Shabab oo sheegtay in Askar Somali iyo Ajaaniib ah ay dileen (Dhageyso)

Muqdisho(Caasimada.com)-Ururka Al-shabaab ayaa kawarbixiyay Dagaalo ay sheegeen inay ku qaadeen maalmihii ugu dambeeyay Fariisimada Ciidamada Dowlada ay kuleeyihin Gobolada Dalka Iyo Muqdisho.

Afhayeenka Al-shabaab dhanka dagaalada Cabdul Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu kawarbixiyay Dagaaladaas waxaana uu kasheegtay  guulo lakiin dhab ahaan lama oga marka laga sootago sheegashadooda.

Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday Dagaalada Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay weerar kuqadeen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen Ciidamo katirsan Dowlada ayna kaga qabsaden Gaari Cabdi bile ah.

Waxaa kale oo u sheegay in habeen hore Shiisyahanada Al-shabaab inay kutoogteen Degmada Dayniile labo AskariUgandaah oo kusugnaa Garoonka Diyaaradaha degmada Dayniile.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dagaalo ka dhacay Gobolka Gedo iyo Baay intaba waxaa uu kasheegtay guulo ay ka gaareen Ciidamada Dowlada iyo dhinacyada taageerayay.

Dhagayso hadalka Sheekh Abu Muscab shir jaraa’id

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: