Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Diinta iyo Aqoonta

Da’da 40-aad iyo Mucjisada Qur’aanka (Maxay gaaladu iminka ogaadeen?)
Daraasad British ah ayaa dhawaan iktishaaftay natiijada baxthi cusub oo lagu sameeyay xagga maskaxda. Daraasaddan ayaa lagu sheegey in maskaxdu ay korto illaa uu qofku ka gaadho da’da 40-aad, dabeetana ay maskaxdu dib u gurasho samayso wixi intaa ka dambeeyo. Waxay kaloo xuseen khuburrada iktishaaftay natiijada baaritaankani cusub in maskaxdu ay tahay halkii ugu sarreeyey marka qofku uu jira 40 sano, taasoo wixii intaas ka dambeeyo ay dib u gurasho samayso illaa uu qofku gabow ka gaaro.

Waxaa haddaba is xasuusin mudan in nebi Muxammad (NNKH) risaalada waxyiga markii lagu soo dejinayay uu jiray da’da 40-aad, taasoo ina tusineysa xikmadda Rabbaaniga ee arrinkaasi ku jira. Waxaa kaloo cajiib ah in arrinka ay immika daraasaddani ka warramayso uu Quraanka kariimka ahi ka warramay 1400 sano kahor, markuu Allaah kor ahaaye uu yiri

(حَتَّى إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ) [الأحقاف: 15]

”Illaa uu gaadhay xooggiisa (xag jireed iyo xag maskax), oo uu gaadhay afartan sano, markaasuu yiri, Rabbigayoow!! iigu kaalmee inaan ka mahad naqo nimcadaada”. Al Axqaaf: 15d.

Su’aasha meesha taallaahi ayaa waxay tahay, sidee baa Muxammad (NNKH), oo ummi aanan wax qorin, wax qoranna aanan aqrinin uu jeebkiisa uga keeni karaa cilmigan tilmaamaya in xoog jireedka iyo maskaxeedkuba ay ku taam noqdaan da’da 40-ka, sidoo kalena tilmaamaya in da’da 40-ku ay tahay midda kala soocda labada quwad (koridda iyo degidda/daciifidda)?

Ma dhici karto inuu nin aanan waxba qorin, waxna aqrinin, misna joogay cahdi jahli badan, oo ku dhex sugnaa Carab oo dadka ugu jahlisanayd inuu keeno daraasaddan cajiibka ah ee immika uun ay reer galbeedka ku ogaanayaan qalabka casriga ah. Wuxuun bay xilligaasi iyo goobtaasi daraasaddani ku iman kartaa waa waxyi Rabbaani ah. Taasoo inoo caddeyneysa maanta mucjisada Quraanka kariimka.

Subxana-Allaah!!

WD: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka www.caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

Qur’aanka & kala Duwanaashaha Midabbada (Mucjisada Qur’aanka)
Aayada badan oo kowni ah ayaa insaanka soo mara, oo inuu arka uu misna ka dhoohan yahay oo qafla uga sugan yahay. Waxaynu markaa jecelnahay inaanu maanta ka hadalna wixii culimada casrigu ay iktishaaftay ee ku saabsan midabka iyo siduu Qur’aanka uga hadlay. Waxay markaasi u dhawdahay inaad ogaato mucjiso cajiib ah oo aad horey uga dhoohnayd. Hoydaay!! Qur’aanku waa mucjisada mucjisooyinka. Alle kor ahaaye wuxuu yiri asagoo midibada ka hadlaya:

(وَمِنْ آَيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَاتٍ لِلْعَالِمِينَ)

[الروم: 22].

”Calaamooyinkiisa Eebbe (ee kutusinaya qudradiisa) waxaa kamid ah samooyinka iyo dhulka uu abuuray iyo kala duwanaashaha afafkiina iyomidibadiina, taasuna waxaa ugu sugan calaamad kuwa cilmiga leh”. Ar- Ruum: 22d.Haddaba miyeynaanu caqli lahayn, maxaa ina helay oo aynaan u fiirfiirinin aayadaha Ilaahay ee kowniga ah oo aynaan ugu tadabburin? Alle wuxuu leeyahay ”Taasuna waxaa ugu sugan calaamad kuwa cilmiga (aqoonta) leh”. Halkaasi waxaynu ka fahmeynaa kala duwanaashaha midibadu inay tahay calaamad kowni ah oo Rabbi usoo dejiyey umadaha si ay bal uga fekeraan oo u xusaan Alle sarreeye.Noocyada midibada ayaa ah sidan: Midibka Bunniga, midibka Caddaanka, midibka, Madowga, midibka Buluugga, midibka Cagaarka, midibka Casaanka (gaduudka), midibka Jaalaha, midibka Burtuqaaliga (Oranjiga), midibka Dambasiga iyo midibka fiyooleetka.Midibadan oo idil markaynu eegno qof weliba midib buu jecelyahay oo uu xiiseeyaa. Waana arrin dabiici ah taasi oo ay culimada midibka ka hadashay. Waxaa kaloo jira in culimada midibka ay midib weliba ku macneeyaan tafsiil u gaar ah iyo siduu u cakisa nuurka indhaha. Hiwaayada qof weliba uu leeyahay ee kusaabsan midibada ayaa kala nooc ah oo aanan isu dhigmin. Waxay kaloo culimadaasu sheegeen in midibada qaarkood ay dawo u yahiin eegmada indhaha, ka gadaal markuu qofka kudhaca qaar kamid ah xanuunada maskax daalka iyo wixii lamida.Inkastoo midibbadu ay intaasi iyo in kale yahiin, haddana waxa loo yaqaan midibbada tayfiga ah ee caanka ayaa ah toddoba nooc, kuwaasoo kala ah Cassaanka (gaduud), Madowga, Cagaarka, Buluugga, Caddaanka, Jaalaha iyo Bunniga.

Culimada midibada ayaa markay macneynayaan waxay midibada ukala fasiraan sida tan:

1. Madowga: Waxay yiraahdaan waa midib tilmaamaya ama astaan u ah murugada, sida ay kasoo xigteen baaritaanno iyo daraasaad ay sameeyeen. Dhanka Islaamku wuxuu qabaa in aanu sidaasi ahayn oo uu yahay midibkaasi astaan kamid ah astaamaha iyo calaamooyinka Alle koonkan uu keenay si loogu tadabburo oo bal loo fikira.

2. Caddaanka: Waxay sheegeen inuu yahay astaan nabadeed, iyo kheyr iyo raaxo iyo nadaafad.

3. Bunniga: Waxay sheegeen inuu yahay mid caafimaad u ah aragga indhaha, xaaladda nafsaaniga ah ayaa sidoo kale ay culimadani sheegeen inuu u fiican yahay midibkani. Waa midibka midibada caanka ah ee teyfiga ahi ugu ekaan badan dhanka ciidda (carrada)  marka loo eega midibada kaloo dhan.

4. Buluugga: Waxay sheegeen inuu yahay mid saacida inuu wareegga dhiigga u socda si degen oo aanan xowli iyo qafiif toona ahayn. Waxay kaloo sheegeen in midibkani uu diiqada iyo walwalka dawo u yahay oo laab cidhiidhyoonka uu tira, jirkuna xasiliyaa marka uu qofku eego midib Buluuggi ah. Waxyaaba kaloo badan oo caafimaadka quseeyana waa uu leeyahay midibkani sida ay sheegeen. Waxaase mucjiso ah in Ilaahay badda iyo samaduba uu u doortay midibka Buluugga ah.

5. Cagaarka: Waxay sheegeen inuu yahay mid u roon qalbiga iyo neefsashada, waxayna culimadani sheegeen inuu qofka bini Aadamka ahi ka saacida midibkani dhanka amateetka iyo quudka oo uu si fiican u qaata, iyo in caafimaadkiisu noqdo mid dheeli tiran hadduu markasta daawada midibkani Cagaarka ah. Culimadaasi waxay kaloo sheegeen midibkani inuu yahay qofka markuu arka ku beera farxad iyo qalbi fayoow, sidoo kalena xanuunada ayuu dabciyaa ama qaboojiyaa, sida ay dhaqaatiir badan oo reer galbeed ah sheegeen. Waa halka ay dhaqaatiirtu amarta bukaanka in la ag fadhiisiya xadiiqooyinka ama dhirta ku hareereysan qasriyada iyo isbitaallada si caafimaadkoodu u wanaagsanaado.

6.Jaalaha: Waxay sheegeen qaarkood culimada in midibkani uu dhaliya farxad iyo laab furan, laakiin culimada qaarkood ayaa sheegeen inuu cabsi iyo walwal dhaliya midibkani, Si kastaba ha ahaatee kuwa sidaa yiri wax daliil ah uma haystaan marka laga reebo inay uun tahay cabbirka dadka qaarkood iyo daraasaadka ay sameeyeen.

6. Casaanka: Waxay sheegeen culimadii qarniga hore kuwa qarniganba inuu midibkani wax weyn tara habka wareegga dhiigga isagoo abuura bay yiraahdeen firfircooni xagga jirka ah. Ubaxyada loo yaqaan fiyooraha ee casaanka ayay culimadani sheegeen aragtidoodu inay abuurto dabeecad wanaagsan oo xagga nafta iyo nolasha ah.Tirada midabada caanka ee caalamiga ah ee teyfiga loo yaqaan waa toddobadaasi sida aynu kor kuxusnay, waxaase cajiib ah laftida Midab ama Al- Lown, Qur’aanka waxaa lagu xusay toddoba mar. Bal aynu hal il ku wada eegno habka ereyga Al Lown ama midab uu Qur’aanka ugu soo arooray.

1- (وَمَا ذَرَأَ لَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُخْتَلِفًا أَلْوَانُهُ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَةً لِقَوْمٍ يَذَّكَّرُونَ) [النحل: 13].

2- (يَخْرُجُ مِنْ بُطُونِهَا شَرَابٌ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهُ فِيهِ شِفَاءٌ لِلنَّاسِ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَةً لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ) [النحل: 69].

3- (وَمِنْ آَيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَاتٍ لِلْعَالِمِينَ) [الروم: 22].

4- (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ ثَمَرَاتٍ مُخْتَلِفًا أَلْوَانُهَا) [فاطر: 27].

5- (وَمِنَ الْجِبَالِ جُدَدٌ بِيضٌ وَحُمْرٌ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٌ) [فاطر: 27].

6- (وَمِنَ النَّاسِ وَالدَّوَابِّ وَالْأَنْعَامِ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهُ كَذَلِكَ إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ) [فاطر: 28].

7- (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَسَلَكَهُ يَنَابِيعَ فِي الْأَرْضِ ثُمَّ يُخْرِجُ بِهِ زَرْعًا مُخْتَلِفًا أَلْوَانُهُ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَاهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَجْعَلُهُ حُطَامًا إِنَّ فِي ذَلِكَ لَذِكْرَى لِأُولِي الْأَلْبَابِ) [الزمر: 21].

Subxanallaah!! toddoba mar oo qura ayaa meelo kala duwan oo Qur’aanka kariimka kamid ah lagu xusay laftiga midab, sow mucjiso cajiib ah ma ahan, haddii midibadii asalka ahaa yahiin toddoba, in Qur’aankuna lagu xusay laftiga midab toddobo mar? Sow ma caddeyneysa in Qur’aanku yahay mucjiso weyn oo xag Alle ka yimid, uuna keenay Malak run badan, kunasoo degay Nebi runloow ah?Aqristoow!! maalinna ma ka fekertay oo ma isweydiisay ubaxyadan kala jaadka ah iyo midibbada kala duwan ee Ilaahay u abuuray waxa uu ula dan leeyahay, ma eegtaya calaamooyinka koonka oo wax ma iska weydiisay? Waa maxay sababta ugu weyn ee Alle Sarreeye uu u abuuray midibada kala jaadka ah? Marna ma is weydiinnay midibada kala nooca ahi halka ay Qur’aanka uga jiraan iyo waxa uu Qur’aanku ka yiri? Aayad kasta oo Qur’aani ah iyo mid kastoo kowni ahiba wuxuu Alle u keenay inaanu ku tadabburno oo aan fiir fiirinna mucjisooyinka iyo qudradda Eebbe. Sidaa darteed Ilaahay ayaa inoo sheegaya hadafka uu u sameeyay midibbada iyo ula jeedka ka dambeeya, waase roonaan lahayd inaad Qur’aanka dib ugu laabato oo aad isaga uun ka doonta cilmi oo dhan, saa maxaa yeelay aqoontii adduun iyo mid aakhiraba isagaa laga helaa.Toddobada aayadood ee laftiga midab, afar kamid ah baa Ilaahay uu inoogu caddeeyay ula jeeddada ka dambeysa kala badallida midabada. Aayadda 13d ee suuradda An- Naxal Ilaahay wuxuu ku yiri ”Arrinkaasi (kala duwanaashaha midabada) waxaa ugu sugan calaama qoomkii waantoobaya”. Ula jeeddadu waxay tahay in la waantooba oo Eebbe laga cabsada oo la rumeeya isaga, oo kaligii uun la caabbudo oo aanan loo shariik yeelin cibaadada.Aayadda 69d ee suuradda An- Naxal oo sidoo kale laftida midab uu kusoo arooray Alle kor ahaaye wuxuu ku qatimay oraahda ah ”Arrinkaasu waxaa ugu sugan calaama qoomkii fikiraya”.  Ula jeeddadu waxay tahay in la fekera oo wax la iska weydiiya waxdaaniyaddan Alle iyo waxa ka dambeeyn kara, dabeetana Alle loo noqda oo la caabbuda isaga uun, amarradiisuna la fuliya.Aayadda 22d ee suuradda Ar- Ruum, oo sidoo kale kamid ah toddobada aayadood ee uu laftiga midab kusoo arooray ayaa iyana wuxuu Alle ku oranayaa aakhirkeeda”Arrinkaasu calaamaa ugu sugan kuwa aqoonta leh. Ula jeeddadu waxay tahay dadka cilmiga iyo aqoonta lehi inaanay lamid ahayn kuwa dhoohan ee juhalada ahi, waa halka uu Alle sarreeye ku tilmaamaya dadka aqoonta leh sida wax nool, halka kuwa juhalada ahina uu ku tilmaamaya sida wax dhintay oo kale. Sidoo kale waa halka uu Alle kor ahaaye aayad kale oo Quraan ah uu ku yiri asagoo ka hadlaya dadka cilmiga iyo aqoonta lihi

إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ

[فاطر: 28].

”Wuxuunbaa Alle ka baqa addoomadiisa cilmiga (aqoonta) leh, Eebbana waa awood badane dembi dhaaf badan”. Faatir: 28.Waxaa kaloo mucjisa ah aayaddan fisireysa aayadda kale ee 22d ee suuradda Ar- Ruum inay iyana kamid tahay toddobada aayadood ee uu laftida midab uu kusoo arooray, sidoo kalena uu Ilaahay ku qatimayaa weedhan kore aayadda 28d ee suuraddaasi Faatir, bacdamaa uusoo xusay kala duwanaashaha midabada.Aayadda afraad ee kamidka ah toddobada aayadood ee uu laftiga midan kusoo arooray ee inoo qeexeysa ulajeedka iyo hadafka ka dambeeya arrinkaas, waa aayadda 27d ee suuradda Az- Zumar. Alle kor ahaaye wuxuu aayaddaasi kusoo gabagabeeyay ka gadaal markii uu xusay kala duwanaashaha midabada weedhan ”Arrinkaasu waxaa ugu sugan waano ciddii wax garad ah (garaad iyo caqli qofkii leh).

Haddaba wasiilooyinka uu leeyahay midabka ayaa ah marka hore, in lagu fekera, iyo in lagu waantooba, in cilmi iyo aqoon la dalba, iyo in caqliga iyo garaadka la kaashada. Amuurtan oo idil ayaa sahlaysa cabsida Alle iyo dhowrsoonaanta iyo caabudidda Alle keligii.Midabka & Islaamka

1. Jaalaha/Asfar

Wuxuu laftiga Asfar uu Quraanka kusoo arooray 5 mar, waxaana uu tilmaamayaa labo xaaladood, oo midi tahay mowt (geeri), midna farxad. Alle kor ahaayee isagoo inooga warramaya xaaladda geerida ee uu midabkani tilmaamaya wuxuu yiri

(ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَاهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَجْعَلُهُ حُطَامًا)

[الزمر: 21] .

”Oo markaasi kadibna uu angagi (dhiman) oo aad arkaysa isagoo cawlan, kadibna uu ka yeeli burbur”. Az- Zumar: 21d.

Dhanka kale Eebbe kor ahaaye isagoo inooga warramaya in midabka Asfarka (Jaalaha) uu yahay astaan farxadeed wuxuu yiri

(إِنَّهَا بَقَرَةٌ صَفْرَاءُ فَاقِعٌ لَوْنُهَا تَسُرُّ النَّاظِرِينَ)

[البقرة: 69]

”Waa sac boora/jaalle xigeen ah oo midabkeedu uu ka farxin ciddii eegeysa”. Al Baqra: 69d.

2. Cagaarka/ Al Akhdar

Aragtida Quraanka ee midabka cagaarka, waa inuu yahay astaan nolal iyo raxmad ah. Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay

(وَهُوَ الَّذِي أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ نَبَاتَ كُلِّ شَيْءٍ فَأَخْرَجْنَا مِنْهُ خَضِرًا)

[الأنعام: 99].

”Isagu Alle waa kii kasoo dejiyey samada biyo, saa waxaan kusoo bixinnay biyaha dhir nooc kasta leh, kuwaasoo iyana aan kasoo saarno laamo cagaarah”. Al Ancaam: 99d.

Sidoo kale xaaladdaasi Alle isagoo ka hadlaya wuxuu yiri

(وَسَبْعَ سُنْبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ)

[يوسف: 43].

”Iyo toddoba sabuul oo cagaar ah, iyo kuwa kale oo qalalan”. Yuusuf: 43d.Midabka Cagaarka ahi, waa lebbiska iyo gogasha Ahlu Jannaha, Alle kor ahaaye isagoo ka hadlaya Ahlu Jannaha wuxuu yiri

(وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِنْ سُنْدُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ)

[الكهف: 31].

”Waxayna ku lebbisan doonaan dhar Cagaar ah oo xariir jilacsan ah”. Al Kahf: 31d..Sidoo kale isagoo Alle inooga warramaya gogasha Ahlu Jannaha wuxuu yiri

(مُتَّكِئِينَ عَلَى رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِيٍّ حِسَانٍ)

[الرحمن: 76].

”Iyagoo ku dangiigaya barkimo cagaaran korkooda iyo katiifada qurux badan”. Ar- Raxmaan: 76d.Haddaba haddii aayaddani Quraaniga ahi ay inooga warramayso in dadka Jannada ay xiran doonaan dhar qurux badan oo Cagaar ah, iyo sidoo kale gogashooduna ay tahay Cagaar, bal aynu  dib u jaleecna hadalka uu ina yiri Nebigeenna Suubban ee Muxammad (NNKH) markuu inoo sifeynayay Jannada ee uu inooga warramayay qaabka albaabadeeda. Wuxuu Suubbanuhu (NNKH) yiri ”Jannadu waxay leedahay siddeed albaabood”.Haddii Jannadu albaabadeedu ay yahiin siddeed albaabood sida uu inoo sheegay Nebigeenna Suubban (NNKH), Quraankuna uu inoo sheegay in lebbiska iyo gogasha ahlu Jannuhu yahay Cagaar, immisa jeer baa laftiga Al- Akhdar (Cagaar) uu Qur’aanka kusoo arooray? Waxaa mucjiso ah in laftiga Cagaar uu kusoo arooray Qur’aanka kariimka 8 mar oo qura. Subxanallaah!!.Nacam siddeed mar oo qura ayuu kusoo arooray Quraanka laftiga ”Cagaar”, iyadoo Ilaahay uu kala mid dhigaya inta mar ee uu laftigaasi ku xusay Quraanka, inta albaab ee ay Jannadu leedahay, maadaama midabku uu yahay midabka ay ku lebbisanayaan Ahlu Jannaha. Subxanallaah!!.Bal si fiican u fiiri, waa kan siddeeda mar ee uu laftigaasi kusoo arooray Quraanka iyo meelaha iyo siduu ugu soo arooray.

1- (وَهُوَ الَّذِي أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ نَبَاتَ كُلِّ شَيْءٍ فَأَخْرَجْنَا مِنْهُ خَضِرًا نُخْرِجُ مِنْهُ حَبًّا مُتَرَاكِبًا) [الأنعام: 99].

2- (وَسَبْعَ سُنْبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ) [يوسف: 43].

3- (وَسَبْعِ سُنْبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ) [يوسف: 46].

4- (وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِنْ سُنْدُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ) [الكهف: 31].

5- (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَتُصْبِحُ الْأَرْضُ مُخْضَرَّةً إِنَّ اللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ) [الحج: 63].

6- (الَّذِي جَعَلَ لَكُمْ مِنَ الشَّجَرِ الْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَا أَنْتُمْ مِنْهُ تُوقِدُونَ) [يس: 80].

7- (مُتَّكِئِينَ عَلَى رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِيٍّ حِسَانٍ) [الرحمن: 76].

8- (عَالِيَهُمْ ثِيَابُ سُنْدُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ) [الإنسان: 21].

Subxanallaah!!.

3. Madowga /Al Aswad

Nebiga (NNKH) aanan ku hadaaqin wax hawadiisa ah, ayaa waxaa uu inoo sheegay in Jahannamadu ay tahay mid madaw ah. Allena kor ahaaye wuxuu suuradda Al Xijr aayadaha 43d- 44d uu inoogu sheegay in albaabada Jahannama ay yahiin toddoba albaabood.(وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوْعِدُهُمْ أَجْمَعِينَ * لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَابٍ لِكُلِّ بَابٍ مِنْهُمْ جُزْءٌ مَقْسُومٌ)

[الحجر: 43-44].

”Jahannamaana yaboohoodu uu yahay dhammaan (inta baadiyowday). Waxay leedahay (Jahannama) toddobo albaabood, albaab kastaana wuxuu leeyahay qeyb loo qeybiyey (oo Ibliis iyo wixii lumay ah)”. Al Xijr: 43d- 44dWaxaa haddaba is weydiin mudan haddii albaabada Jahannama ay yahiin toddobo albaabood, naartuna lagu sheegay madow, immisa mar ayaa laftiga ”Madow” lagu xusay Qur’aanka? Bileey toddoba noqotaa ayadoo laga ambaqaadaya albaabada naarta iyo mugdigeeda madow? Haa!!, nacam!! toddobo mar oo qura ayaa lagu xusay midabka Madow Qur’aanka. Subxanallaah. Bal ila eeg sida uu Qur’aanka ugu soo arooray iyo meelaha uu kusoo kala arooray.

1- (وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ) [البقرة: 187].

2- (يَوْمَ تَبْيَضُّ وُجُوهٌ وَتَسْوَدُّ وُجُوهٌ) [آل عمران: 106].

3- (فَأَمَّا الَّذِينَ اسْوَدَّتْ وُجُوهُهُمْ أَكَفَرْتُمْ بَعْدَ إِيمَانِكُمْ فَذُوقُوا الْعَذَابَ) [آل عمران: 106].

4- (وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُمْ بِالْأُنْثَى ظَلَّ وَجْهُهُ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ) [النحل: 58].

5- (وَمِنَ الْجِبَالِ جُدَدٌ بِيضٌ وَحُمْرٌ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٌ) [فاطر: 27].

6- (وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ تَرَى الَّذِينَ كَذَبُوا عَلَى اللَّهِ وُجُوهُهُمْ مُسْوَدَّةٌ) [الزمر: 60].

7- (وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُمْ بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ) [الزخرف: 17].

4.Caddaanka/ Al- Abyad

Nebiga (NNKH), wuxuu aad u jeclaa midabka Caddaanka ah, kaasoo astaan ka ah dahaarada iyo nadaafadda. Waa halka uu Nebigu (NNKH) ka aqrisan jirey ducadaan:

(اللهم نقِّني من الخطايا كما يُنقَّى الثوب الأبيض من الدنس)

”Allahayoow!! iiga maydh gefafkeyga, sida looga maydho marada cad wasakhda”.

Macnaha waxaa weeye marada cad si aad ah baaloo maydhaa, oo loo caddeeyaa, wasakhduna ma qarsan karto, sidaa darteed baa Nebigu (NNKH) wuxuu aad u jeclaa midabka cad, asxaabtiisuna wuu amri jirey inay xirtaan dharka cad sunne ahaan. Waxaaba kamid ah amarradii uu dharka cad xaggooda ka bixiyey, dharka xajka iyo cumrada ee ragga, iyo marada kafanta meydka iwm.Dhanka kale midabka Caddaanka ahi, waa astaan nabadeed iyo badbaado iyo farxad maalinta Qiyaame, waa halka ay ka Caddaan doonaan wejiya maalintaasi farxad daraaddeed, halka kuwa kalena ay ka madoobaan doonaan dulli dartiis. Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay isagoo arrinkaasi ka warramaya(يَوْمَ تَبْيَضُّ وُجُوهٌ وَتَسْوَدُّ وُجُوهٌ فَأَمَّا الَّذِينَ اسْوَدَّتْ وُجُوهُهُمْ أَكَفَرْتُمْ بَعْدَ إِيمَانِكُمْ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنْتُمْ تَكْفُرُونَ * وَأَمَّا الَّذِينَ ابْيَضَّتْ وُجُوهُهُمْ فَفِي رَحْمَةِ اللَّهِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ)

[آل عمران: 106-107].

”Maalintay Caddaan wejiyaal, oyna Madoobaan wejiyaal (kale), kuway Madoobaatay wejiyaashoodu (waxaa lagu oranayaa) ma waxaad gaaloowdeen rumeyntiinii ka dib? Dhandhamiya cadaabta wixii aad gaaloowdeen darteeda. Kuwiina ay Caddaadaan wejiyadooda naxariis Allay ku dhex waari doonaan”.  Aali Cimraan: 106d- 107d.

Haddaba midabka Cad wuxuu ka warramayaa mustaqbalka (Qiyaamaha), sida ka muuqata aayaddan, wuxuuna Ilaahay inoogu caddeynayaa xaaladda midabkan ee mustaqbalka, iyo inuu noqon doono astaan guul iyo farxadeed. Sidaa daraaddeed waxaa cajiib ah in midabkani uu yahay midabka ugu badan ee Qur’aanka kusoo arooray, marka laga hadlaya midabada kale oo dhan.Dharka sunnada ah ee ragga xidho, dharka Xaramka (cumrada iyo xajka) iyo marada lagu asturo maydka (kafanta) ayuu Nebigu udoortay inay noqdaan midabkan cad ee xambaarsan nuurka iyo farxadda iyo sidoo kale guusha.Midabada cassaanka iyo buluugga ayaa iyaguna midkiiba mar qura lagu xusay Qur’aanka.WD: Mohammed Dahir Abdi

Email: mohammed1@live.fi

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com. Lama copy-yeysan karo idan la’aan.

Naxdintii Isaameysay Iyo Safarkii Aakhira (Qiso cajiib ah)
Si kedis ayaa anigoo fuula sariirtayda aan usoo booday, saacadda haddii aan eegay waxay iisheegtay 3:00 waaberiga kudhaw. Malaha xilligaas ayay Muslimiinta Mu’miniinta ahi tukadaan salaadda Fajarka. Waxaan arkay wax qariib ah, waqtiguna wuu ila noqon waayay, waayo xilligaasi oo kale uma baran, caadana iima ahayn inaan soo kaca.

Argagax iyo cabsi ayaan dareemay, taasoo aanan ogeyn halka ay ka imanaysa, laakiin sheyga qariibka ah ee aan arkay ayaa wuxuu ahaa, nuur aanan weligey mid lamida arag, indhaha ayuu iga cawiray, markii aan si qumaati ah u kacay, baan maqlay dhawaq cod, balse wuxuu sheegaya ma garan codkaasi. Waxaan damcay inaan kiciya walaalkeyga, markii aan toosiyey, ayaan kudhahay ma ujeeddaa waxa kan? Iima aanu jawaabin. Waan yaabay. Oo sabab? Muxuu iigu jawaabi waayay!!? Waxay ahayd su’aal qalbiga iiga taagmatay, oo aan isweydiiyo muddo.

Markaas baan kacay oo aan galay qolkii hooyo, oo aan toosiyey, si aan u tuso waxa kan iyo qeyladan. Laakiin markay kacday waxba jawaab ah ima aanay siinin, wuxuunbay ku celcelineysay Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.

Yaab iyo amakaag!!.

Kadib aabbe ayaan kiciyey, si bal uu iila arko waxa kan, laakiin haddii aan toosiyey isagiina iimaanu jawaabin. Markaa bay kaceen ayagoonan ila hadleynin oo ay idhinac mareen, oo waxay aadeen weyso, dabeetana waxay tukadeen Fajarka. Aniga intaas waan fiirsanayay, waxaan kudul fadhiyey sariirtooda, oo waan sugayay illaa ay sifiican iila hadlaan marka ay howshooda salaadda soo bogtaan. Markay salaadda ka baxeen baan cod dheer ku qayliyey, anigoo sida qof caraysan u hadlaya oo oranaya ”Maxaydaan iigu jawaabeynin”? Laakiin waxaad mooddaa sida inaanay codkeyga dhan maqalba.

Waa yaabe!! sidee bay wax yahiin…? Maxaase khaldan..? Maxaa la iigu jawaabi la’ yahay, maxaase hadalka la iiga jartay? Waan hubaa hooyo way ijecleed, sidaas oo kale, aabbe aad buu ii jeclaa.. Maxaa khaldan haddaa?

Muddo kadib bay hooyo qolkeygii aadday, anigana waan dabagalay. Laakiin waxaan arkay shay qariib ah.. Haa nacam!! waxaan arkay wax la yaab leh.

Waxaan arkay sariirteydii oo jasadkeyga uu dul fuulo. Aad baan u naxay, waana yaabay, markaasaan istaagay albaabka anigoo naxdin la gariiraya.

Hooyo waxay dul tegtay jasadkeygii sariirta dul fuulay.. Waxayna ku tiri ”Axmed!! Axmedoow!! toos!!”. Laakiin wax jawaab ah kama aanay helin. Aabbahay ayay uyeertay oo waala rog rogay jasadkeygii, aniguna albaabka ayaan taaganahay waana fajacsanahay.

”Axmeeeed!! Axmeedoooooooooooooooooooooow!!!”

”Toooos!!, kac!!”, ayaa cod dheer ay ku lahaayeen.

Waxaan arkay aabbahaygii caloosha adkaa, ee geesinnimada u saaxiibka ahaa ilmadiisa.

Murugadeydaay!! nolashayda maalintaas ka horaba ma arag ilmada aabbahay.

Waan yaabay aniguna ilma ayaa indhaha i buuxsantay, dhankeyga baan u ooyay anigoo ka xun inaanay ii jawaabin. Hooyo cod dheer bay ku ooyaysay, ayadoo magacayga ku celcelineysa.

Walaalkey ayaa soo booday oo yiri ”Maxaa dhacay”? Markaasay hooyo ku tiri ”Walaalkaa Axmed baa dhintay”.

”Dhintay aa!!”. Ooooooooooooo!! Yaa Ilaahiii!!…

Isagiina halkii buu baroor ka billaabay..

Markaas baa anigoo ilmadu iga qubanaysa waxaan cod dheer ku dhahay ”Hoooyoooooooooooooooo!! ma aanan dhiman, waa ikan, waan noolahay”. Nasiib xumase cidna iima jawaabin sabab? Jawigaan murugada leh ee aan kujiro ayaan aad uga shallaayay. Yaa Illaahii!! waxakan jid looga baxa ma jiraa?

Markaas baan maqlay cod meel fog oo kale ka dhawaaqaya, wuxuu oranayaa codkaasi qowlka Alle kor ahaayee

* لَّقَدْ كُنتَ فِي غَفْلَةٍ منْ هَاذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ الْيَوْمَ حَدِيدٌ *

”Dhab ahaan waxaad kaga sugneed waxakani (geerida) illawsha (oo warkeeda muraad kamaadan lahayn), waxaana kaa qaadnay daboolkaaga, oo araggaaguna maanta waa mid adag (oo si dhab ah ayaad wax ugu jeeddaa).

”. Suuratu Qaaf 50: 22d

Labo shaqsi oo aanan weligey iyagoo kale arag ayaa ii timid, ma aanan ku qayaasin bini Aadam, aad baana uga argagaxay araggooda. Waxay igu yiraahdeen ”Waxaanu nahay kuwa kugu sugaya qabriga, waqti dhaw kadib waan is arki doonnaa”.

Anigoo naxsan baan ku dhahay ”Laakiin sidee bay kudhacaysaa, anigu sowma nooli? Ma anigaa dhintay, maxaad qabriga ii geyneysaan, Aah!!”?

Waalidkeyga iyo walaalkayba dhan bay u ooynayaan oo jasadkii bay dul dhooban yahiin, waxa nakala haystana aniga iyo qoomkaan dheg jalaq uma siinayaan. Maya ee maba maqlayaan malaha.. Hoheey Hoh!!

Labadii shaqsi baa ii jawaabaysa oo oranaysa ”Ina Aadamoow!! waxaad tahiin ummad lala yaabo!!, waxaad moddaan in mowdku yahay dhammaadka nolasha.. Miyaydaan ogayn in waxa aad kusugan tahiin (noolasha adduunyada) ay tahay riyo yar oo dhammaanaysa marka aad dhimataan, ee aanay ahayn nolashii dhabta ahayd”?

Dadku waa mashquul, kala orodkuna waa badan yahay, reerkuna waxaa gashay tacsi, waxbadan kama soo wareegin markii la ii diyaariyey qabri iyo luxud la idhiga. Sanduuq yar ayaa lagu ridey jasadkeygii, anigoo u jeeda, oo ilmeynaya. Garbaha dadka ayaa la igu soo qaaday, waxaa la isoo mariyey dariiq kayara durugsan reerkayaga.

Dad baan arkayay, qaarkood way ilmeynayaan, qaar way iska sheekeysanayaan, qaarna way iska qoslayaan.. Aah!!, anigu mushkila kale ayaa i haysata, xaaladda aan kusuganahay iyagu kuma sugno, way usuurtowdaa inay iska qoslaan, iska sheekeystaan. Oohin hadday wax taraysa malaha reerkeyga ayaa ii jawaabi lahaa.

Waxaan maqlay intii la isoo waday qoom leh, wiilkani waxaan ahayn saaxiibo, waxaan isu raaci jirnay meelaha xafladaha, heesaha waan isla dhagaysan jirnay, waana isla sheekeysan jirnay, maanta wuu naga tegey, aakhira ayuu u jiheystay.

Aad baan uga murugooday maqalka erayadaasi, walwalkii iyo walbahaarkii ayaa igu labakacay, oo dayq baan noqday. Waxaan fala ma aqaan, durba waxaa ii muuqday labadii shaqsi ee aan albaabka aqalkayaga ku doodeynay, waxaan weydiiyey

”Ma naar baan usocdaa aniga”?

Waxay iigu jawaabeen ”Raxmadda Ilaahay waa waasic, safarkuna waa dheeryahay!!”. Aah!! kalsooni ma haysta, illaa immika ma aanan arag wax aan ku farxa, wax isii walbahaariya mooyaane. Weedha Raxmadda Illaahay waa waasic uunbana marmar qalbiga ku qaboojistaa.

Waxyar kadib waxaa la ikeenay halkii la iigu tala galay, waxaa la igu tukaday salaad aan maqli jirey in dadka meydka ahi lagu tukado, cod dheer baan ku qayliyey anigoo oranaya ”Dadoow!! iisoo duceeya”!!

Cidna iima jawaabin, haah!! wax jawaab ah ma aanan helin!!.

Shallaytadaydaay mala iijawaabo? Mar kale ayaan cod kii hore ka dheer ku qayliyey oo aan dhahay, dadoow!! adduunyadu yaanay idin kedinin, ee ka dhowrsada, waayo waa kedo’e…

Laakiin cidna iima soo hadal celin. Walaalkey oo murugo kamuuqata ayaan arkay, waxaan ku dhahay ”Walaalo iisoo duceey, adduunyadana yaanay ku kedinin ee ka dhowrsa”.

Laakiin iima aanu jawaabin. Shallaytadeydee muu ii jawaabo.

Waxyar kadib waxaan arkay aabbahay oo ciid ugu gedinaya, aah!!, waxaan arkay walaalkay oo ciid ugu rogaya, dadkuna ciid bay igu rogayeen.

Waxaan tamanniyey (yacni jecleystay) haddii aan dunida joogi lahaa, sowma towbad keeni lahayn?

Haddii aan dunida joogi lahaa, sow salaadda Fajar sowma tukadeen?

Haddii aan dunida joogi lahaa Rabbigey sow maalin kasta ma aanan baryeen?

Haddii aan dunida joogi lahaa, sow ma aqriyeen maalin walba Qur’aanka kariimka?

Haddii aan dunida joogi lahaa, sow mar walba ma jadiidiyeen towbadda, oo Rabbi dembi dhaaf ma weydiisteen?

Waxaan dhahay ”Dadoow!! imaqla, adduunyadu waa khurun ee yaanay idin kedinin, adduunyadu waa riyo yar oo dhammaanaysa, ee yaanay idin sirin. Haddii aad ogaan lahaydeen adduunyadu waxay tahay sujuud dhulka kama aydaan qaaddeen”.

Waxaan rajaynayay inay ii jawaabaan, laakiin maya!! ma dhicin taas sidii horeba aanay u dhicin.

Waxaan markaasu ku iri ”Haddii aad dadoow!! dhibsanaysaan inaad imaqashaan, oo aydaan xamili karin hadalkayga, sidaas baa idiin kheyr roon, oo idiin fiican. Laakiin waxaa iman doonta maalin aad ahaan doonta qofka jooga meesha aan maanta anigu jooga (qabriga), oo aad tamannin (yacni jeclaan) doonta inay dadku ku maqlaan.

Markaas baan soo booday oo hurdo ii socotay kasoo salalay, waqtigu wuxuu ahaa goor Fajar ah, daqiiqad markii indhaha ii kala furan yahiin baa waxaan maqlay dhawaqa aadaanka labaad ee salaadda Fajar, intaan xilligaasi maydhay baan masjidka u cararay. Hanuunkii maalintaasi Illaahay i haleeshiiyey ayaan maanta kusuganahay nicmada Alle.. Alxamdulillaah calaa kullixaal.

Qisadani waxay qabsatay wiil Carbeed oo ka sheekeeyay, amuurtaan oo idil wuxuu ku arkay riyo. Wuxuu ahaa mid kusugan jid xun, oo heesaha iyo munkaraadka daba orda, laakiin markii dambe noqday Ahlu taqwaa.

WQ: Mohammed Dahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi

Afeef: qoraalkan lama copy-yeysan karo idan la’aan. Xuquuqdiisu waxay u gaar u tahay qoraha iyo webka caasimada.com

Sirta raqameed ee Suuradda Alqalam
Suuradda Al Qalam waxay kamid tahay suuradaha ugu soo hor degey Quraanka kariimka, wuxuu Ilaahay ku dhaaranayaa horraanta suuraddaasi Qalinka oo ah waxa ugu horreeyey ee uu abuuray. Suuradda Al Qalam, waxay kamid tahay suuradaha 29-ka ah ee ku billawdo xuruufta muqaddaca ah (yacni xuruufta go’an ee Ilaahay uun uu yaqaan macnahooda). Quraanka suuradahiisa waa 114, waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah nuska hore oo ah 57 suuradood, iyo nuska dambe oo ah 57 suuradood.

Suuradaha 29-ka ahi ee ku billawda xuruufta muqaddaca, 28 kamida waxay ku jiraan nuska hore ee Quraanka, halka suuradda Al Qalam oo keliya ay tahay suuradda ku jirta nuska dambe, Sidoo kale suuradda Al Qalam waa suuradda ugu dambeysa xagga tartiibka marka laga hadlaya suuradaha xuruufta go’an ku billawda. Su’aashu waxay markaasi noqoneysaa ”Maxay tahay sirta ku jirta in laga sooca suuraddan suuradaha kale ee walaalaheeda ah”? Tani waxay muujineysaa mucjisada Quraanka, waxayna ina tusineysaa mucjisa raqameed daahila oo aad u cajiiba.

Suuradda Al Qalam sida aynu xusnay waxay ku taal nuska dambe ee Quraanka, waana suuradda keliya ee lagu xusay nuska dambe, marka laga hadlaya 29-ka suuradood ee xuruufta go’an ku billawda. Haddaba suuraddaasi ayaa ka soocan suuradaha walaalaheeda ah, waxaana ugu dhaw suurad xaraf muqaddac ah ku billaabato suuradda Qaaf oo ah suuradda ugu dambeysa ee kamidka ah 29-ka xuruufta muqaddaca ku billawda ee lagu xusay nuska hore ee Quraanka. Taa macnaheedu waxay tahay suuradda Qaaf, waa suuradda 28-aad ee kamidka ah suuradaha xuruufta go’an ku billawda, halka suuradda Al Qalamna ay tahay suuradda 29-aad. Haddaba aan soo gudbinno marka hore magacyada dhammaan suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda iyo tartiibkooda Quraanka, waana sida tan:

1. Al Baqrah, waa tartiibka suuradda 2-aad

2. Aal Cimraan waa tartiibka suuradda 3-aad

3. Al Acraaf waa tartiibka suuradda 7-aad

4. Yuunus waa tartiibka suuradda 10-aad

5.Huud waa tartiibka suuradda 11-aad

6. Yuusuf waa tartiibka suuradda 12-aad

7. Ar- Racad waa tartiibka suuradda 13-aad

8. Ibraahiim waa tartiibka suuradda 14-aad

8. Al Xijr waa tartiibka suuradda 15-aad

10. Maryam, waa tartiibka suuradda 19-aad

11. Dahaa waa tartiibka suuradda 20-aad

12.Ash- Shucraa waa tartiibka suuradda 26-a-ad

13. An Naml waa tartiibka suuradda  27-aad

14. Al Qasas waa tartiibka suuradda 28-aad

15. Al Cankabuut waa tartiibka suuradda 29-aad

16. Ar- Ruum waa tartiibka suuradda 30-aad

17. Luqmaan waa tartiibka suuradda 31-aad

18. As- Sajdah waa tartiibka suuradda 32-aad

19. Yaasiin waa tartiibka suuradda 36-aad

20. Saad waa tartiibka suuradda 38-aad

21. Ghaafir waa tartiibka suuradda 40-aad

22. Fussilat waa tartiibka suuradda 41-aad

23. Shuuraa waa tartiibka suuradda 42-aad

24. Az- Zukhruf waa tartiibka suuradda 43-aad

25. Ad- Dukhaan waa tartiibka suuradda 44-aad

26. Jaathiyah waa tartiibka suuradda 45-aad

27. Al- Axqaaf waa tartiibka suuradda 46-ad

28. Qaaf waa tartiibka suuradda 50-aad

29. Al Qalam waa tartiibka suuradda 68-aad

Maadaama suuradda Qaaf ay tahay suuradda ugu dhaw suuradda Al Qalam, marka aynu ka hadleyna suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, waxaa habboon inaan is weydiinno immisa suuradood ayaa u dhexeeya suuradda Qaaf iyo suuradda Al Qalam. Intaa kadib waxaan heli doonnaa suurada u dhaxeeyo inay yahiin suuradahan

Ad- Daariyaat, Ad-Dduur, An Najam, Al Qamr, Ar- Raxmaan, Al Waaqicah, Al Xadiid, Al Mujaadalah, Al Xashri, Al Mumtaxinah, Al Saf, Al Jumac, Al Munaafiquun, At- Taqaabun, Ad- Ddalaaq, At- Taxriim iyo Al Mulki. Markaynu tirinno suuradahani waxaa inoo soo baxaysa inay yahiin 17 suuradood. Taa macnaheedu waxaa weeye 17 suuradood oo aanan ahayn 16 ama 18 iwm ayaa u dhaxayso suuradaha Qaaf iyo Al Qalam. Subxanallaah!! maxay tahay sirta ka soocday suuradda Al Qalam suuradaha xuruufta muqaddaca, ee haddana suuraddii ugu sokeysay ee iyada soo xigtay u jirsiiyey qaddar ah inay u dhaxayso 17 suuradood?

Midda u baahan inaynu qeexnaa ayaa waxay tahay raqamka 17 inuu yahay raqam sireed cajiib ah oo calaaqo la leh numberka 29-aad oo ah raqamka suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee xuruufta go’an ku billawda.

Suuradda Al Qalam waxay Quraanka uga jirtaa tariib ahaan raqamka 68-aad. Subxana-Allah, kanina waa dhowr jibbaarka raqamka 17-aad.

7*4= 68.

Suuradda Al Qalam waxay ka kooban tahay 52 aayadood, aayadaheeda oo dhan 4 kamid oo keliya ayaa mid weliba waxay ka kooban tahay 17 xaraf (waa aayadaha 9, 12, 37, 38). Taasoo haddii si fudud aanu u qeexno heleyna sida tan.

4* 17= 68. Subxana- Allaah!!. U fiirso, 4 waa aayadaha afarta ah, 17, waa xuruufta ay ka kooban tahay aayad waluba. Natiijada ay ina siisay arrintaasi, waa tartiibka suuradda oo ah 68.

Waxaa kaloo cajiib ah in afarta aayadood xuruufta kusoo aroortay ay yahiin 17 xaraf oo keliya oo xaraf kale aanu ku jirin, waana sidan xuruufta aayadahaasi afarta ahi ay ka kooban yahiin

و.د.أ.ل.ت.هـ.ن.ف.ي.م.ع.خ.ر.ث.ك. ب . س

Sida aynu kor kusoo bandhignay marka aynu ka hadleynay tartiibka suuradaha xuruufta muqaddaca ka billawda ay Quraanka uga kala jiraan waxaa inoosoo baxday in suuradda Al Qalam ay tahay suuradda 68-aad ee tartiibka Quraanka. Taa macnaheedu waxaa weeye suuradda Al Qalam waa suurad dhaban ah, maadaama ay tartiibka kaga jirta 68, taasoo ah tiro dhaban ah. Suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, qaar waxay tartiibka Quraanka ugu jiraan tiro kisi ah, qaarna tiro dhaban ah. Suuradaha 29-kaasi xuruufta muqaddaca ku billawda kamidka ahi ee tartiibkooda Quraanka uu yahay tiro dhaban ah ayaa waxay kala yahiin suuradahan kala ah1. Al Baqrah

2. Yuunus

3. Yuusuf

4. Dahaa

5.Ibraahiim

6. Ash- Shucraa

7. Al Qasas

8. Ar- Ruum

9. As- Sajdah

10. Yaasiin

11. Saad

12. Ghaafir

13. Shuuraa

14. Dukhaan

15. Al Axqaaf

16. Qaaf

17. Al Qalam.Subxana-Allaah waa 17 suuradood suuradaha tirada dhabanka ay tahay tartiibkooda Quraanka.Waxaa kaloo cajiib ah, haddii suuradaha Quraanka sida ay u kala dheer yahiin aan ukala hor marinno, suuradda Al Qalam wuxuu tartiibkeedu noqon lahaa raqamka 46-aad, taasoo lamacna ah raqam mucjiseedka suuradda Al Qalam ee 17 oo lagu daray raqamka ishaaraya suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee ku billawda xuruufta muqaddaca, kaasoo ah 29.

17+ 29= 46 Subxana-Allaah.

Waxaa kaloo cajiib tartiibka caadiga ah ee ay suuradda Al Qalam Quraanka kariimka uga jirta ee ah 68 marka lagu daro tartiibka ay suuradda Qalam uga jirta dhererka suuradaha oo ah 46, waxaa inoo soo baxaysa 114, taasoo ka dhigan raqam tireedka tilmaamaya suuradaha Quraanka……..

Dhanka kale suuradda Al Qalam waa suuradda 29-aad marka laga hadlaya suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda, taa macnaheedu waxaa weeye waa suuradda ugu dambeysa ee xuruuf muqaddac ku billaabato. Aayadaheedu waxay ka kooban yahiin 52 aayadood. Labo suuradood oo kale ayaa jiraan oo ay calaaqad raqameed la leedahay suuradda Al Qalam oo ay iyadu saddex ku tahay.

Suuradda Al Cankabuut. Qalam maaddaama ay ahayd suuradda 29-aad ee suuradaha ku billawdo xuruufta muqaddaca ah, Cankabuut waa suuradda 29-aad ee tartiibka Quraanka kariimka ah. Aayadaha Cankabuut waxay ka kooban yahiin 69 aayadood. Farqiga u dhaxeeya aayadaha Al Cankabuut iyo Al Qalam, waa 17 aayadood (69- 52= 17). Subxana Allah.

Suuradda kale waa suuradda Ad- Taariq oo ah suuradda keliya ee ku dhammaato 17 aayadood.Waa suuradda 29-aad marka laga soo billaaba tartiibka nuska dambe (ama gadaale).

Kedista weyn: Haddii aan is barbar dhigno raqam tireedka aayadaha suuradda Al Qalam (52) iyo kan aayadaha suuradda Al Cankabuut (69), waxaa inoosoo baxaya sida tan 5269. Muxuu yahay raqamkani? Waa maxay sirta ku jirta?

Maadaama Quraanku uu yahay labo nus, oo kala ah min 57 suuradood, annagoo ka duuleyna raqamka 57, haddii aynu soo qaadanno suuradaha 57da ah ee ugu aayadaha badan Quraanka kariimka oo ay ku jirta suuradda Al Qalam, ayaa aayadahoodu waxay noqonayaan isku darr 5269, Subxana- Allaah.

Intaan oo qura maahan mucjisada raqameed ee suuraddan Al Qalam, waxayse leedahay mucjisooyin badan oo cajiib ah, ha noqdaan mid raqameed ama ha noqoto mid cilmi intuba, waase intuu Alle ina waafajiyey immika intan. Subxana-Allaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi

Email: tahirmohis@gmail.com

OG: Emailkeyga kale: mohamed1@live.fi, waa cilladeysan yahay ma furmaya.

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com

Sawir Qariib ah iyo raqam mucjiseed yaab badan (Sawir mucjiso ah)
Rabbigii koonkan abuuray ee maamula ee awoodda weyn leh, ayaa mahad iskaleh, innaga dhigey Muslim- Islam, inoosoo direy Muxammad (NNKH) naxariis iyo raxmad ahaan, si uu inoogu duwo tubta toosan iyo dariiqa saxda ah. Xabiibkeenna kuma hadlo hawadiisa, dhawaqiisuna waa waxyi xag Alle iyo ilhaan. Hadalladiisii iyo warsii sheeggiisii waxaa kamid ahaa xaddiis caan ah oo ku sugan saxiixeynka, kaasoo inoo tilmaamaya sida dadkani Muslimka ahi ay marxalado kale duwan u mari doonaan. Xadiiskaasi wuxuu tilmaamayay in diintani ay ku billaabatay nebinnimo, kadibna ay ka dambeyn doonto khilaafa ku xukumi doonto calaa minhaaj an Nabuu’ah, kadibna ay ka dambeyn doonto boqortooyo (dowladihii Islaamka iyo boqortooyooyinkii la iska dhaxi jirey), kadibna ay ka dambeyn doonto jabbaabiro (diktaatoorra ad adag), kadibna ay halmar wada daadan doonaan, kadibna ay khilaafadii dib usoo noqon doonto.

Dhammaan waala soo arkay intaas, marka laga reebo khilaafada oo ugu dambeysa oo aan weli la arkin. Diintani waxay ku billaabatay nebi Muxammad (NNKH) oo keliya, waxaa ka dambeeyey asaga 4 khulufaa’u Raashiddiin ah oo ku xukumeysay dariiqii nebiga (NNKH), waxaa ka dambeeyey dowladdii banii Ummayah, oo ahayd dhaxaltooyo illaa 14 boqor, waxaa ka dambeysay dowladdii banii Cabbaasiyah oo dhaxal tooyo ahayd illaa 37 boqor, sidaas ayay usocotay illaa lasoo gaaro dowladdii Cusmaaniyada oo uu ugu dambeeyey Suldaan Cabdilxamiid ath-thaani oo ahaa boqorkii 37d. Halkaas waxaa ka billawday qoqobkii dowladaha Islaamka iyo tiihii diktaatooriyada, taasoo ku dhawaad qarni aan kusoo jirnay.

Horraantii 2011 ayaa daadkii ugu weynaa ee diktaatooriyada ay ku dhacaysay uu ka butaacay geyiga Carbeed. Waddanka Tunis ayuu ahaa halkii duufaanta kowaad ay ka kacday, iyadoo Zaynal caabbidiinkii waddankaas oo nus qarni wax ka badan meesha joogay uu naftiisa kala baxsaday. Bil wax aanan dhamayn, waxay suntii duufaanta gaadhay waddanka Masar, oo isaguna ay  saamaysay heer Xusni Mubaarak oo dhowr iyo soddon sano meesha joogay laga tuura xukunka.

Qaddaafi ayaa markuu arkay labadii waddan ee jaarka la ahaa waxa ka dhacaya, ayuu afka furtay, isagoo hanjabaad iyo argagaxiso baa nagu soo fool leh ka bixi waayay. Wixii asaga lagu maaweelin jiray ayuu damcay inuu reer galbeedka kumaaweeliya, laakiin duufaantii baa si xun xagga Bangazi ugu kacday oo durba ay mucaaradka ka qabsadeen. Wixii qabsaday isaguna waala wada ogaa iyo siduu ku dhintay. Cali Cabdalla Saalix ayuu ahaa ninkii afraad, isagu wuuba ku dhaawacmay kursiga heer uu ilkaha hoose ku waayay, wejigana uu kaga gubtay. Ugu dambeyna isaguna wuu dhacay.

Suuriya ayuu ahaa dalkii ku xigay, laakiin Suuriya lama barbar dhigi karo afartan dal sababo dhowr ah dartood, kuwaasoo ay kamid yahiin in kacdoonka Suuriya uu dhammaan la’ yahay weli isagoo saddex sano kusii dhaw weli, in Shaam ay tahay halka uu ka dhici doono dagaalka weyn ee saman aakhirka ee la yiraahdo ”Malxamatul kubraa”, in nebiga (NNKH) uu ku tilmaamay shuhadada ugu qiimaha badan saman aakhirka inay noqon doonaan kuwa Shaam, iyo sidoo kale inay saman aakhirku jiri doonaan saddex ciidan oo Muslimiin ah, kuwaasoo ku kala sugnaan doono Shaam, Yemen iyo Ciraaq. Markii la weydiiyey suubbanuhu (NNKH), kuwee baan kamid noqon lahaa Rasuulkii Alloow!!? Wuxuu ku jawaabay ”Ku dadaal kuwa Shaam, ku dadaal kuwa Shaam, ku dadaal kuwa Shaam”. Shaam waa halka uu Mahdil muntadirku saldhigan doono, waana halka uu nebi Ciise kusoo degi doono. Dagaalka Shaam sir Rabbaani ah ayaa ku hoos qarsoon, waana wax aanan la suureyn karin lana falaqeyn karin. U fiirso kacdoonnadii oo dhan waa degeen illaa kan Suuriya uun mooyaane.

Al muhiim markaad u fiirsato afartan nin iyo siduu daadka u qaaday, waxay ishaareysaa xaqnimada iyo runnimada nebi Muxammed, iyo inuu ahaa nebi xagga Rabbi laga soo diray, taasoo kamida mucjisooyinka nebigeenna suubban. Waxaa kaloo ay inoo ishaareysaa in la gaaray waqtigii khilaafada Islaamka ay dhalan lahayd mar kale, tiiyoo jawigana uu sii ishaaraya in saman aakhir la joogo.

Sawirkan sare ee qariibka ah haddii aad ufiirsato waxaad heli doontaa arrin cajiib ah. Bal u fiirso afartaan nin waxay ahaayeen diktaatoorrayaal, saaxiibbo dhawna way ahaayeen, sawirkan waxaa la sheegay inuu ahaa kulankii ugu dambeeyey ee ay ku kulmaan. Sawirkan ay isla galeen wuxuu tilmaamayaa arrin qariib ah. Haddii mid weliba aad siiso numberkiisa, macnaha hadduu ahaa ninkii kowaad ee kacdoonka xaggiisa uu ka kacay waxaad siineysaa numberka kowaad, haddii ahaa kii labaad numberka labaad illaa kan afraad.

1. Zaynal caabbiddiin ayuu ahaa kii kowaad, number kow asagoo halkiisa taagan.

2. Maxammed Xusni Mubaarak ayuu ahaa kii labaad, number labo sii asagoo halkiisa taagan.

3. Mucammar Al Qaddaafi ayuu ahaa kan saddexaad, number saddex sii asagoo halkiisa taagan.

4. Cali Cabdalla Saalix ayuu ahaa kan afraad, number afar sii asagoo halkiisa taagan.

Kadib dushooda ka aqri sida ay u taagan yahiin, waxaa kuusoo bixi doonto 1432, waa sanadkii hijriga ee ay wada daateen. Subxanallaah!!.

WQ: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

Muxuu Suubbanuhu (NNKH) inooga reebay ku dhaqashada Eyga Guryaha?
Waxaynu wada ogsoonnahay kulankeenna Muslimiinta in nebi Muxammad (NNNKH) uu ahaa nebigii ugu fadli badnaa ambiyada Ilaahay iyo rusushiisa. Waxaa loosoo diray khalqiga oo idil, iyadoo uu Ilaahay lasoo direy raxmad iyo naxariis baaxad weyn. Wuxuu inoo keenay diinta naxariista iyo isasaamaxa iyo kalgacalka iyo kalsoonida, iyo ismaqalka iyo wanaagga, iyo runta, iyo dahaarada iyo dhowrsanaanta, iyo iskaalmeynta iyo isjeclaanta ina bartay. Waa shaqsiga inoo keenay diinta ay maanta haystaan in kudhaw 2 billion oo dad ah, tiiyoo ay umadaha soo galaya diinta diintiisa ay sii kordhayaan.

Waa nebigii mucjisooyinka, mucjisooyinka la siiyayna mid u dhigmeysa ama lamid ah horey Ilaahay cidna umuu siinin.

Wuxuu ahaa qaa’id, dhaqtar, qaaddi, iimaam, gacal, nebi, abaanduule iyo rasuul Ilaahay, iyadoo ay u dheertahay inuu ahaa kheyru khalqillaah (kii ugu kheyr badnaa abuurka Ilaahay).

Mucjisooyinka uu inoo keenay waxaa kamida hadallo cadcad iyo baraahiinno muuqdo. Wax buu inaga reebay waxbuuna ina amray. Wax kastoo uu inaga reebay waa wax nafteenna dhibaya, wax kastoo uu ina amrayna waa wax Alle inoogu naxariistay oo nafteenna iyo caafimaadkeenna u roon.

Waxyaabaha uu inaga reebay ayaa wax kamida ku dhaqashada eyga guryaha. Haddaba waxaa isweydiin mudan, maxay tahay sababta uu inooga reebay arrinkaasi. Waxaynu ognahay eygu inuu yahay saaxiib wanaagsan, xayawaannada oo idilna inuu asaga ugu saaxiibtinnimo wanaagsan yahay ayaa la wada qirayaa. Ma jira xayawaan oofin ku gaaraya eyga. Maxay tahay marka sababta uu inooga reebay suubbanuhu inaanu guryaha ku dhaqanno? Muxuu bisadda inooga reebi waayay, iyo daanyeerka, iyo libaaxa, iyo wixii lamida.

Ugu horreyn kulanka Muslimiinta wax waliba oo uu nebigooda suubban (NNKH), ka reebay waxay u arkeen xikmad Rabbaani inay ku jirta, taas ayaana keentay inay ka fogaadaan ku dhaqashada eyga ee guryaha.

Waqtigu wuxuu is guraba, samankuna uu ordo, waxaa la gaaray xilli laga soo wareegay cahdigii nebiga (NNKH) 14 qarni iyo dheeri, tiiyoo la joogsaday waqti tiiknoloojiyadu ay shaqeeyneysa, wax walibana ay sahashay. Taasoo gallada Eebbe darteed, la ictishaashay cilmi badan oo qarsoonaa, ayna rumoobeen waxyaaba badan oo nebi Muxammad (NNKH) uu horey usii sheegay xilli aanay jirin cid ogaan kari lahayd waxaas, Alle cidduu u ogalaado uun mooyaane.

Waxyaabaha maanta aqoonta tiiknoloojiyada lagu iktishaafay ayaa waxaa kamida daraasad lagu sameeyay Jaamacadda University of Munich, taasoo looga hadlayay ku dhaqashada eyda guryaha dhexdooda inay sababta cudurka la yiraahda Kansarka, gaar ahaan  nooca ku dhaca naasaha. Daraasadda ayaa lagu caddeeyay in boqolkiiba siddeetan (80%) dumarka dhaqda eyda ee guryaha ku rabbeysta inay qabaan cudurka kansarka nooca ku dhaca naasaha.

Tijaabo dheer oo culimada jaamacadda ay ku sameeyeen waddamada Islaamka, gaar ahaan waddamada Carbeed ayaa lagu ogaaday inaanay ka jirin arrintaas, tiiyoo la sheegey in sababta cudur kansareedka naasaha uu sabab u noqdo ku rabbeynta eeyaha ee guryaha.

Haweenka qaaradda reer galbeedka ee dhaqda bisadaha ayaa lagu sheegay daraasaddu haba yaraatee in cudurkaasi aanay qabin.

Jariidada Dailymail ee kasoo baxda waddanka ingriiska, ayaa lagu sheegay sanadkii 2007 dhammaadkiisii in fayruusaad ka yimaada eyda ay sababta cudurka kansarka ee ku dhaca naasaha dumarka. Warbixintaas ayaa ciwaan looga dhigay (DOGS GIVE WOMEN BREAST CANCER), iyadoo nuxurka warbixintaasi laga soo xigtay jaamacadda University of Munich.

Daraasadda ayaa lagu sheegay eyda inay deyso fayruus loo yaqaano MMTV, kaasoo sababa cudurka kansarka ee ku dhaca naasaha.

