Al-shabaab oo Madaafiic labeegsaday degmada Balcad

Balcad(Caasimada.com)-Al-shabaab oo horay looga saaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa madaafiic ku weeraray Degmadaas oo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Amisom ay kataliyaan.

Saqdii Dhaxe ee Xalay ayaa Al-shabaab waxaa ay Weerar kuqaadeen Saldhiga degmada Balcad oo meelo ka fog magaalada ay kasoo duqaynayeen halkaas oo ay wada joogeen Ciidamada Midowga Africa iyo Dowlada.

Al-shabaab waxaa Weerarka Madaafiicda waxaa ay kasoo qaadeen Wado isku Xerta degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo laga saaray dhawaan.

Dadka Reer Balcad ayaa Arintaan madaafiicda Wal wal ay ku beertay waa mida maanta sida aadka loo hadal hayo lakiin waxaanan Si rasmi ah loo ogayn qasaaraha ka dhashay Duqaynta Al-shabaab ay labeegsadeen Balcad.

Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Balcad ayaa waxaa uu imaanayaa Xili Ciidamada Dowlada iyo Amisom ay dagaal ku qadeen Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: