Muqdisho(Caasimada.com)-Dalka Soomaaliya waxaa kadhacaya Doorashooyinka Madaxwayne Marka laga gaaro 20-ka Bisha Augusto,waxaana olalaha Doorashada Siweyn looga dareemayaa Muqdisho.
Doorashada Sanadkaan waxaa isku soo taagay Madax Xilka kahaysa Dowlada Soomaaliya iyo Siyaasiyiin.
Hadaba Shabakada Caasimada ayaa heshey liiska Magacyada Musharaxiinta kaqaybgalaya Doorashada Soo socota waxaana kamid ah .
1) Shariif Sheekh Axmed oo kasoo jeeda (Beesha Abgaal, Harti Abgaal, Agoon yar), waa Madaxwaynaha Iminka Talada Dalka Haya waxaana uu doonayaa inuu Markale Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya.
2) Shariif Xasan Sheekh Aadan – (ASharaaf/Digil). Waa Gudoomiya Baarlamanka horayna waxaa uu usoo qabtay Xili Wasiirka Maaliyada,waqtigii Cumar C/rashiid.
3) Prof C/weli Maxamed Cali Gaas-waxuu kasoo jeedaa Beesha (Majeerteen)-waa Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya,waxaana uu siyaasada kusoo biiray Sanadkii 2011,waxaana uu kusoo biiray Xukuumadii Maxamad Cabdulaahi Farmaajo.
4) Dr. C/raxmaan Maxamed C/laahi Baadiyow- (Wacaysle/ Abgaal). Waxuu katirsanyahay Gudiga Sare ee Maamulka Jaamacadda Muqdisho,waxaana uu Xubin weyn uu kahayaa Ururka Al-Islaax.
5) Maxamed C/laahi Farmaajo- (Mareexaan). Waa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya,waxaana lagu Xasuustaa Doorka uu kaqaatay Xukuumadii Taagta darnayd hada waxaa uu katirsan yahay Xisbiga TAYO.
6) Xasan Sheekh Maxamuud- (Wacaysle/ Abgaal).waa hogaamiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarka ee PDP.
7) Maslax Maxamed Siyaad- (Mareexaan/ Daarood). Waa Wiilka uu dhalay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre,Sanadkii 2009 kii ayuuna utartamaya Jagada Madaxwayne.
8)- C/laahi Axmed Cadow- (Sacad/Habargidir). Wuxuu ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Marxuum C/laahi Yuusuf sanadkii 2004 doorashadii ka dhacday Nairobi.
9) Prof Axmed Ismaaciil Samatar- (Samaroon/Dir). Wuxuu ku tartamayaa xisbiga Hiil Qaran oo ah gole ay ku mideysan yihiin qurbejoog iyo gude joogto Soomaali ah.
10) C/raxmaan C/Shakuur Warsame- (Cayr/Habargidir). Wuxuu xildhibaanimada ka soo galay baarlamaankii la balaariyey ee Jabuuti lagu sameeyay 2009. Ka horna wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenkii Isbahaysigii Dib u Xoreynta ee Asmara iyo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga. Wuxuu degan yahay London.
Musraaxiinta kale waxaa kamid ah
11) Cumar Sowjar-
12) Siciid Ciise Maxamuud
13) Dr Xuseen Khaliif Xaaji Jamac
14) Jaamac Cali Jaamac-
15) Yaasiin Maaxi Macalim- (
16) Prof Axmed Muumin Warfaa
17) Prof Maxamed C/weli.
18) C/laahi Sheekh Xasan-
19) Cumar Salaad Cilmi-.
20) Maxamed Maxamuud Guuleed ‘Gacmadheere’- (
21) Gen Abuukaato Cismaan Faalko
22) Prof Salad Cabddilahi sheekh Sahal (Garyaqan)
23) C/raxmaan Xaaji Cabdulle ‘Ibcad’
24) Cali Macalim Maxamed Aadan ‘Guuriye’
25) C/qaadir Xaashi Cali ‘Fishi’
26) Maxamed Cismaan Gacal ‘John’
27) C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
28) Sheekh C/raxmaan Xaaji Dabcasar.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post













You must log in to post a comment.