Baaqashada shirkii Kismaayo oo loo sababeeyay Dowladda Somalia

Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shir ka furmi lahaa magaalada Kismaayo maanta uu baaqday ka dib markii ay tagi waayeen masuuliyiinta dowlada.

Gudoomiyaha gudiga farsamada ee maamul usameynta gobolada Jubbooyinka ayaa u sheegay warbaahinta in kulan ka furmi lahaa magaalada Kismaayo uu baaqday sabab la xiriirta madaxda dowlada oo an ka jawaabin codsi ay usoo direen.

Macalin Maxamed Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudigaasi ayaa u sheegay saxaafada in madaxda dalka Somaaliya gaar ahaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka ay udireen codsi ay usoo direen laakiin aysan ka helin wax jawaab ah.

Shirka ka furmi laha magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid maamul loogu sameynayo gobolada Jubbaland iyadoo ay socdaan dadaalo ku aadan sidii maamulkaasi loo sameyn lahaa.

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: