Guriceel (Caasimada.com) - Ururka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay Dambiigiisa dhaafeen Sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab ee kamid ahaa Saraakiisha hogaaminaysa Dgaalka Gobolka Galgaduud.
Ahlusuna ayaa dabaalka ka qaaday Sababta ay u Cafiyeen Sarkaalka maadaama ay horay ugu dhawaaqeen in Shabaab ladilayo hadii nolol lagu qabto.
Gudoomiyaha Garsoorka ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Saciid ayaa sheegay in Sarkaalkaan uu katanaasulay kamid ahaanshaha Al-shabaab Islamarkaana Toban Cisho uu ku xirnaa Xabsi kuyaala magaalada Guriceel.
Sheekh Saciid ayaa tilmaamay inaysan Ahlu Sunna dooneyn amaba wax tallaabo ah ka qaadi doonin, haddii Saraakiisha iyo Ciidamadda Al Shabaab ka tirsan ay isaga soo baxaan kooxdaasi, sida uu sheegay.
Ahlusuna faah faahin kama bixin Qaabka ay ku soo qabteen Sarkaalka Al-shabaab katirsan.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.