Gedo(Caasimada.com)- Dagaal lagu Tilmaamay inuu yahay kii ugu darnaa ayaa waxaa uu kadhacaya Xalay Deegaano katirrsan Gobolka Gedo oo ay gacan kuhaynteeda ay isku hayaan Al-shabaab iyo Dowlada.
Deeganada uu dagaal kadhacay ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowlada iyoKenyakadib markii Ciidamadii ugu badnaa Al-shabaab ay weerar ku qadeen Deegaanada Yurkud iyo Buusaar.
Al-shabaabkamaaysan hadalin Dagaalka oo qasaaro badan ay kadhasheen sida Wararka lagu helayo ayaa hadana waxaa dhankooda Warbaahinta lahadlay Madax katirsan Dowlada ee Gobolka Gedo oo guulo kasheegtay Dagaalka Yurkud ka dhacay.
Maxamad Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowlada oo maanta lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay weerarka ku soo qaadeen deeganada ay joogeen lakiin waa iska caawanay ayuu yiri.
Sida uu hadalka udhigay waxaa uu sheegay in Dagaalka ay qasaaro baaxda balaaran ay ku gaarsiiyeen Al-shabaab oo ay kadileen 26 sarkaal oo kamid ahaa Al-shabaab oo Ciidamada Dagaalka soo qaaday kujiray.
Dhinaca kale Ciidamo katirsanKenyaayaa qarax iyo Dagaal waxaa loogu gaystay deegaan lagu magacaabo Buusaar kaas oo qasaarihiisa uu badnaa lakiin Saraakiisha dowlada waa ay kagaabsadeen inay kawarbixiyaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho













You must log in to post a comment.