Horey ayaa daraasaad hore ay culimada reer galbeedku ugu sheegeen in eydu afkeeda iyo dabadeedu ay leedahay bakteeriya iyo cudurro il ma aragto ah, taasoo ay ku sheegeen inay sababto cudurro halis ah oo aanan la aqoonsan karin.

Daraasaddan oo ah middii ugu dambeysay ee looga hadlo eyga, ayaa haddana waxaa dhici karto inay soo baxaan asbaab kale oo qarsoon oo tilmaan buux kasiinaysa umadda reer galbeedka runnimada hadalka nebi Muxammad (NNKH), tiiyoo umadda Islaamka ay maqal iyo adeecid ku aqbashay wax waliba uu horey inoogu keenay.

Xumaan waxaa ka hufan Rabbigii inoosoo diray kheyru khalqih.

Xumaan waxaa ka hufan, Allihii inoogu doortay Muxammad (NNKH), raxmad ahaan

Xumaan waxaa ka hufan, Allihii inoo soo direy nebiga inoo keenay diintan qiimaha badan.

W/Q: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

CAQLIGA SARE IYO DIFAACA DIINTA! (Sheekada Wadaad Muslim ah oo si xikmadeysan ku islaamiyay Baadari)
Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.

Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri “Ma hadlayo ilaa aad inaga dhex saartaan ninkaas muslimka ah.” Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaamada/ raadkii sujuuda) wuxuuna kacodsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri “Mabaxayo ilaa uu Ilaahay ina kala saaro”.

Badarigiina wuxuu yiri “Hadaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa diintaada, hadii kalana Seef baa inaga dhaxaysa! Sheekhiina wuxuu yiri soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu kalsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badarigiina wuxuu yiri iisheeg:

Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?

Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Todoba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?

Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?

Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?

Mase taqaanaa Qabrigii lasocday qofkiisii?

Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?

Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?

Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay? Iyo kuwa beenta sheegay ee Janada galay?

Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabe iyo hooya la´aan?

Mase taqaanaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, sadex hooska kubaxda iyo labo qoraxda ku baxda?

Kajwaab Su’aalahaas!!!

Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistayna inuu carabkiisa Xaqa kutoosiyo, wuxuuna yiri:

Waaxidka aan Laba noqnini waa - Ilaahay (swt)

Labada aan Sadex noqnina waa - Habeenka iyo maalinta

Sadexda aan Afar noqonina waa - Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi asalam

Afarta aan 5 noqonina waa - Tawraad, INjiil, Sabuur iyo Quráanka

Shanta aan Lix noqonina waa - Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay

Lixda aan Todoba noqonina waa - Maalmihii uu Ilahay aduunka ku abuuray

Todobada aan Sideed noqonina waa - Todobada Samo ee Rabbi abuuray

Sideeda aan Sagaal noqonina waa - Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (swt)

Sagaalka Mucjisana waa - Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse

Tobanka badan kartaana waa - Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi usii badin karo qofkuu rabo.

Koobya Tobanku waa - Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii

Sadex iyo Tobankuna waa - Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid

Shayga aan noolayn ee neefsadana - Waa Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa)

Qabriga lasocday qofkii kujirayna waa - Xuutkii liqay Nabi Yunus calayhi asalam

Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yahuuda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; yahuudu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, naar bayna gali doonaan, gaalimadooda darteet.

Kuwa beenta sheegay ee Janada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, kadibna aabahood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.

Uunka uu Rabbi (swt) aabe iyo hooya la´aana abuurayna waa; malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabe, cunto, cabitaan iwm midna.

Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn aabe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabe malahayn.

Geedka 12 laamood lihina waa Sanadka, oo kakooban 12 Laamood/ bilood, bilkastana waxay leedahay 30 warqadood/ maalmood, maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaadood, sadex hooskay kubaxaan; Maghrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.

Kadibna sheekhii wuxuu kuyiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?

Isna wuxuu yiri; Haa, soodaa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Janada furaheedu? Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qaylyay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhamaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu kuweydiiyay, mana kajawaabi kartid!!!

Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idinkaan idiin cabsanyaa….

Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine kajawaab su´aasha!!

Wuxuuna ku jawabay Janada furaheedu waa; (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah).

Iyagiina haljeer bay kaceen dhamaan-toodna dheheena (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah)

Badarigiina way raacdeyeen, kaniisadiina waxay u badaleen Masaajid ilaahay lagu cabudo.

Dr. Axmad Cabdulahi – Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net

Aragtida Islamka: Guurka khasabka Ah
Diinta Islaamku ma oggola in gabadha lagu khasbo nin aanay rabin ama wiilka lagu qasbo gabadh aanu rabin balse waxaa ay mid kasta u jideysaa xaqa ay u leeyihiin inay doortaan qofka ay rabaan inay guursadaan. Waalidku xaq uma laha inay gabadha ku khasbaan inay guursato nin aanay raalli ka ahayn. Inkasta oo gabadha muslimka ah ogtahay ixtiraamka iyo talada waalidkeedu ka mudanyahay marka ay arkaan nin ku habboon maadaama ay wanaag la rabaan kana waayo-aragnimo badanyihiin ayaa haddana aanay gabadhu uga tanaasulayn arrintaas xaqa ay u leedahay inay doorato oo guursato ninka ay rabto ama jeceshahay.

Waxaa muhiim ah in wiilka iyo gabadhu si wdajir ah ugu heshiiyaan guurka oo aan marnaba la isku khasbin. Guur labada qof la isku khasbo oo gabadhu necebtahay ninkeeda waa guur ku dhisan dulmi waxaana hubaal ah inuu ka madhanyahay jacayl, kalgacal, xasilooni, iyo naxariis, taasuna waxaa ay ka soo horjeedaa wanaagga Eebbe (S.W.T) ugu talagalay guurka muslimiinta. Eebbe (S.W.T) waxaa uu Suuradda Arruum, Aayadda 21aad ku leeyahay, “Oo waxaa ka mid ah calaamooyinka Eebbe inuu idiinka abuuray naftiinna xaasas si aad ugu xasishaan, waxaanu ka yeelay dhexdiinna kalgacal iyo naxariis. Waxaa xaqiiqdii taas ugu sugan calaamooyin [Caddaymo muujinaya jiritaanka iyo awoodda Eebbe] qoomka fekeraya.” Waalidiinta gadhahooda ku khasba guurka aanay rabin ama raalli ka ahayn waxaa ay gabdhahooda ka gelayaan dulmi Eebbe (S.W.T) xaraantimeeyay in la iska galo.

Imaam Al-Bukhaari waxaa uu qisadan hoos ku qoran ka soo qaatay gabadh muslim ah oo noolayd samankii Nebi Moxamed (N.N.K.H) magaceedana la odhanjiray Al-Khansa Bin Khidam. Al-Khansa waxaa ay tidhi, “Aabbahay waxaa uu ii guuriyay wiil uu adeer u yahay oo aanan rabin, markaas waxaan uga dacwooday arrintaas Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H). Dabadeed waxaa uu igu yidhi, “Aqbal guurka aabbahaa kuu sameeyay.” Waxaan ku idhi, “Ma jecli inaan aqbalo guurka aabbahay ii sameeyay waayo ma rabo ninka.” Waxaa uu yidhi, “Haddaba guurku ma ansaxayo haddii aadan rabin ninka, orod oo guurso cidda aad rabto.” [Xigasho: Imaam Al-Bukhaari].

Qisadan gabadha la yidhaahdo Al-Khansa waxaa uu Nebi Moxamed (N.N.K.H) markii hore u sheegay inay adeecdo aabbaheed taas oo ay farayso Diinta Islaamku waana sida ay ku habboontahay marka la eego welwelka waalidku ka qabaan guurka gabdhahooda. Laakiin markii ay Nebi Muxammed  (N.N.K.H) u caddaatay inuu aabbaheed ku khasbay guur aanay rabin, waxaa uu gabadha siiyay xornimo ay ku doorato ninka ay rabto si ay dulmiga aabbaheed uga nabadgasho. Qisaduna waa arrin muhiim ah oo gabdhaha la rabo inay ogaadaan inaan waalidkoodu xaq u lahayn inay ku khasbaan guur aanay raalli ka ahayn. Xadiiskanu waxaa uu caddaynayaa in waalidku carruurta ku leeyahay talo marka ay guursanayaan, carruurtana waajib ay ku tahay inay waalidkooda kala tashadaan guurka laakiin aanu waalidku marnaba xaq u lahayn inay gabadhooda ku khasbaan wiil aanay rabin. Guur ku yimaada khasab ama jujuub waxaa uu sida qaalibka ku dambeeyaa burbur iyo furriin.

Haddii gabadhu tahay carmal ama haweeney hore loo guursan waxaa ay leedahay xuquuq ka badan ta gabadha bikradda ah leedahay sida qaalibka ahna waa u madaxbaan tahay arrimaha la xidhiidha guurkeeda. Haweeneyda carmalka ah iyada ayaa u madaxbanaan maamulka guurkeeda kana talinaysa cidda  ay guursanayso. Waxaa keliya ee ay u baahantahay waxa weeye in weligeedu u fasaxo ninka ay rabto inay guursato. Laakiin gabadha bikrada ah lama guursankaro ilaa oggolaansho laga helo iyada kaas oo muujinaya inay rabto wiilka. Caa’sha (R.C) waxaa ay weydiisay Nebi Muxammed (N.N.K.H) in gabadha yar ee waalidkeedu rabo inay nin u guuriyaan loo baahanyahay oggolaanshaheeda? Nebi Muxammed (N.N.K.H) waxaa uu ugu jawaabay “Haa! Waa inay bixisaa oggolaanshaheeda.” Dabadeedna waxaa ay tidhi, “Gabadha yar ee bikrada waa ka xishootaa inay is-muujiso.” Rasuulku waxaa uu yidhi, “Aamuskeeda ayaa oggolaansho ah.” [Xigasho: Imaam Al-Bukhaari iyo Imaam Muslim].

Islaamku ma rabo inuu dumarka saaro culays aanay xammilikarin kaas oo ah in lagu khasbo inay guursadaan nin aanay jeclayn sababta oo ah waxaa muhiim ah in la helo guur lammaanuhu iska helaan xagga muuqaalka, dabeecadda, akhlaaqada, xiisaha, iyo himilada. Haddii guurku khalad ku bilowdo oo gabadha lagu khasbo nin ay si dhab ah u dareemayso in aanay rabin ama jeclayn waxaa markaas dhacaya in guurkaasu ku dambeeyo qalalaase iyo furriin. Sidaas oo kale wiilasha laguma khasbikaro gabadh aanay rabin si looga fogaado qoys isna markiiba burbura. Oggolaanshaha gabadha ee guurka waa in la helaa oo aan lagu khasbin nin aanay rabin.

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: February 21, 2013

(Qormadan waxaa laga soo qaatay buug lagu magacaabo: ARAGTIDA ISLAAMKA: GUURKA IYO GALMADA oo uu qoray Ibrahim Hassan Gagale soona bixidoona dhawaan IN SHAA ALLAAH)

ZINADA iyo Mucjisada ISLAAMKA !!!
Waddanka Maraykanka ayaa sanad weliba wuxuu ku bixiyaa 250 million dollar ah, wacyi gelinta looga hortagaya cudurka AIDIS-ka kadib markii ay waayeen xal kale oo lagu xakameeyo. Sidaas oo ay tahay ayay weli khaati ka joogaan, sida ay caddeeyeen baarayaal reer Maraykan ah oo caddeeyey in howlgalkaasi uu mar weliba fashal ku dhammaado sanad kasta.

Cudarkan AIDIS-ka ayaa halkii ugu horreysay ee uu ka billawdo ay ahayd waddanka Maraykanka, iyadoo maanta dunida inteeda badan uu ku fiday, marka laga reebo waddamada Islaamka oo intooda badan uu cudurkani gelin, qaarkoodna boqolkiiba hal ama labo uun laga helaya.Waddamada ugu badan ee uu ku faafay waa galbeedka, iyo Afrikada gaalada ah, iyo Asia-da bari, Rusia iwm.Sanad kasta ayaa daraasad lagu sheegey inay cudurkani u dhintaan in kudhaw ama dhan 2 Million oo dad ah. Sanadkii 2007 illaa 1981 ayay sheegeen inay u dhinteen cudurkaan in ka badan 25 Million oo dad ah, iyadoo xilliganna ay jiraan in ka badan 33 million oo dad ah oo la ildaran xanuunkan, kuwaas oo sugaya inay u dhintaan.Taas ayaa sababtay in Jaamacadaha ugu waaweyn Maraykanka iyo galbeedka oo dhami ay maal badan ku bixiyaan daraasaadka ku saabsan feyruusaadkaasi layaabka badan, si loogu helo xal waara oo looga hortegi karo ama lagu dabar gooyn karo, balse natiijada ayaa weli ah dawo loo waa’.Cudurka AIDIS-ka ayaa markii ugu horreysay la heley 1979-kii iyadoo uu ka dillaacay dalka Maraykanka, waxayna cullimadii xilligaasi baaritaannadiisa ka qeyb qaadatay ay isku raaceen inuu keeno galbada xagga dambe ah ee dumarka looga tegaya (dabada), ama liwaadka labada nin. Fikradda arrintaasi oo loo sababeynayay cudurkan ayaa muddo kadib is baddashay kadib markay culimadaasi sheegeen in jinsiga xataa lagu kala qaado, bal’ee ay xataa qaadi karaan ilmaha caloosha kujira.Daraasad labo sano kahor (2010), golaha qaramada midoobey kasoo baxday hayadda caafimaadka adduunka ayaa lagu sheegey in maalintii uu ku dhaco cudurkan in ka badan 14 million, kuwaasoo kala barkood (7 million) lagu sheegey inay yahiin dumar, halka 2000 kamid ahna lagu sheegey carruur wilal iyo gabdhaba leh. Inta soo hartay (5000) ayaa lagu sheegey inay yahiin rag sibaayo kale u qaado, ama dumar ka qaado ama iyaga iska qaado (liwaad). Boqolkiiba 70, ayaa lagu sheegey daraasaddani in dadkaasi sanad walba qaado cudurkani ay yahiin kuwa udhashay waddamada galbeedka (Yurub iyo Ameerika), halka inta kalena ay u badan yahiin Rusia iyo Asiada bari (Chine, Japan, Labada Korea, India, Srilanka) iyo Afrikka. Daraasaddan habayaraatee laguma xusin khaliijka, iyo waddamada Carbeed iyo guud ahaan waddamada Islaamka.

Sanadkii 2008 ayay sheegeen inuu ahaa sanadahan dhaw inuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan uu ku baxay ka hortagga cudurkaasi iyo ka wacyigelintiisa bulshada, iyadoo dhaqaalo dhan 22 Billion dollarka Maraykanka ah uu sanadkaasi keliya ku baxay mashruucyada lagula dagaallamayay cudurkan halista ah.

Daraasaadka caafimaad ee baaritaannada ku sameeyey Fayrusaadkan ayaa caddeeyeen in qofka markuu haleelo kadib uu sii noolaan karo muddo 15 sano ah ugu badnaan, kadibna uu cudurka dhigan doono. Waxay intaasi ku dareen qofka uu ku dhacay cudurkan, ee haraggiisu mar weliba dhaqo maalintii (yacni qubeysta ama dhaqdhaqdo), wuxuu ka dabciyaa cudurka inuu si fudud kusoo rido.

Ku dheh kaalaya oo ka barta nadaafadda diinta Islaamka, waayo qof kastoo Muslim Mu’min ah, maalintii shan mar ayuu meydhaa (weyseystaa).

Haddaba intaasi oo daraasaad ah iyo latacaalid cudurkaasi, annaga maxay ka tahay xaggeenna Islaam ahaan?

Waxaan innagu haysannaa amar Rabbaani ah, isaga ayaana inaga difaacaya faxshigaasi iyo xanuunnadaasi layaabka leh. Alle kor ahaaye marna muu oran ha sameynina zinnada. Laakiin mar waliba oo uu inooga digaya zinnada iyo dhibaatadeeda, wuxuu aayadaha Quraanka ah inagu amraa inaynaan u dhawaanin. Waa halka uu ka yiraahdo mar waliba oo uu kitaabka kusoo hadal qaado magaca zino ”Ha u dhawaaninna zinada”.

Wuxuu Alle sarreeye yiri

(قُلْ لِلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ذَلِكَ أَزْكَى لَهُمْ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ) [النور: 30].

Sidoo kale Rasuulkeenna suubban (NNKH) wuxuu yiri

(لم تظهر الفاحشة في قوم قط حتى يعلنوا بها إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن مضت في أسلافهم الذين مضوا)

[رواه ابن ماجه].

”Qoom horey uguma aanay faafin dhexdooda faaxishada (zinada) jeer ay muujistaan, illaa Alle wuxuu ku diraa daacuun, iyo xanuunno aanan hortood kuwii iyaga ka horreeyey dhexdooda lamaqal”.

Waxaa haddaba isweydiin mudan markii qaaradaha reer galbeedka ay ku faaftay faaxishada oo la muujistay, sow Ilaahay uma keenin cudurro iyo xanuunno aanan horey loo maqal (AIDIS)?

Waxaa markaasi su’aal in la weydiiyo mudan ah kuwa Nasaarada ama Yahuudda, ama gaalo oo dhan ama cid kastoo diiddan xaqnimada Quraanka iyo nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH) ”Haddii Nebi Muxammad (NNKH), oo Quraanka kala yimid jeebkiisa, ama uu isaga hawadiisa ku hadli jirey, maxay tahay xaqiiqadan weyn ee uu ku sii sheegey 14 qarni kahor dhibaatada ay leedahay zinada, iyo inay sababayso in cudurro aanan horey loo maqal ay sababayso marka la muujisto”?

Tani (oraahda Nebiga) sow ma ahan daliil cad oo muujineyso nebinnimadiisa iyo xaqnimada hadal kasta oo uu ku hadlay?

Run buu sheegey Ilaahay markuu yiri

(ولا تقربوا الزنا إنه كان فاحشة وساء سبيلاً)[الإسراء: 32].

Sidoo kale run buu sheegey Xabiibkeenna Muxammad (NNKH) markuu yiri

(ولا ظهرت فيهم الفاحشة إلا فشا فيهم الموت) [رواه الطبراني]

Waa yaabe, iyo cajab ee kuwa ku gaaloobay xaqa sidey uga indho la’yahiin risaaladan iimaanka xambaarsan. Sidee buu Nebi Muxammad (NNKH) haddaanu nebi ahayn, uu u ogaan karaa 14 qarni kahora in ay iman doonaan cudurro sababa geeri oo ay dhali doonto zinada?Waxaa mar kale taal su’aal mudan in la weydiiyo Nasaarada iyo Yahuudda ama gaalo oo dhan iyo wixii ka shakiya xaqnimada Quraanka, iyo nebinnimada suubbanaha (NNKH), taasoo ah ”Innagu haddaynu nahay Islaam, muxuu Ilaahay inooga reebayaa zinada, oo uu inoo oranayaa ha u dhawaanina? Maxay tahay sababta rasmiga ah ee uu Ilaahay inoo oranaya ka fogaada zinada? Ma waxay tahay in nala jaajuubaya, oo raaxada iyo bilicda iyo macmacaanka adduunka naloo diidaya, mise xirxirnaan iyo ciriiri ay la timid diinta Islaamka?Arrinku intuba ma ahan, ee waa natiijada hadda taal oo ah naxariista Rabbi iyo fadligiisa, iyo inuu doonaya inuu inaga dahiriya cuddurrada iyo xanuunnada dilaaga ah oo ina dhowro. Waana midda hadda la arkay natiijadeeda oo umaduhu Islaamka ay ka nabad qabaan masiibadaasi halligtay qoom badan, xalkeedana ilaa maanta ay la yahiin reer galbedka.Mahad waxaa iskaleh Allihii inaga yeelay Islaam, ee inoosoo dejiyey xal iyo nuur iyo wacdi iyo waano iyo nolal iyo sacaado dhammaanteed.WQ: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

Daawo Video: Sheikh Umal iyo wixii uu ka yiri maalinka Valentine’s Day.
Caalamka gaalada waxaa maanta oo ah 14-ka February lagu xusayaa maalinta Valentine oo  lagu sheego Maalinka Jaceylka, hase yeeshee ah maalinta xuska Saint Valentine oo ahaa wadaad gaaleed noolaa xilligii boqortooyada Roman-ka.

Waxaase nasiib darro ah in umad badan oo muslimiin ah ay sidoo kale xusaan maalinkan, ayada oo qaarkood aan ogeyn xaqiiqda maalinkan.

Haddaba Si wax badan umadda muslimka ah ay uga ogaadaan arrintan, waxaa wacdi ka jeediyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah mashaa’iqda ugu weyn ee Somalia.

Daawo Sheikh Umal iyo maalinka Valentine.