France ayaa kabtankii ugu guuleystay koobka adduunka ee 1998-kii Didier Deschamps u magacowday macallinkeeda cusub.
Deschamps oo 43 jir ah, ayaa ka tagay jagadii uu ka hayay kooxda Marseille, toddobaadkii tagay waxaana uu beddelay Laurent Blanc oo is casilay, kadib markii France ay ku hartay wareega 8-da, halkaasi oo ay ku garaaceen Spain.
Kullanka ugu horeeya ee Deschamps ayaa noqon doona kan 15-ka August uu magaalada La Havre kula cayaari doono horyaalka koonfurta America ee Uruguay.
Waxaa la filayaa in qaar ka mid ah cayaartoydiisa uusan heysan doonin, kuwaasi oo wajahaya ganaaxyo kaga imanaya xiriirka kubadda cagta France ee FFF, kadib markii qaarkood ay dhaqan xumo iyo adaab darro ka muujiyeen koobka Qaramada Yurub.
Use Facebook to Comment on this Post
You must log in to post a comment.