Gen. Cabdi Qaybdiid oo loo doortay Madaxwaynaha cusub ee Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada.com) - Jen.Cabdi Qaybdiid ayaa loo doortay inu yahay madaxwaynaha Maamulka Galmudug kadib markii uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug.

Taliyihii hore Booliska Soomaaliya ayaa kaga guulaystay Xilka  Madaxtinimo oo ka dhacday magalada Gaalkacyo Madaxwayne kuxigeenki Maamulkaas Cabdisamad Nuur Guuleed.

Maanta ayay ku beegnays markii loo asteeyay in laqabto doorasho si loo helo Madaxwayne Cusub oo badala Madaxwaynihii hore oo hada kujira Cisbitaal kuyaala Magaalada Nairobi ee Maxamad Axmad Caalim.

Dhaamaan Xil dhibaanadii Cusbaa ee Baarlamaanka Galmudug ayaa codkooda ugu shubay Taliyaihii hore Booliska Soomaaliya Cabdi Qaybdiid oo haatana ah Madaxwaynaha Cusub ee Galmudug.

Waa Hogaamiye kooxeedki ugu horeeyay ee qabta Xilkaan Madaxwayne.

Kadib Markii Maxkamada Sare ee maamulka Galmudug ay ku dhawaaqday in Madxawaynaha Cusub ee Galmudug uu yahay Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa dabaal dagyo ay kadhaceen magaalada Gaalkacyo iyadoo Risaastana Cirka loo ridayay,waxaan Cabdi Qaybdiid uu xilkaan uu heyn doono Sedexda Sano ee soo socota.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: