Al-shabaab ayaa sheegay in markaan meeshii ugu darnayd ay taagan tahay waxaana ay daboolka ka qaadeen inay howlgalkooda ay u badaleen haweenka.
Gudoomiyaha Shabaab ugu magacaaban gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali ugaas oo ka hadlay degmada Buula Burde ayaa sheegay in dagaalka raga uu ka gudbay oo haweenka ay qaadayaan.
Waxaa uu gudoomiyaha Tilmaamay inay diyaariyeen haween badan oo diyaar u ah in naftooda ay ku biimeeyaan kooxaha Saliibiyiinta sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Yuusuf waxaa uu sheegay in dagaalka ay ka wada Siman yihiin haweenka iyo dhalinyarada Shabaab,waxaana haweenkaas ay weeraro ka gaysan doonaan Fariisimaha dowlada iyo Amisom ayuu yiri.
Bayaankaan ka soo baxay Shabaab ayaa keenaya in haweenka feejignaan dheeri ah loo yeesho.













12/05/2012 at 12:30 PM
waa wax lagu qoslo
nin walbow naagta aad shukaansaneysid iska baar inta aad la fadhiisan
waa halis ku wajahan raga shukansiga badan