Amisom oo QM u dirtay qoraal ay kaga soo horjeedo diyaaradaha Drone-ka.

Muqdisho(Caasimada.com)- Taliska Amisom ayaa ka soo horjeestay Diyaaradaha Duuliyaha lahayn ee Dowlada Mareykanka ugu howlgalayo Dalka Soomaaliya si loogu wiiqo Awooda Shabaabka Soomaaliya.

Amisom ayaa sheegay in Qatar badan ay leeyihiin Isticmaalka Diyaaradaha Droneska aan duuliyaha lahayn gaar ahaan Wadanka Soomaaliya in laga howgeliyo.

Taliyaha Amisom ayaa  qoraal uu udiray Golaha Amaanka Qaramada Midoobay waxaa uu kadalbaday inay Arintaa dhaqan gelinteeda inay ka fakiraan ,waxaana hadalkiisa uu intaas uu kudaray in Diyaaradaha Basasaka ee Mareykanka Qatar kuyihiin Amaankooda iyo kan Soomaalida.

Amisom ayaa Ciidamo waxaa ay horay ugu sigteen inay ugu dhintaan Diyaarada kuwaa aan duuliyaha lahayn oo kusigatay inay dhacdo.

Diyaarada Droneska ee aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ay Duqaymo kagaystaan Soomaaliya kaa oo ay ku bartilmaaeedsanayaa Al-shabaab oo ku biiray Al-qaacida.

Dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay ku wareejisay Amisom Diyaarado Drones ah si ugu qayb dhigaan howlgalka ay kawadaan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: