Al-Shabab iyo Odayaal dhaqameedyo ku hanjabay ka hortagida Dastuurka.

Muqdisho (Caasimada.com) - Ururka Al-shabaab oo horay u dhalilay Odayaasha dhaqanka ee ku shirayo magaalada muqdisho ayaa waxaa ay isugu yeertay Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Jubooyinka.

Kulanka Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa uu kadhacay Dhismaha Jaamacada Cabdala Cazaam ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay shirkooda ugu soo horjeedeen Odayashaan dhaqanka ee ku shiraya magaalada muqdisho.

Al-shabaab ayaa waxa Kulanka ugu qaybgalay Gudoomiyaha magaalada Kismaayo halka Odayaasha dhaqanka ay Shabaab isugu yeerayna uu kamid ahaa labo Nin oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir “Madoobe Yarow” iyo Ismaaciil Haaruun, oo si weyn looga yaqaano Gobolada Jubbooyinka.

Odayaasha dhaqanka oo madasha Shirka kahadlay ayaa waxaa ay sheegeen inaysan sax ahayn Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho joogo waxaana ay ku hanjabeen inay kahortagayaan Dastuurka lagu ansixiyay Muqdisho.

Waxaa ay sheegeen Odayaashii Al-shabaab ay isugu yeerayn inaysan matalili Karin Odayaasha dalka madaama ay ansixiyeen Dastuurka oo meel ka dhac ku ah diinta Islaamka dalkana ay dambi ka galeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

kubad logo4

You must log in to post a comment.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.
%d bloggers like this: