Marshaale oo la aasay + Sawirro.

Muqdisho(Caasimada.com)-Allaha Unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Majaajuliistihiii Caanka ahaa ee Cabdi Marshaale Malaaq oo kooxo hubaysan Xalay ay ku dileen degamada Waabari.

Marxuumka ayaa wxaa aaskiisa kaqaybgalay Qaybaha kaladuwan ee bulshada sida Wariyaasha,Faaniinta ,majaajiliistayaasha iyo dadka kale oo aad ugu murugaysnaa geerida marxuum Marshaale.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa uu kadhacay maanta xaafada Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Agaaasimaha TV-ga Universal ee Xarunta muqdisho Ibraahim Jeekey ayaa tacsi udiray ehealada Marxuumka waxaana uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya inay Maxkamad Soo taagto cida kadambaysa Dilkiisa.

Sidoo kale Saaxibkiisii dhanka Majaajilada Cabdi Muriidi Ajakis ayaa sheegay inuu kaxunyahay geerida saaxibkiis ayna ahayd wax uqornaa lakiin Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay dhahaan mar walba waan soo qabanaynaa waxna kama qabtaan ayuu yiri Ajax.

Maeshale malaaq ayaa waxaa dilay xalay kooxo hubaysan oo aan lagaranaynin cida ay kasocdaan.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: