Muqdisho(Caasimada.com)-Maamulka Ahlusuna ee degmada Matabaan ayaa guula kasheegtay dagaal xoogan oo ay lagaleen Ciidamada maamulka dowlada hiiraan iyo Ciidamo Itoobiyaan ah.
Ahlusunada matabaan ayaa sheegay inay iska difaaceen Ciidamada maamulka Dooxada shabeele ee hada katirsan Dowlada kadib markii ay weerar kuqaadeen degmada Matabaan oo ahlusuna ay kataliyaan intaa kadibna waxaa bilowday dagaal labada dhinac ay guula kakala sheegteen.
Dhinaca maamulka Ahlusuna ee degmada Matabaan waxaa ay sheegeen in weeraka lagu soo qaaday ay kaga hortageen islmarkaana ay gaarsiiyeen Qasaaro baaxaad balaaran.
Yacquub Maxamad Cali oo ah Madaxa Amniga degmada Matabaan oo kahadlay dagaalka ayaa waxaa uu sheegay inay dileen Sadax katirsan Ciidamada soo weeraray 20 kalana ay dhaawaceen.
Dhinaca Maamulka Hiiraan waxaa u hadlay Sarkaal lagu magacaabo Maxamad Yuusuf diiriye waxaa uuna sheegay inaysan Matabaan weerarin lakiin ay ugalbinayeen Gudoomiyaha dowlada ay umagacowday Matabaan lakiin Ahlusunada matabaan ay udigeen gudoomiyaha inuusan imaan Karin degmada.
Waxuu sheegay Sarkaalka inay dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyeen Ciidamada Ahlusuna.
Sikastaba dagaalka ayaa waxaa uu salka kuhayaa Gudoomiye ay dowlada ay umagacowday Matabaan oo Ahlusuna ay kasoo horjeesatay iyagoo mar uu gudoomiyaha tagay matabaana laxiray kadbna lasiidaayay lakiin digniin loo jeediyay inuusan Imaan Degmada Matabaan.
Yacquub Maxamed Cali madaxa amniga degmada Matabaan ee Ahlusuna
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.