Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Caafimaadka

Haddii aad FARXAD badan tahay iyo haddii kaleba aqri qormadan (Faldan)
Warbixin lagu dabacay warbaahinta caalamiga ah ayaa lagu sheegay in ay jiraan xiriir ka dhaxeeya farxada aadka u tiro badan iyo hurdo yarida.

Wargayska ka falooda arimaha bulshada Ee lagu magacaabo YOUNEWS ayaa shaaciyey in darasaad laga sameeyey qofka xiliyada uu farax san yahay in ay soo waajahdo hurdo yari lamid ah xiliga qofka uu walwalayo.

Darasadkani waxa uu qorayaa in baritaan lagu sameeyay in ka badan 1000-ruux oo aduunka ku nool lagu ogaaday xiriirka ka dhaxeeya farxadda iyo arimaha hurdo yarida ayna ka mid tahay in qofka marka uu farax san yahay oo ay aad u shaqeeyaan neerfaha la xiriiradhanka maskaxda.

Dadka badankood ayaa waxay aaminsan yahiin in xiliga qofka faraxsan yahay uu aad u seexdo, Hase ahaatee darasadani cilmiyeed ayaa sheegeysa in hurda yarida keento fakradahais weydaarka ah ee farxada iyo murugada badan.

Waxa ay warbaxintani sheegaysaa in ay jiraan dad badan oo xiliga farxada siyaadada ah ay ku gudo jiraan, aad u fakara in ka badan marka uu murugaysan yahay ruuxaasi.

Hadaba Akhriste Warbixinta uu qoray wargeyska YOUNEWS, waxa ay caalamad u tahay in xitaa farxadda aanay mararka qaar aanay u wanaagsaneyn caafimaadka.

Daweynta dabiiciga ee kacsi la’aanta
Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin Hilibka cad sida Kalluunka iyo Digaagga iyo weliba Caanaha iyo Farmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiya kacsiga iyo rabitaanka ragga.

Fitamiin A waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka Borostaatka iyo Qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran. Fitamiin A waxa uu ka buuxaa Karootada iyo khudaarta iyo furutada fareeshka ah inteeda badan.

Fitamiin B1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama  hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.

Fitamiin D, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo Firileyda sida Qamadiga.

Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa:

-  Kalluunka iyo Aragoostada:- Waxay kamid yihiin waxyaabaha Borotiinnada iyo Fitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan.

-  Hilibka Digaagga iyo Ukunta:- Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.

-   Shimbiraha: Sida Booloboolada, Dagiiranka, Qoolleyda, iwm., hilibkoodu waxa uu faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan la joogo qoyska cusub hilibka Shimbiraha uunbay uqooshaan habeenka aqalgalka.

- Xummuska: Xumuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in Xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray Faraska labka ah iyo Ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.

- Basasha:- Basashu Geedka way kicisaa, xawadana kordhisaa.

- Baqdooniska (Parsley):- Waxaaba loo yaqaan Fitamiinka ubad dhalista.

- Timirta:- Timirta waxaa ku jira Fitamiin D, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan (Fitamiinka Taranka).

- Jarjiirka (Rocket):- Waxa uu kordhiyaa samayska xawada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga.

- Karootada:- Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.

- Karafiska (Gelery):- Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah, waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.

-  Xabbat Sowdada:- Xawada ayay kordhisaa.

-  Heylka:- Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.

-  Sacfaraanka:- Ubaxa Sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.

-  Lowska: Lowska (Fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagula tartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.

- Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.

- Cabitaannada: Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo , waxana ugu horreeya Qorfaha iyo Xulbada.

W/D: Sabriye Macalin Muuse.

Maxaad ka taqaan dilaaga aamusan?
MAXAAD KA TAQAANNAA CUDURKA DILAAGA AAMUSAN { KILLER SILIENT}

Sharaxa Dhiig-Karka:

Waddankan Ingriiska (U.K) waxa lagu qiyaasay in uu sedexdii qoba hal qof uu hayo cudurka loo yaqaanno DHIIG-KARKA. Ururka U.K Blood Pressure Association (BPA) waxa uu ku qiyaasay in uu cudurkani ku dhaco dad ku dhow ilaa 16 Mallyuun oo ah daka da’doodu ay ka weyntahay 30 jir, oo weliba intooda badan aysan ogeyn.

Cudurka DHIIG-KARKA waxa hadda loo yaqaannaa “The Silent Killer”. Waayoo waxaa inta badan uu dadka ugu soo boodaa si kadis ah, wax astaamo ah oo lagu gartana  malaha, ilaa qofku gaaro xaalad xun mooyee. In kastoo dhimashada la xiriira DHIIG-KARKA lagu qiyaaso ilaa SADDAX KUN sanadkii. Haddana waxa kaloo uu sababaa cudurada la xiriira wadne xanuunka oo ay dhimashadooda dhakhtarradu ku qiyaaseen ilaa boqolkun oo qof sanadkii.

Waa maxay DHIIG-KARKA?

DHIIG-KARKU (Blood Pressure) asalkiisu waa quwadda (amaba pressure ka) ka dhexdhacda xididada dhiigga qaada, marka uu Wadnuhu dhiigga ku tuuro jirka intiisa kale.  Waa Bereesharka ama quwadda uu Wadnuhu xiddidada ugu cadaadiyo dhiigga si uu u gaarsiiyo jirka oo dhan.

Waa maxay astaamaha Dhiig-Karku ?

Sidii aynu horeba u soo sheegnay cudurka DHIIG-KARKA waxa loo yaqaannaa “The Silent Killer” (DILAAGA AAMUSAN!) tani waxa ay ka dhigan tahay in uu yahay xanuun aan astaan lahayn. Haddaba arriinta ugu muhiimsan ee ay Dhakhtarradu ina farayaan waa muhiimadda ay leedahay DHIIG CABBIRKU. Waayo sida badanaaba dhacda waxa laga yaabaa in aanu qofku ogaan in uu DHIIG-KARKA qabo ilaa xanuunku soo rito oo uu dhib weynna uu geysto mooyee. Sidaa daraaddeed waxa aad u mihiima ah in qofkii ka weyn 30 jir amaba ka mid ah dadka halista u ah in uu DHIIG-KARKA ku dhaco ay had iyo jeer Dhiiggooda cabbiraan.

DHIIG-KARKA aadka u daran calaamadaha uu keeno waxa ka mida:

· Madax xanuun badan

· Hurdo badan

· Dawakhaad

· Iyo Kooma

QAYBAHA DHIIG-KARKA EE DADKA KA WEYN 18 SANO

QaybahaDHIIG-KARKA

Numberka hore,ee loo yaqaan(Systolic)

Numberka hoose eeLoo yaqaan (Diastolic)

Normal (Caadi)

Wixii ka hooseeya 120

Wixii ka hooseeya 80

DHIIG-KARKA yar

120-139

80-89

DHIIG-KARKA

Xaalada 1

140-159

90-99

Xaalada 2

160 ama ka badan

100 ama ka badan

Cadaadiska Dhiigga waxa lagu qiyaasaa labo tiro. Cadaadiska Dhiiggu ee loo baahan yahay waa 120/80mmHg.

Tirada hore ee (120) waa heerka ugu sarreeya ee cadaadiska Halbowleyaasha marka Wadnuhu soo ururo ee uu garaacayo si uu dibadda ugu saaro Dhiigga oo jirka u gaarsiiyo. (Systolic blood pressure)

Tirada labaad ee (80) waa heerka ugu hooseeya ee cadaadiska Halbowleyaasha marka Wadnuhu is debciyo, si Dhiiggu u soo galo Wadnaha. (Diastolic blood pressure)

Heerka caadiga ah ee cadaadiska Dhiigga marka la cabbiro halbeeggu akhriyaa

waa 120/80mmHg.

Haddaba waxa la dhihi karaa qofku waxa uu DHIIG-KARKA qabaa marka uu qiyaasta “Qquwadda” Dhiiggiisu ay ka badan tahay 120/80mmHg (millimeters of mercury).

Haddii aad ka weyn tahay da’da 30 jir ama aadan xusuusan karin markii u dambaysay ee aad iska baarto DHIIG-KARKA, waxaad ka mid noqon kartaa16 Malyuun ee DHIIG-KARKA qaba. Dhakhtarradu waxay caadiyan isctimaalaan kalmadda “hypertension” oo ay ku fasireen xaalad sababi karta in qofku muddo sanado badan wax xanuun ah dareemin laakin keeni karta jah wereer qawaacid ah oo ay kamid yihiin Wadna xanuun iyo Daal fara badan.

Yaa halis u ah Dhiig Karka?

Dhakhaatiirtu waxa ay badanaa yiraahdaan mar kasta oo ay qofka da’diisu sii korayso waxayu horseedi karta inuu ku dhaco DHIIG-KARKA. Laakiin waxa ay u badan tahay in aad DHIIG-KARKA  yeelato haddii:

Hiddo aad u leedahay (Waa haddii Waalidkaa, Waalidkii, iyo Walaaladaa qabaan ama qabeen DHIIG-KARKA)

Jinsiyaddaadu hadday ka soo jeeddo (Afrikaan)

Aad Cudurka Macaanka ama Sokorowga  qabtid

Uu miisaan kaagu aad u culus yahay

Aanad caadiyan samayn jimicsi ama aanad firfircoonayn

Aad Sigaar cabtid

Sidee loo baaraa DHIIG-KARKA?

Haddii aad rabto caawimo, warbixinno wacan ayaa jira. DHIIG-KARKA si fudud ayaa loo baari karaa. Dhakhtarka ama meel xarun caafimaad ayaa cabbiri kara Dhiigga si dhakhso ah oon xanuun lahayn. Haddii cabbirku ka sarreeyo intii caadiga ahayd waxaa cabbirka lagu celin doonaa mar kale ilaa saddex ama afar jeer, si loo hubiyo in cabbirkii u horreeyay wax is bedel ah lagu arkay iyo in kale.

Sidee Loo daweeyaa DHIIG-KARKA?

Haddii lagaa helo DHIIG-KARKA waxaa laga yaabaa inaad ka mid noqotid dad aad u badan oo aan u baahnayn wax daaweyn ah in muddo ah. Waxa DHIIG-KARKA lagu maalmuli karaa is bedel dhinaca noloshaaada ah.

Sida in aad cunto fiican cunto, jimicsi samaysid amaba aad firfircoonaatid, culayska iska ridid ama yaraysid lana socotid caafimaadkaaga. Haddii loo baahdo daaweyn, waxaa jira daawooyin badan oo waxtar leh oo loo qaato kiniin ahaan caadi ahaan hal xabbo maalintii.

Maxaan samayn karaa si aan iskaga ilaaliyo (amaba u maamulo khatarta) DHIIG-KARKA haddii la iga helo?

Qof kasta oo qaan gaar ha ama kor u dhaafa da’da dhexe waa in uu yaqaanna qiyaasta dhererkiisa, culayskiisa, cadaadiska Dhiigga iyo heerka dufanka Dhiiggiisa (cholesterol level).

Waxa aad iskaga ilaalin kartaa amaba u maamuli kartaa DHIIG-KARKA adigoo wax ka badela hab nololeedkaaga

Jooji cabitaanka Sigaarka

Hoos u dhin miisaankaaga

Jimicsi samee si joogto ah

Cun cunto kala duwan oo dheelli tiran

Hoos u dhig isteraskaaga “Buufis” adigoo iska ilaalinaya xaaladaha keenaya.

Isbedelladan haddii aad samayso waxa ay hoos u dhigayaan cadaadiska Dhiiggaaga. Waxa kale oo ay yareynayaan khatarta qaadintaanka DHIIG-KARKA.

Si guud marka loo eego, qofka uu si joogta ah uga sarreeyo Heerka tirade sare ee cadaadiska dhiigga (systolic pressure) 160 mmHg  ka hoosena (diastolic pressure) uu ka sarreeyo 100mmHg  waxa uu u baahan yahay daweyn hoos u dhigta heerka cadaadiska Dhiiga.

Dadka iyaguna in yar uu ka hooseeyo cadaadiska dhiiggoodu (140-159mmHg ka sare (systolic) ama 90-99mmHg ka hoose (diastolic) iyaguna waxa ay u baahan yihii daweyn haddii ay Khatar ugu jiraan in ay ku dhacaan xanuunnada faaliga (stroke) Laab Xanuun (angina chest pain).

Haddii DHIIG-KARKAagu u baahan yahay daweyn, waa in aad si joogto ah ula xiriirtaa Dhaqtarka, aadna qaadataa dawooyinka uu kuu qoro.

Health officer: Maxmed Cali Axmed

Khartoum, Sudan

Wixii su’aalo iyo talo weydiin ah ku soo hagaahi:

Cali_640@hotmail.com

Dhibaatooyinka biyo-bax la’aanta ee xilliga galmada!!!
Dhibaatooyinka la xiriira biyo-baxa waxaa ka mid ah:

1- Biyo-bax la’aan (Anejaculation)

Waa marka qanjirka prostate-ka iyo marinnaha manida ay soo tuuri waayaan biyaha.

Biyo-bax la’aanta runta ah saameyn kuma laha dareenka galmada.

Biyo-bax la’aanta waxaa keeni karo:

- Dhaawac gaaray lafdhbarta (xangullaha)

- Dhaawac gaaray dabaqanaanta

- Qalliinnada qaar sida (Colorectal surgery [qalliinka mindhicirka iyo maroorka] iyo Aortoiliac surgery [qalliinka garwadnaha])

- Cudurka xasuus lumiyaha ee parkinson

- Sonkorowga dhalinyarada (Juveline Diabetes)

- Daawooyinka qaar sida: daawooyinka dhiigkarka, Daawooyinka diiqada, Daawooyinka waallida iyo Cabidda aalkoloda.

2- Shahwo la’aan (Anorgasmia)

Waa awood la’aanta in qofku shahwada dareemo (dareenka biyo-baxa oo maqan), waxyaabaha keenana badankood waa dhibaatooyin nafsaani ah (Psychological) sida fakirka iyo welwelka xilliga galmada.

3- Daahidda biyo-baxa (delayed ejaculation)

Daahidda biyo-baxa waxay ka timaadaa dhibaatooyin kala duwan waxaana ka mid ah:

- Dhaawac lafdhabarta ah

- Dhaawac guska ah (dhaawac neerfo)

- Daawooyinka dhiigkarka, waallida iyo niyad-jabka (diiqada)

4- Dib u noqoshada biyaha (Retrograde ejaculation)

Waa in biyaha dib ugu laabtaan kaadi heesta meeshii laga rabay in horay u soo raacaan ibta guska.

Waxaana keeni karo waxyaabahaan soo socda:

- Waxyaabaha keeno biyo-bax la’aanta ee kor ku xusan

- Ibta kaadida oo xiran ama ciriiri ah

- Afka kaadiheysta oo dabacsan ama iin leh

- Qalliinka saarista qanjirka prostate-ka

5- Biyo-bax daciif ah (Asthenic ejaculation)

Waa tabardarri la xiriirta biyo-baxa oo sidii la rabay qofku u tuuri karin, waxaana keena isla dhibaatooyinka biyo bax-la’aanta kor ku xusan iyo ciriiriyowga ibta.

Tani saameyn weyn kuma laha uureynta iyo bacriminta ugxantaba.

6- Biyo-bax degdeg ah (Premature ejaculation)

Waa awood la’aan in qofku sii heyn kari waayo biyaha.

Tani waxay la xiriirta kacsi la’aanta iyo hawlgabka kacsiga waxaana uga hadlay qoraal gooni ah.

7- Biyo-bax xanuun leh (Painful ejaculation)

Waa in qofku dareemo xanuun xilliga biyo-baxa.

Tani waa mid la kasbado oo mid qofku ku dhasho maahan, waxayna ka imaataa in marinka biyaha uu xirmo taas oo ka dhalato caabuqa prostate-ka iyo caabuqa ibta.

Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay waxay la xiriiri karaan waxyaabahaan soo socda:

- Sonkorowga

- Xanuunnada neerfaha

- Shilalka

- Caabuqa saxaaxa iyo kaadi mareenka

- Qalliin hore.

Daaweynta dhibaatooyinkaan waxay ku xirantahay da’da lamaanaha iyo nooca dhibaatadiisa.

Waxaa muhiim ah in la daaweeyo waxyaabaha keeno dhibaatooyinkaan tusaale ahaan cudurrada sonkorowga iyo dhibaatooyinka prostate-ka.

Waxaa kaloo jira daawooyin gaar ah oo la isticmaalo waxaana kula talin lahaa qofkii ka cabanayo mid ka ah dhibaatooyinkaan in uu la xiriiro dhakhtar ku taqasusay arrimahaan si daryeel dhameestiran u helo (haddii talo, daawo ama qalliinba tahay).

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Somalidoc

Galmada Waqtiga Uurka “Sex During Pregnancy” (Wax ka baro)
Maalmahaan, dadku waxay si ka fudud si kasta oo hore uga hadlaan galmada. Si kasta ha ahaatee, dadku mararka qaarkood way ka weji gabxaan iney ka hadlaan galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka qabsato iney su’aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan takhtarkooda ama kalkaalisada. Sidoo kale, haweenka iyo ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa isku qarsada.

Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa laga yaabaa inaadan ogaannin in uurku uu yahay waqti dareenkaaga badalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin beddelo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad kacsanaan, farxad, diiqo, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo qurux, lur iyo soo jiidasho la’aan. Aabbuhu, dhinaca kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu ilmo aabbo u noqdo ama uu ka wel welo mas’uuliyado cusub. Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu

adiga iyo ilmaha kobcaya difaac idiin noqdo ama uu ka masayro culeys saariddaada uurka cusub.

Isbeddelladaan dabciga waxaa laga yaabaa iney saameeyaan sida uu midkiinba midka kale ka dareemayo iyo rabitaanka galmada. Shayga ugu muhiimsan ma ahan waxa aad dareemeysiin iyo sida aad ugu maleyneysaan inuu xun yahay, ee waa isla wadaagidda dareemmadaas. Sidaan, ayaad ku sameyn kartaan isbeddello si aad xiriirkiinna galmo uga yeeshaan mid labadiinnaba idiin wanaagsan.

Waxaa soo socda qaar ka mid ah jawaabaha su’aalaha ku saabsan galmada ee inta badan dhiba lammaaneyaasha ilmaha filanaya. Haddii aad su’aalo dheeraad ah

qabtid, ama haddii aad dhibaato galmo aad qabtid waqtiga uurkaaga oo aadan adinku xallin karin, talo weydiiso takhaatiirteenna adigoo kala soo xiriira emailkaan help@somalidoc.com. Inkastoo, laga yaabo inaad u maleyso in su’aashaadu ay tahay mid nooc ah, dadka kale waxay dhab ahaantii qabaan walaac kaas la mid ah.

Su’aalaha dhiba haweenka uurka leh

● Miyey rabitaannadayda galmadu noqonayaan kuwo yar waqtiga uurka?

Ma jiraan labo haween ah oo dareema si isku mid ah waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo xiiseyntooda galmada.

Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu u yahay waqti xorriyad. Waqtiyo dhowr ah, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa iney dareemaan iney “luminayaan qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin” waqtiga uurka. Qaar ayaa laga yaabaa iney ka fogaadaan galmada, iyagoo

dareemaya rabitaankiisa oo aad u yar. Kuwa kale ayaa laga yaabaa iney doonayaan galmada iney lammaanahooda uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh.

Haddii aadan xiiso u haynin galmada, kala hadal lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa iney lammaanahaaga ku adag tahay inuu fahmo.

● Miyey galmadu wax u dhimi kartaa ilmaha?

Suuragal ma ahan in ilmaha ku jira ilmo galeenka wax loogu dhimo galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya, caloosha, derbiga uur ku jirta, iyo sinaha lafaha leh ayaa ka shaqeeya iney ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.

Haddii galmo sameyntu ay lur ama xanuun leedahay, kala hadal takhtarkaada.

Galmada waqtiga uurku maahan badanaa mid xanuun leh.

● Ma waxyeello ayey leedahay in la isku biyo baxo (shahwad la isku daayo) waqtiga uurka?

Shahwo waxyeello uma lahan ilmaha.

● Intee ugu badan ayey galmadu ammaan tahay waqtiga uurka?

Inta ugu badan ee aad galmo sameyso adiga ama ilmahaaga idin saameyn meyso, ilaa inaad qabto dhibaatooyin halistoodu sarreyso mooyaane laguuna sheegay inaadan galmo sameynin. Lammaaneyaashu waxay isu tagaan xaddiyo kala duwan waxayna xataa ku kala duwan yihiin bil ilaa bisha kale.

Haweenka qaarkood ma xiiseeyaan galmo muddada saddexda bilood ee ugu horreysa uurka. Tan waxaa laga yaabaa iney ugu wacan tahay daalka iyo isbeddellada ku yimid hormoonnada. Dareemmadaanu waxay badanaa isbeddelaan saddexda bilood ee ugu horreysa markaasoo rabitaanka galmada iyo tamar korortay laga yaabo iney yimaadaan.

● Galmo ma sameyn karaa waqti kasta oo uurka ka mid ah?

Galmada badanaa waa la oggol yahay inta uu uurku jiro oo dhan ilaa iyo dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya. Takhaatiirta qaarkood waxay dareensan yihiin in waqtiga dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya, galmadu laga yaabo iney keento dillaac waqtigiisa ka soo hormara oo ku yimaada xuubka.

Takhaatiir badan ayaa dareen xooggan ka qaba jawaabta su’aashaan. Waxaa kuugu wanaagsan inaad raacdid talada takhtarkaaga.

Galmada waa in la joojiyaa waana inaad takhtarkaaga wacdaa haddii:

“ Biyahaagu ay soo burqadaan ama galka biyuhu uu dillaaco

“ Uu dhiig hoostaada ka imaanayo, ay ku cun-cuneyso ama dheecaan ka imaanayo

“ Aad xanuun hoosta ama uur ku jirta ka dareento

“ Uu ilmo galeenku isku soo giigsamayo, isu soo ururayo ama fool waqtigeedii ka horreysa ku qabato

● Haddii aan lahaa taariikh dhicis dhalid, weli galmo ma sii sameyn karaa?

Haddii aad lahayd dhicis, waa inaadan galmo sameynin saddexda bilood ee ugu horreysa ee uurkaaga. Takhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona inaadan raacin baabuur kac-kacaya ama inaadan ka qayb qaadan hawlo jir ahaaneed oo waaweyn ama jir dhis. Xannibaadahaan waxay mandheerta (dhalmada ka dib) ka caawinayaan iney si ku filan ugu kobocdo si markaas uureysi guul leh uu dhaco.

● Cadaadiska waqtiga galmadu wuu i dhibaa laakiin xanuun iguma hayo.

Haddii miisaanka lammaanahaagu uu ku dhibayo, in booska la beddelo ayaa caawin karta.

● Aad ayey u adag tahay inaan lammaanahayga kala hadlo sida aan dareensanahay.

Marmar, ragga qaarkood jir ahaan “way damaan” waqtiga uurka lammaanahooda. Badanaa dareenku waa iska ku meel gaar, waana inaan loo arag diidmo. Lammaanahaagu waxaa laga yaabaa inuu qabo walaacyo kale oo xoogaa ah iyo dareemmo isku dhafan oo ku saabsan uurka, kuwaasoo laga yaabo iney ka dhigaan inuu dhaqmo si aan kala jelcaan lahayn inyarna kuu nuglaado. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad ku lug yeelato nolosha gudahaaga ku jirta taasoo laga yaabo inuu dareemo inaadan isaga dan u lahayn. Iskala hadla dareemmadaan.

Su’aalaha dhibaatada u keena aabbayaasha ilmaha filaya

● Waxaan u baahanahay inaan galmo sameeyo, laakiin ilaa iyo markii ay uurka qaadday lammaanahaygu ma daneyneyso galmo.Tani waxay dhexdeenna ka abuurtaa xurguf. Maxaan sameyn karaa?

Waxoogaa qaab isu samir ah ayaa ah xalka ugu wanaagsan. Ka wada hadla dhibaatooyinka iyo dareemmada. Galmo sameynta inyar ama helidda wax la isaga jabiyo oo u baahan ka qayb qaadasho yar oo dhinaceeda ah ayaa laga yaabaa iney xal noqoto.

Mararka qaarkood haweenka way ku adag tahay iney dareemaan galmo markaasoo aysan dareensanayn inuu ku habboon yahay. U sheeg iney weli tahay mid soojiidasho leh lana jecel yahay iyadoo caloosheedu weliba soo buuran tahay. Tan waxaa laga yaabaa iney kordhiso xiiseynteeda galmada.

● Markaan dareemo ilmaha oo dhaqaaqaya annagoo galmo sameyneyna, waxay dhammeysaa xiisaha aan u hayo galmada.

Waxaa laga yaabaa inaad ka wel welsan tahay in laga yaabo in ilmaha aad waxyeeshaan. Ilmuhu si wanaagsan ayuu u dhowran yahay isla markaana haraatida iyo is rogiddu shaqo kuma lahan hawshaada galmada. Haraatida ilmuhu waxaa laga yaabaa iney ku xusuusiso doorka lammaanahaaga ee sidii hooyo oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u dareento sidii qof saddexaad oo la socda galmadiinna. Waxaa laga yaabaa iney idin caawiso inaad isku daydaan boos kale si markaas aadnaan u dareemin dhaqaaqa ilma

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

somalidoc

Cudurada halista ah ee dhallaanka kula dhaca umusha (Xog buuxda)
Bismillaah, marka aan ka hadleyno cudurada dhalaanka kula dhaca umusha (Neonatology) kama hadleyno hal jirro, balse waxa aan ka hadleyno waa maado dhameestiran oo laga qoro buugaag waaweyn anagase aan dooneyno in aan kusoo koobno dhowr maqaal oo gaa-gaaban.

Cudurada aan ka hadleyno waa ku badanyihiin wadankeena, dhallaanka ey ku dhacaaane ma helaan daryeel caafimaad oo ku filan, taa oo keenta in ey badankood u dhintaan jirrooyin laga yaabo in la daweyn karay, waana tan nagu kaliftay in aan qorno silsiladan maqaalada ah ee u gaarka ah dhalaanka, maqaaladan waxey xambaarsanyihiin dhaliilo toos ugu socda isbitaalada dhalmada iyo dhalaanka, iyo sidoo kale hey’adaha xukuumiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka.

Maadaama aanan awoodin in aan maado dhan kusoo koobno hal maqaal, maqaal kasta waxaan uga hadli doonnaa hal jirro oo ka mid ah kuwa ugu badan ee dila dhalaanka soomaaliyeed.

1) BIRTH ASPHYXIA: Waa jirro dhalaanka kasoo raacda foosha, waxaana keenta dhalaanka oo aanan helin hawada (oxygen) uu u baahanyahay inta lagu gudajiro foosha iyo marka uu dhashaba, hadii uu dheeraado waqtiga uu dhalaanku heleynin oxygen ku filan waxaa ka dhalaneysa in uu dhaawac gaaro unugyada maskaxda isla markaane dhalaanku uu saqiiro ama uu mudo noolaado asagoo cuuryaan ah, calaamada ugu horeysa uguna muhiimsan ee xaaladan waa dhalaanka oo aanan ooyin marka uu dhasho, taasoo macnaheedu yahay in sanbabaha cunuga eysan u shaqeyneynin habki la rabay isla markaane eysan soo saari karin biyaha galay inta ey fooshu socotay. Dalka Soomaaliyana aad ayey ugu badantahay jiradan. Sababaha jirradan keena wey badanyihiin waxaase ugu muhiimsan:

A) Hooyada oo uu ku ceshoomo naqaska ama aanan helin hawo ku filan inta lagu guda jiro foosha, dhiig la’aanta waxeey kaalin weyn ka ciyaartaa in hooyooyinku la kulmaan xaaladahan marka ey foolanayaan, waana mid kamida sababaha ugu badan ee keena Birth Asphyxia. Nasiib xumo wadankeena waxaa ku yar qalabka oxygen-ka dheeraadka ah loo isticmaalo (oo ah wax aanan qarash badan xataa u baahneyn), sidaa darteed hooyadi ey qabsato xaaladan ilaahey uunbaa u maqan.

B) Neef mareenka dhalaanka oo xirma; inta lagu guda jiro foosha waxaaa galo neef mareenka dheecaan, balse marka uu cunuga dhasho waa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaraa, ooyinta cunuga ayaana calaamad u ah in neef mareenku furanyahay, caalamka horomaray xarun kata oo umuliso waa ey leedahay qalabka asaasiga u ah dib u furida neef mareenka. Balse nasiib xumo wadankeena xarumaha dhalmada ma lahan qalabkan, waxeyna sameeyaan kaliyah waxyaabo aanan la hubin in ey mar kasta shaqeynayaan, sida in dhalaanka duudka laga dhufto, ama madaxa loo fooraariyo. Hadii uu isku daygaas shaqeyn waayo, dhalaankaas ilaahey uunbaa u maqan.

C) Xaalado la xiriira mandheerta (placenta) iyo xariga ku xira dhalaanka (umbilical cord) ayaa sababa cudurkan, sida in mandheertu ey ka go’do ilma-galeenka waqti hore, taasoo hawada iyo nafaqadaba ka jareysa cunuga.

D) Sidoo kale xaalado kale ayaa sababi kara sida foosha oo socta waqti dheer, infection halis ah oo haaya hooyada ama dhalaanka, dhiig karka hooyada, ama neef mareenka dhalaanka oo aan si sax ah u korin. Dhamaan waxyaabaha sababa jiradan waxey leeyihiin qorshooyin looga hortago, waa hadii la heesto qalab si dhaw lagula socdo xaalada hooyada iyo dhalaanka, qalabkaas oo inta badan wadankeena ka maqan.

-CALAAMADAHA: Calaamadaha jiradan waxaa kamid ah ooyin la’aan ama ooyin tabar daran, midabka maqaarka oo buluug isku badala, garaaca wadnaha oo hooseeya, neefta oo aad u yaraata iyo calaamado kale.

-MAAREYNTA: maareynta xaaladan waxaa kamid ah:

*Hooyada oo si deg-deg loo siiyo oxygen dheeraad ah hadii ey hawadu ku yaraato inta ey socoto foosha. * In si deg-deg ah loo qalo hooyada (Caesarean section) hadii la dareemo in uu halis ku jiro caafimaadkeeda ama caafimaadka dhalaanka. * in dhalaanka marki uu dhasho dhaqsiba loo isticmaalo qalabka dib loogu furayo neef mareenka isla markaane laga shaqeysiiyo. Hadii ey shaqeyn weysana si deg-deg ah loogu xiro qalabka loo yaqaano ECMO (Extracorporeal Membrane Oxygenation) oo qabanaya shaqadii sanbabaha, qalabkan ayaa dhiiga dhalaanka ku shubaya sanbabo artifishal ah oo loo isticmaalayo si dhiiga dhalaanka oxygen loogu daro. Waxyaabahaas oo dhanne wadnkeena lagama helo ama waa ku yaryihiin.

Hadaba waxaan ku dhiira galineynaa masuuliyiinta isbitaalada iyo sidoo kale wasaarada horomarinta iyo adeegyada bulshada in ey arimahan xal u helaan, oo ey isdareensiiyaan masuuliyad ku wajahan badbaadada caruurteena iyo hooyooyinkeena.

Wabillaahi towfiiq W/Q: Dr. Axmed Xalaal Waaxda horomarinta caafimaadka dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.

XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:

http://www.facebook.com/jiilkacusub

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Sigaarka (W/Q: Dr. Axmed Xalaal)‏
Bismillaah, sanadkiiba 5 milyan oo qof ayaa u geeriyoota sigaar cabida, waa qiyaas ku dhisan daraasad ey sameysay WHO, ilaa 25 cudur oo waaweyn ayaa loo aaneeyaa sigaarka, sidoo kale jirrooyin kale oo fara badan ayuu sigaarku kaalin weyn ka qaataa sababidooda iyo uga daridooda, sidaa darteed waxa aan ka hadleyno waa cadaw weyn oo ilaahey ku saliday insaanka, mudanne in aan wax badan ka ogaano.

Hadaba inta aanan guda galin cudurada uu sababo sigaarka, waxaan jeclaan lahaa in aan yara isdul taago sigaarka waxa uu yahay, iyo sida uu u sababi karo dhibaatooyin ku yimaada jirka bini`aadamka. Sigaarka wuxuu ka sameysanyahay qiyaastii afar kun (4000) oo maadooyin kiimiko ah, maadooyinkaas waxaa ka mid ah boqolaal sababi kara cuduro ku dhaca jirka sida kansar, cudurada wadnaha, xididaha, sambabaha iyo xubnaha kale ee jirka, maadooyinkaas waxaa kamid ah:

1. Nikotiin (nicotine): waa maadada keenta in qofku sigaarka caadeesto islamarkaane u diideyso in uu ka haro, waxey marka hore saameysaa qeybaha kala duwan ee maskaxda, qofku wuxuu dareemayaa firfircooni iyo qanacsanaan, taasne waxey keentaa in maskaxdu la qabsato oo qofku markuu sigaar waayo uu dareemo caajis iyo niya jab, waana sababta ey qofka ugu adagtahay in uu dhaafo sigaarka mar hadii uu u barto. dhanka kale nicotine muxuu jirka kale ku sameeyaa?

A) Nicotine wuxuu sababaa in uu kor ukoco heerka kolistrolka dhiiga (cholesterol) oo ah nuuc kamid ah dufanta, taane xaaladaha ugu adag ee ka dhasha waxaa kamid ah in dufantu ey adkeyso xididada dhiiga sida ey iskugu dul fuul-fuuleyso, islamarkaane sababto in xididadu yaraadaan ama ey xirmaan, waana waxa ugu badan ee sababa dhimashada aduunka, sida in ey xirmaan xididaha waraabiyo wadnaha (atherosclerosis of coronary arteries), mana ahan cholesterol kaliyah waxa sababa xidid xiranka ee sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in unugyada xididada gudaha ka daboola (endothelial cells) ey iska bataan oo ey xiraan xididka, xaaladahaasne waxey sababaan jirrooyinka wadnaha ee halista ah sida wadnaha oo istaaga. Sidoo kale xubnaha ugu badan ee dhiig xirku saameeyo waxaa kamid ah maskaxda iyo kilyaha.

B) Sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in uu kor u koco heer karka dhiiga islamarkaane wuxuu sababaa in wixi sokor keyd ku ahaa gudaha unugyada lagusoo shubo dhiiga, taane waxey keentaa in qofku uusan dareemin baahi oo ey yaraato wax cunidiisa, waana sababta ey caato u yihiin inta badan dadka sigaarka caba.

2. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro ugu yaraan 80 maado oo sababi karta kansar (cancer) sida maadada loo yaqaana TAR iyo kuwo kale, maadooyinkan waxey la falgalayaan unugyada jirka waxeyna sababayaan in uu khaldamo hab abuurka iyo hab shaqeynta jiinyada (genes) laga maamulo unuga shaqadiisa iyo qeybsamidiisaba (mutation), taasoo keeneysa in unugyadu u bataan hab ka baxsan kana badan sidi loogu talagalay taas oo keenta waxa loo yaqaano kansarka.

3. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro maadooyin kale oo hab kale u sumeyn kara jirka.

HADABA WAA MAXAAY CUDURADA UU SABABO SIGAARKU?

1. CUDURADA WADNAHA: diraasooyin la sameeyay ayaa waxey qeexayaan in qofka sigaarka caba 80% uga badan yahay halista cudurada wadnaha qofka aanan cabin sigaarka. Sidoo kale diraasad kale ayaa waxey qeexeysaa in qofka sigaarka caba 50% ey u badantahay in waxa dili doono ey noqon doonaan jirrooyin la xiriira sigaarka. Habka sigaarku u sababo cudurada wadnaha waxaan ugasoo hadalnay kor marki aan ka hadleynay nicotine.

2. KANSAR (CANCER): boqolkiiba sagaashan (90%) Waxa sababa kansarka sanbabaha oo ah kansarka ugu badan dunida waa sigaarka, kansarka sanbabaha waa dilaa waana adagtahay in la maareeyo, dadka ugu badan ee uu ku dhoco kansarka sambabaha waa sigaar cabayaasha. Sidoo kale kansarka afka, kan dhuunta, hunguriga, kilyaha, baaryaraha, caloosha iyo kuwo kalaba waa uu sababaa sigaarku.

3. CUDURADA KALE EE SANBABAHA: boqolkiiba sideetan (80%) cudurada keena in neef mareenku xirmo ama ciriiri noqdo ee leesku yiraahdo COPD (chronic obstructive pulmonary disease) sida neefta (asthma), borokiitada (bronchitis) iyo sanbaba bararka (emphysema) waxaa sababo sigaarka, waana sababta keenta in dadka sigaarka cabo eyna ka reysanin qunfac iyo xaako.

4. KILYAHA: marka lagasoo tago halista sigaarka ee kansarka kilyaha, sidoo kale sigaarku wuxuu dhaawici karaa kilyaha, asagoo keeni karo kilyo fashil iyo dhiig kar.

5. INFECTIONS: sigaarku wuxuu jirka u sahlaa in ey ku dhacaan infakshino (infections) kala duwan gaar ahaa kuwa sambabaha sida qaaxada (TB).

6. TARANKA: raga ey ku dhacdo tabar darada dhanka dareenka (impotence) 85% waa sigaar cabayaasha.

7. DHALMO LA’AANTA HAWEENKA: sigaarka wuxuu saameyn ku leeyahay xubinta soo deyso ugxaanta taranka haweenka, wuxuuna ka hortagaa soo deynta hormono muhiim u ah, sidaa darteed haweenka sigaarka cabo waxey halis ugu jiraan madhalanimo.

8. DHANKA MASKAXDA: in kasto oo sigaar cabayaasho ey ku doodaan in sigaarku maskaxda u dajiyo, waxaa la ogaaday in walwalka iyo stress-ku ku badanyahay dadka sigaarka caba.

Hadaba sigaarka waa middi uu isku gowracayo qofka cabaya, sidaa darteed qofku waa in uu iska gooyaa cabidiisa, inta uusan qabriga dhigin.

Wabillaahi towfiiq

W/Q: Dr. Axmed Xalaal

Waaxda horomarinta caafimaadka dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.

XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:

http://www.facebook.com/jiilkacusub

Caafimaadka Xubnaha Taranka (2)
Halkan ka aqri Caafimaadka Xubnaha Taranka Ragga

Xubnaha taranka dumarku waxay u baahan yihiin in loo daryeelo si ka daran kana feejigan kuwa ragga sababta oo ah. Xubnohooda taranka waxaa ku hoos jira qanjirro soo daaya dhidid iyo dheecaanno keena ur laga dido. Qolfada kintirku sida tan geedka ninka aan la gudin oo kale ayay usoo deeysaa dareere si dhaqsa ah isu beddela, si aad ahna usoo ura, kaasi oo loo yaqaan (baaro = dooro) Cambarku waxa uu soo daayaa dareere aysiidh ah oo hadduu xaddigiisa dhaafo jirka iyo dharkaba halleeya. Afka daloolka kaadidu waxa uu ku yaal meel dedan, taasi oo keenta in dhibco kaadi ahi ay ku hooraan cambarka, keenaanna inuu uro.

Cambarku waxa uu xiriir la leeyahay micnaha quruxda, ninkuna kolka ay haweeneydiisu isu dhiibto oo ay hor dhigto, waxa uu cambarka u eegaa sidii isaga oo hor fadhiya shey xurmo mudan. Lama xisaabi karo inta dumar daqiiqaddaasi ku waayey jacaylkii gacalkoodu u qabay, sababta oo ah “Albaabkii Jannada” ee uu wax badan dhawrayey baa kolkuu kala furay qurmoon aanu filayni kaga soo baxay.

Hooyada waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay hubinta nadaafadda xubnaha taranka inanteeda yar kahor intaanay qaan-gaarin iyo kadib intaba. Kolka ay gabadhu qabto cudurro sida jabtada oo kale ah, waa in si dhaqsi ah loo daaweeyaa. Gef weyn bay ku tahay ehelka inaanay xil iska saarin daryeelka xubnaha inantooda iyaga oo ka baqaya inay ka xumaato amaba ay ku kacsato taataabashada goobahaasi, natiijaduna waxay markaasi noqonaysaa siday qiyaasayeen si ka duwan, maadaama dareeraha ka yimaada cambarka ee ay daryeel la’aani keento ama cudur sida jabtada oo kale ahi uu keenaa yahay kan isagu kiciya dareenkeeda jinsiyeed kuna dhaliya kacsi iyo gariir joogta ah.

Hooyada waxa la gudboon inay inanteeda ku baraarujiso sidii ay nadaafadda ugu dadaali lahayd gaar ahaan xilliga caadada, fahamsiisana in mustaqbalka haweeneydu uu ku xiran yahay nadaafadda jirkeeda, haddii ay ku dadaashana aanay farxad gelineyn nafteeda iyo dadka la nool oo qura, balse ay damaanad qaadayso mustaqbalkeeda, fahmeysana ugu dambeynta in maalinta ay adduunka ugu farxadda badan tahay ay tahay maalinta ay xabadka u furto gacalkeeda, una soo bandhigto jir qurux, udug iyo soo jiidasho badan, qiimayn iyo qaddarinna mudan.

War nin yahaw heedhe intaas oo sanadood baad Yurub, Carab iyo meel walba mareeysaye maxaad mid waloo cad u guursan weyday, waa adigaan Soomaaliya iyo carri aad waa hore ka dhooftay guur usoo doontaye? Saaxiibow waa runtaayoo waan soo arkay dumar badan oo cadcad, welibana quruxdooda haddaad indhaha saartid aad halkaaga iskula shubeysid, guurna igu baryayey, ha yeeshee naagihii Soomaalida ka sokow afkii, dhaqankii, diintii iyo dhiiggii oo aynu wadaagno, waxa aan marnaba lagu gaareynin tii nadaafad ahayd.

Waa sheeko dhab ah oon dhif iyo mar la’arag ahayn, aniguna shakhsi ahaanteyda waxaan sheekadaasi mid la mid ah ka maqlay nin ajnabi ah oo gabar Soomaaliyeed qaba. Arrinkaasi runtii waa mid ay haweenka Soomaalidu ku ammaanan yihiin, annaguna haddaynu raggii nahay ku faani karno.

Haweeneydu waa inay xubnaheeda taranka mayrto maalintii ugu yaraan hal jeer, markaasi oo intay kaadi-haysta faaruqiso, ay dabeeto ku mayrto biyo kulul iyada oo isticmaaleysa gabal saabuun ah oo loogu talagalay. Dabeeto waa inay xubnahaasi ku qallajisaa shukumaan ama gabal mara ah oo u gaar ah, isticmaashaana boolbire. Waxaana intaa dabadeed haboon inay goobtaasi ku carfiso (Deodorant) oo ah barafuun udgoon isla markaasina shiir bi’iye ah.

Fiiro gaar ah: Haweenka Soomaalida qaar baa aad nadiif u ah kolkay arrintu jirkooda joogto, ha yeeshee aan xil sidaasi ah iska saarin nadaafadda guriga ay ku noolyihiin iyo tan jikada ay wax ku kariyaan intaba. Jikadu gaar ahaan, waxa weeye halka ugu muhiimsan ee dumarka ajnabiga ahi ay kaga libin heli karaan dumarka Soomaalida, haddii nadaafad lagu beretamo.

Maacuunta, gidaarrada iyo daaqadaha jikada oo aan sidii loo baahnaa loo nadiifin, daaqadaha qolalka gaar ahaan qolka jiifka iyo kan carruurta oon la nadiifin, si maalinle ahna aan loo furin si hawadu isu beddesho nakhaskuna uga baxo, dharka carruurta oo inta la mayro, dabeeto meel lagu raseeyo iyadoon la kaawiyadeyn iwm., waa sifooyin ay kasiman yihiin guryo badan oo Soomaaliyeed. Dumarka Soomaalidu waa inay haddaba waxyaabahaasi oo dhan u fiiro yeeshaan, waa hadday doonayaan in koobka nadaafadda aanay cidi kula beretamin.

W/D: Sabriye Macallin Muuse

Maalinta Caalamiga ah ee ka hortaga gudniinka Gabdha oo laga Xusay Holland.
Iyadoo shalay ay ku beegneed Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga gudniinka Gabdhaha, ayaa waxaa ,siweyn looga xusay Wadanka Nederland,waxaanaXalaf lagu maamuusayo Arinkaasi ay ka dhacaday Magaalada Laydan ee wadanka Holland.

Dr Sahara Siyaad Naale oo ah Khabiir siweyn dadka ugu wacyigaliya Noockaste oo gudniinka ka tirsan ,ayaa waxaa ,ay xaflada ka jeedisay Khudbadad dhinacyo bdan taabaneysa oo soo jiidatay dadkii ka sooqeybgalay Xaflada 6da Febraayo.

Sarho Siyaad naaleeye ,waxaa ay shegtay in Soomaalida ku nool wadankan ay aad ugu wacyigaliyeen Noocyada gudniinka oo ay Tagaan Meelha ay Soomaalida ku badan yiyihiin Hadii ay ahaan laheen Xeryaha Dadka ay ku jiraan iyo Magaalooyinka.

Munaasabada kadib ayaa Sahro Siyaad naaleeye , ay lahadashay Warbaahinta Qaranka waxana ay sharaxaad ka bixisay Gudhaan nocyada Gudniinka waxaana ay shegtay in Muhiim tahay in la is ka wacyigaliyo Gudniinka Madaama uu leeyahay dhibaatooyin Noocyo kaladuwan leh oo dumarka ay la kulmi karaan.

Dr Sahro waxaa ay ugu baaqaday Dowlada Soomalaiya Gaarahaan wasarada Adeega Bulshada in ay wax badan ka qabato Caadada aan wanaagsaneyn ee Soomaalida ay siweyn ugu dhaqamaan ee ah Gudniinka.

Sahro Naaleeye waxaa ay shegtay in siweyn ay u gu sharxaan Dhibaatada Gudniinka ,Dadka Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Holland ,maadama uu wadankani Holland uu mamnuuc ka yahay Gudniinka oo Qofka lakulmi karo Xarig mudo dheer ah.

“Ilaaiyo hada majirto Qof  Soomaali ah oo looxiray Arimiha Gudniinka taasina waxaa ay ku timid dadaalkeena ku aadan Ka hortaga Gudniinka Noockaste ha ahaadee waxaana sidookale aan u adegsanay Arimaha Wacyigalinta Wadaadada iyo Dad kale oo aan tabar u fidinay si dadka ay ugu sharxaan dhibaatada gudniinka.’” Sidaasi waxaa tiri Dr Sahra Siyaad Naaleeye oo katirsan Hay’’ada FSAN.

C/laahi Taajiroow Holland

Caafimaadka Xubnaha Taranka (1)
Qofka bani’aadmiga ahi waxa uu isticmaalaa xubnihiisa taranka kolka uu u galmoonayo la qaybsadaha noloshiisa ee uu ka dhex xushay kumanaanka qof ee uu la nool yahay. Haddaba sida maacuunta nadiifka ah iyo miiska sida wacan loo goglay ay u furaan abitaaytka qofka, ayaa loo baahan yahay in mid kasta oo kamid ah labada isdoortay uu u daryeelo xubnihiisa taranka si uu u soo jiito rabitaanka gacalkiisa.

CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA NINKA

Ninku waa inuu xubnihiisa taranka (geedkiisa) biyo iyo saabuun ku mayro ugu yaraan hal jeer maalintii. Waa inuu galmo kasta dabadeed xubnihiisa si feejigan u mayraa, gaar ahaan kolka uu ka baqayo inuu jabto qaado, isaga oo ku dadaalaya inuu xubnahaasi ka ilaaliyo wax dhaawac ah.

Ragga qolfada laga gooyo (sida Muslimiinta iyo Yuhuudda) iyaga waxaa ku filan in marka ay qubaysanayaan saabuunta ku mayraan xubnahooda taranka, mar kasta oo ay kaadiyaan ama dumarkooda u galmoodaanna iyana si wanaagsan u mayraan. Waxaa haddaba lagugula dardaarmayaa in galmo kasta dabadeed aad geedkaaga biyo kulul ku mayrtid, kulayle iyo qaboobe xilligii la joogaba, maxaa yeelay waxaa la caddeeyey in biyaha qaboobi ay geedka ragga jilciyaan oo dilaan.… Lasoco beri insha allah CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA NAAGTA

W/Q: Sabriye Macallin Muuse.