Muqdisho (Caasimada.com) - Taliska Amisom ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay kahowgali doonaan Ciidamo dhar cad ah oo kuwa Amisom si ay ula socdaan Xaalada guud ahaan magaalada si looga hortago falalka Amaanka wax udhimaya.
Cali Aadan Xaamud oo ah Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ilaalinta Amaanka Mudada uu soconaya Shirka Ansixinta Dastuurka Amisom ay qayb weyn kaqaadan doonto Sugida Amaanka.
Waxuu sheegay Afhayeenka in Ciidamo gaar ah loo tababaray Sugida Amaanka madada Shirka oo Al-shabaab ay ku hanjabeen inay qaraxyo kagaysan doonaan markii uu furmo.
Afhayeenka Ciidamada Amisdom ayaa wax kamajiraan ka soo qaaday Al-shabaab warka kasoo baxay waxaana uu hadalkiisa uu intaa ku daray inay kabaaran dageen Amisom Xasilinta Muqddisho.
Dhinaca kale waxaa uu ka dhawaajiyay Afhayeenka in dhawaaan ay magaalada Muqdisho si toos ah looga howl gelin doono Ciidamo dhar cad ah oo kaqayb noqonaya Suguda Amaanka Muqdisho.
Amisom ayaa sheegtay inay dhexda uxiran doonta sidii ay nabada galyada madasha Shirka ay usugi lahayd.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.