay bixinta mansabka siyaasadeed, Hiiraana waakaa ka abuuray deggenaan xumo iyo hoos hadal ka bilowday..

Sarkaalka wuxuu soo qaatay matal kale oo caksi ku ah, isagoo yiri siyaasadda duuban ee Soomaalida lageliyay inta badan waaqicga waa ka indhala’yihiin, waayo Madxweynaha Puntland hadal macaan loogama baran laakin waa ka xaq ilaalin badanyahay Madaxweynaha federalka, waayo dhulkuu ka taliyo marna Degmo nin aan u dhalan uma magaacaabin, xuquuqda dadka deegaankana aad ayuu u dhowraa,wuxuu abuuray maamul isheysta, wuxuu xaqiijiyay laga bilaabo maamulka ilaa ciidanka in uusan nina waayin mushaarka uu ku shaqeeyo dhamaadka bisha, wuxuu iska ilaaliyay inuu dagaalo ku xaliyo xurgufaha ka jira xuduudaha Puntland iyo gudaheedaba, wuxuu soo saaray siyaasadda dawlad goboleedka Puntland saaxadda caalimiga ah, wuxuu la dagaalay fadlanti lagu gurtay xoolihi maamulka, shacabka intiisa badana ay ka gaajeysnaayeen, wuxuu abuuray mashruucyo baahsan oo gaaray deegaanada Puntland taasoo u keentay Shacabka reer Puntland fursado shaqo, wuxuu xaqiijiyay Nabadda qofka muwaadinka ah ee deggaan rasmiya ku leh iyo kan qaxootiga ku jooga, waxaa iga tala ahaan laheyd inuusan isu arag oo keliya nin mas’uuliyad ka saarantahay qeyb ka tirsan Soomaaliya ee uu dareemo Soomaaliya inuu leeyahay, wanaagaana gaarsiiyo wadanka oo dhan. waxaa kaloo amaan mudan habka loo ilaaliyay dhismaha caasimadda dawlad goboleedka Puntland iyo sida taxadirka leh ee balaarinteeda loo qorsheeyay.

Madaxweyne Silaanyo waxaan ku tilmaami karaa nin carqaldeeyay deggenaanshihi hortii jiray, ku xadgudbay dhowritaanki dadka deegaanka iney iyaga isxukumaan waayo guud ahaan Awdal wixi ka dhacay weliba gaar ahaan Seylac waa qodob cad oo ka horimaanaya mabda’i ay Somaliland sheegatay iney kaga go’day Soomaali inteeda kale, isagoo qaldkaa maldahayana wuxuu bilaabay magcaabis gudoomiyayaal gobolada Somaliland uu isu dhaafinaayo qabaa’ilka. Marka laga reebo shacabka waxa ay dhisteen, dawladda canshuuraha ay qaado wax horumar bulshadeed ah oo lagu qabtay ma jirto, Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, muujinti dareenkooda ee aaya katalinta mustaqbalkooda wuxuu ku muquuniyay awood ciidan oo aheyd xanuunki Somaliland ku dhalatay in loo isticmaalay awood ciidan, isagana taariikhdi uu ku celiyay, kufsiga waa wax iska caadi ah.

Waxey ila tahay buu yiri Sarkaalka, Soomaalida iney ka fikirto mustaqbalka fog iyo daryeelka jiilalka danbe, dhaxalna u reebaan, iskana deyno tolnimo tuugeedka aan tagoogaha uga jabnay, garabna aan siino kii waxqabad muuqdo qabtay ama aan ku tuhmeyno inuu qaban karo, dawladnimo kii gartoo geya aan siino.

G/Sare Jacjac guud ahan wuxuu kula taliyay Soomaalidi ka soo qeybgashay shirka in wadjirkooda dhibta ay kaga bixi karaan, cadowgoodana kaga baqan karo, laakin tafaraaruqeena wuxuu yiri waa waxa meel aan mansabkeena aheyn na dhigay, qabiil la noqo kii kula fahma in aad doon wada saaran tihiin ee xaqa walaalnimo aad ku leedahay adoon weydiin ku siiyaa. Wuxuu xussusiyay Soomaalidi shirka ka soo qeybgashay kuna soo gabagabeeyay hadalkiisa maanso uu tiriyay Abwaan Maxamed Xaashi Gaariye AUN,

“ABKUU DOONO HA SHEEGTO’E

WUXUUNBAA EHEL II AH

DAD NINKAAN AF-AQAANEE

SI WAX IILA ARKAAYEE

NA MIDEYSO UJEEDDO.

W/Q: Elmi Guleed

warsame114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda Tifaftirka Caasimada Online

XOG iyo GORFEYN: Godane oo aaday halkii laga filayay meel aan ahayn
Hoggaamiyaha al-Shabaab oo fariintiisi ugu dambeeysay ee maqalka ahayd ka war-wareegay in uu uga hadlo dhalleecaynta loo soo jeediyay

Markii uu soo baxay hadalka ah in hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu farriin maqal ah usoo diray taageerayaashiisa 4-tii Maajo, dadaka qaar ayaa filayay in uu kaga hadli doono qaddiyadaha khilaafka ah ee hareeyay hoggaanka kooxda.

Balse Godane, oo sidoo kale loo yaqaano Mukhtar Abu Subayr, ayaa ka war-wareegay in uu ka hadlo eedeynta iyo mucaaradada sii kordhaysa ee uu kaga imanaysa xubno ka tirsan hoggaanka sare ee al-Shabaab, isaga oo sidoo kale ka fogaaday in uu sharraxaad ka bixiyo guul-darrooyinka militari iyo dib-u-dhacyada siyaasadeed ee ay kooxdu la kulantay labadii sano iyo barkii lasoo dhaafay.

Taa beddelkeeda, Godane ayaa jeediyay farriin uu goor iyo ayaan ku cel-celiyo — isagoo ku boorriyay dagaalyahannada daacadda u ah in ay sii wadaan dagaalka kadhanka ah xukuumadda Soomaaliya, kuna dhaleeceeyay dowrka ay reer Galbeedku ku leeyihiin Soomaaliya, xukuumaddana ku tilmaamay in ay xulafo la tahay gaalo — isaga oo aan xittaa iskuma dayin in uu mideeyo, uuna dajiyo cabsida kadhex jirta ciidamada lugta ee kooxda.

“Waxaan u hambalyaynayaa shuhaddada qaadday weerarkii ismiidaaminta ee Muqdishoee noloshooda u huray in shareecada Alle la hirgaliyo oo la tirtiro diinta gaalada,” ayuu Godane ku yiri farriin maqal ah. “Kordhiya howlgallada shahiidnimada, badiya weerarrada, ku beegsada saldhigyadooda, qaraxyana ku curyaamiya.”

“Shirka London waa shirqool kadhan ah shacabka Soomaaliyeed, waana in aan ka taxaddarnaa [in aynaan ku dhicin],” ayuu ku daray.

“Ka hoggaamiye ahaan, Godane marnaba ma qiran doono khilaaf jira, maxaa yeelay wuxuu doonayaa inuu wadajir mala-awaal ah muujiyo,” ayuu yiri Cabdi Caynte, oo ah agaasimaha xarunta saldhiggeedu yahay Muqdisho eeMachadka Daraasaadka ee Heritage (HIPS).

“Godane waa siyaasi,” ayuu u sheegay Sabahi, isagoo alleefaya sida hoggaamiyaha al-Shabaab uu u qarin doono xaqiiqda si uu u xijisto awoodda.

Godane oo dhan walba laga soo weeraray

Mid kamid ah qaddiyadaha xasaasiga ah ee uu Godane uga fogaaday in uu uga hadlo farriintiisii maqalka ahayd ayaa ahayd kala qeybsanaanta adag ee muuqata ee kala dhexeeysa hoggaamiyayaasha kale ee al-Shabaab kuwaa oo todobaadyadii la soo dhaafay dul dhigay eedeymo tira badan oo isaga looga soo horjeedo.

Abriil 6-deedii, ayuu mid kamid ah aasaasayaasha al-Shabaab Ibrahim al-Afghani u diray warqad furan hoggaamiyaha al-Qaacidda Ayman al-Zawahiritaasoo bannaanka ku u soo saartay eedeyn adag oo kadhan ah Godane, waxa uuna al-Qaacidda ka dalbaday in ay soo fara-galiso arrinta ayna al-Shabaab ka badbaadiso “godka mugdiga ah”.

Al-Afghani, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad, oo sidoo kalena loo yaqaanaa Abu Bakr al-Zaylici, ayaa warqadda ku faahfaahinaya sida Godane uu noqday kaligii taliye, isagoo abuuraya xaalad fikrado maran ah, isagoo qof walba oo isaga wax waydiiyana ku tilmaamaya khaa’in.

“[Godane] waxa uu leeyahay xabsiyo qarsoodi ah, oo qofkii gala aan waligii dib loo helin kuwa ay u suuragasho in ay kasoo baxanna waa kuwo ay nolol cusubi u bilaabatay,” ayuu yiri al-Afghan. “Ma ahan kaliya in la beegsanayo kuwa diida dulmiga iyo dullaysiga, balse wax fursad ah lama siiyo waxana laga xarrimaa xuquuqda ugu yar ee nolosha, iyagoo looga tagaa keeynta iyo libaaxyada si ay geerida aayar-aayar ugu arkaan.”

Labo todobaad kadib, hoggaamiye sare oo al-Shabaab ah oo dagaalyahanada ajaanibta la jaal ah, al-Zubayr al-Muhajir, ayaa internerka ku daabacay warqad furan oo uu isagu qoray, isagoo ku celiyay farriintii al-Afghan, faah faahinna ka bixiyay sida Godane uu isaga ihmaaliyay dagaalyahanada shisheeye ee dalka jooga iyo isaga oo ula dhaqmay si ixtiraam la’aan ah.

“Adiga [Godane] waxaad xirtaa qaar kamid ah dagaalyannada shisheeye iyadoon wax dacwad ah lagusoo oogin, umana sheegtid qoysaskooda ama walaalahooda halka ay ku dambeeyeen ama xaaladdooda. Waxad xarimtaa in ay cidina soo booqato waxanad u diiddaa in ay si furan loo maxkamadeeyo,” ayuu qoray al-Muhajir.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay mas’uuliyiinta ammaanka al-Shabaab in ay kufsadaan xaasaska dagaalyahannada shisheeye ee aada furimaha dagaalka.

“Qaar kamid ah ajaanibta waxaa lagu jir-dilay xabsiyadaada qarsoodiga ah ilaa ay ka dhintaan, maxkamadna sooma aadan saarin xubnahaaga ammaanka ee jariimooyinkaa gaystay,” ayuu qoray al-Muhajir.

Isagoo xaaladda kusii xumeeyay Godane, ayuu Omar Hammami, oo ah jihaadiistaha u dhashay Mareykanka ee loo yaqaano Abu Mansour al-Amriki, waxa uu ku eedeeyay in taageerayaasha Godane isku dayeen in ay khaarajiyaan fiidnimadii 25-kii Abriil.

Iyagoo taa ka jawaabayay, ayay al-Afghani, al-Muhajir, iyo hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo hoggaamiyaha Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxay 30-kii Abriil si wadajir ah u faafiyeen fatwo ay ku xaarantimeeynayaan dilka al-Amriki.

Fatwada ayaa al-Amriki iyo taageerayaashisa ku sheegtay “walaalo” ayan bannaaneeyn in dhiiggooda la daadiyo “xitaa haddii uu Godane amro”.

Fatwadu way sii socotay iyada oo ka digtay “addeecidda indha la’aanta ah” ee Godane laga qaadanayo, waxaana lagu sheegay isku dayga dilka al-Amriki iyo taageerayaashiisa “qar iska tuurnimo ka dhalatay jahli fogaaday, ama natiijo laga dhaxlay is-daba-marin lagu sameeyay mafaahiim sharci ah iyada oo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo in lagu gaaro dano shakhsiyadeed kuwaa oo aan wax shaqo ah ku lahayn sharciga Alle”.

Haddii wararka aan la xiqiijin ee tilmaamaya in dagaalyahanno daacad u ah Godane ay dileen al-Amriki 7-dii Maajo ay run yihiin, hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab waxa uu si muuqata uga talaabsaday fatwadaan iyo kuwa soo saaray.

Aamusnaanta Godane waxa ay sii fogeeynaysaa xasaradda gudaha ka jirta

Istiraatijiyadda Godane ee ah in aan laga hadlin dhibaatada hadda jirta ayaa waxaa ka dhalan kara khasaare dheeri ah oo soo wajaha taageerada maleeshiyada, sida uu qabo Cabdiraxmaan Ciise Caddoow, oo ahaan jiray af-hayeenka Midowga Maxaakimta Islaamiga, haddana ah agaasimaha Raadiyoo Muqdisho.

“”Kaligiitaliyayaasha waxaa lagu yaqaannaa in marka dhibaato gudaha ka haysato oo laga soo horjeesto ay dadka ku mashquuliyaan, waxyaabo aan meesha oollin si ay u qariyaan dhibka haysta,” ayuu Caddoow u sheegay Sabahi.

“[Godane] waxa uu sii wadaa in uu marin-habaabiyo [taageerayaashiisa] isagoon ka jawaabaynin xaqiiqda dhulka ka jirta,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in hadalkiisa aanay ku filnayn in uu qanciyo dadka isaga sugayay.

Farriinta maqalka ah ee muddada la sugayay ee Godane ka timid malahan aaraa cusub, iyo dhiiragin ku socota askarta al-Shabaab, ayuu yiri xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar, oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii Federaalka ee Kumeel-gaarka ahayd, guddooniye kuxigeenna kasoo noqday Midowgii Maxaakimta Islaamiga. “[Godane] markii horaba isaga ayaa dhibka ugu badan waday, tanina waa nooc kale oo awood maroorsi ah”.

Sidaa oo ay tahay, al-Shabaab ayaa wali khatar ammaan ah taasoo wiiqi karta horumarka ay xukuumaddu samaysay labadii sano ee lasoo dhaafay.

“Al-Shabaab [urur ahaan] waa murgacdeen ee majabin,” ayuu yiri Caynte, oo ah agaasimaha HIPS. “Wali waa cudud jirta oo awoodda inay wax xanuujiso, mustaqbalkeedu waa inay noqotaa koox qaadda dagaal aan fool-ka-fool aheyn oo ujeedadiisuna tahay in wax la carqaladeeyo.”

“Mudada fog, [al-Shabaab] waxaa ka guulaysan kara ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo tayo iyo awood isku darsaday, lehna talo iyo hoggaan hufan”

Isha: Sabahi Online

Shirkii London: Timirtii Horeba Dab loo Waa !! W/Q: Amiin Khasaaro
“….. waxaa Dalka Belgium lagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif, Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso”….

Odey Dhaqameeed aan isbar Garaneyno ayaa markii uu Saakey Waagu baryey hadal hayanta ugu badana ay tahay Shirkii Magaalada London ayaa iska hor nimid waxaan weydiiyey sida uu arko Qaaraan loogu yaboohay Dowlada Soomaaliya ee Shirka London waxaana uu yiri “Saaxiib Weliga Qaaraan Tolkaada ma ka aruurisey” markaas baa iri maya weligeey Qaaraan kama aruurin waan maqli jirey” inta Qosley buu yiri” Shirka London Maandhow waxba kama Duwana Qaaraanka aad Maqli jirtey”markaas baan iri” Maxaa ku jaban waa Howl aad u sahlan” waxaa uu yri” Shirweyne Qaaraan lagu ururinayo Tolkaada isugu yeer adiga ayaa ogaan doono in uu ka Duwan yahay Kan London iyo in kale.wuxuuna ii Sharaxay sida Tolka Qaaraanka u ururiyo.

Inta uu Tolka fadhiyo nin weliba gacanta intuu taago ayuu Lacagtii yabooha ku dhawaaqaa halkii baa Faataxada lagu marayaa, markii uu dhamaado Liiska Magacyada Qaaraanka isku darka Lacagta la yaboohay ayaa halkii baa lagu kala dareeraa, maalin ama laba ka dib waxaa bilaabanaya aruurintii Qaaraanka oo markii hore si istus Tus ah la isugu Qorey Tusaale markii aad u tagto kii ugu Tunka weynaa waxaa uu ku leeyahay Beri ii soo laabo maanta wax ma hayo , markii aad maalin kale ku laabato waxaa uu ku leeyahay weli lacag ima soo gelin maalin kale ha la ii yimaado markii ay Kabaha kaa Dhamaadaan ayuu marka u dambeysa ku leeyahay Saaxiib intaan baa hayaa ee iga qaata , markii aad weydiiso war intaa kuuguma Qorneyn ee sidaa wax u jiraa buu kuugu soo koobayaa war maalmahan Shiid baa la ahaa ee intaa ma qaadaneysaan, Aniga Tolkaan Lacag kaala qaadayey ee meesha wax kale uma tagin Odeygii Qaaraanka ururinayey waxaa uu ku qasbanaanayaa in uu intii ka qaado , maxaa moodeysaa kuwii kale ee iyana liiska ku jirey ee sidaan oo kale loogu Dhibtoodey waxaa Xaqiiqo in markii Sadex Meelood lacagtii Qaaraanka loo qaybiya Xitaa ma soo Xaroon Hal meel ,marka Shirka London waa uun Qaraankaas Tolkaada ka aruuri lagu yiri .mar mar waa jirtaa in si deg deg loo ururiyo Qaaraanka Tolka waa markii Dano Beeleed ay jirto , sidaa darteed maanta ma jirto Dowlad Dano kaa leh waana mid aad u yar .

Nin baa hadda Kor Magaalo u soo safrey markaas ayaa waxaa dhacdey in markii uu laabanayey la siiyey Xoogaa Timir ah , halkii buu ka Caraabey waxa uu sii socdo waxaa ku degey reer , waxaa Derin loo dhigey Ardaaga hore halkii buu cabaar ku Nastey , markuu Cabaar fadhiyey ayaa reerkii uu martida u ahaa waxay u keenaan Timir aad buu u yaabey waayo ninku ma aqoon Timrta oo in sideeda loo Cunno oo ma garaneyn , inta ka jaf jaftey Buu yiri “TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA”.

Hadalkaan ka soo yeerey Ninkaan wuxuu Noqdey Murti ma hadho ah,marka Shirka London waa Timirtii hore dab loo waa , waxaa Dalka Belgaum lagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo Xiligaas ku jirtey Colaad, Abaar iyo Cuduro, waxaana Qaaraankas Gacan taagiisii hore uu noqdey in lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar ,waxaa dadka Soomaaliyeed isla dhexmareen in Soomaaliya markaan uu Caalamka u soo jeestey. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso” marka waa Qaaraan Afka Baarkii ah.

Qaaraanka hadda Dowladda loogu yaboohay ee Shirka London waxaa uu la mid yahay mid aan ka duwaneyn kuwii ka horeeyey ama reer Galbeed balan qaadeen, ama Carab ha Balan qaadeen ama Afrikaan , marka waxaa la dhihi karaa waa Qowda Ma Qashii waxna ha u Qaban waayo Soomaaliya oo Xaaladda Hada ay ku jirto mid ka sii daran ku jirto ayaa waxa loo qaban waayey , waxaana wax ka weydiiyey Arrimaha Qaaraanka ee Beesha Caalama Siyaasi ku xeel dheer arrimahaas waxaana uu yiri” Waagii Dagaalkii Qaboobaa ee ay jireen Isbahaysiyada Dowladaha Caalamka Balan qaadkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan loolan loogu tartamayo sidii loo heli lahaa ama loo kasban lahaa Dalalka Caalamka , haddi taasi ay maanta jiri lahayd waa laga yaabaa in inta badan uu soo Xarooda Qaaraanka , marka maanta taasi meesha waa ka baxdey oo Cid la Isbahaysanayo ma jirto marka Qaarankii wuxuu ku soo ururey Afka Baarkii , waxaa laga yaabaa in Xoogaa ay soo Xarooto oo Sandareerto ah taas oo lagu bixinayao Siyaasada wax reer Galbeedka ugu yeereen La Dagaalanka Argagixisada,markii ay jirtey Dowladii Milatariga uuna jirey Dagaalkii Qaboobaa Dowladaas Kaalmada ay heli jirto waa Tartankii Xodxodashada is Garabeysiga waana mida ay ku heshey Mashaariic sida Wadooyin Isbitaalo , Qalabeyn Ciidan iyo Mashaariic Ciidaa ka badan ,Marka ninkii is lahow Lacag baa soo socota Candhuufta Dib u liq .

Isku soo duuboo Shirkii Londan waxaa lagu tilmaami karaa Qaraankii Tolka laga aruurinayey oo Aakhirkii ay soo Xarootey Lacag aad u yar markii ragii Tolka ugu Tunka weynaa ayey ka baxeen balantii ay qaadeen oo markii hore u jeedkiisu ahaa Tolka iska tiiri oo yeysan Dul duleelo kaa heli Ragga kale ee Tolka ku jira , waxaana maanta Ceeb ah adiga oo maanta Allla isku kaaga darey Beero, Xoolo,Bad iyo Macaadiin in Qaaraan laguu Ururiyo ayna kuugu Yaboohayaan kuwa aad kaa Liita oo aan haysan waxa Alle kuugu Maneystey oo welibana ay u sii dheer tahay Muslinimada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftirka Caasimada Online